In
kasta oo uu gaabnaa qoraalkii uu Ibraahim kaga dooday aragtidii ahayd
”Cilmiga jahliga” haddana waxaa la moodaa in uu abbaarayey ujeeddo cad oo ku
aaddanayd baahida soomaalida iyo dhanka ay dantoodu jirto. Sidii aan anigu u
fahmey wuxa uu qoraalka yoolkiisu ahaa in soomaalida loo furo dood ay kaga
hadlaan in ay u baahan yihiin in ay ku sii raagaan heerka ay maanta joogaan
iyo in ay fiicnaan lahayd in ay helaan nolol iyo aragtiyo ka maqan oo ay la
gudboon tahay in ay baadigoobaan si ay ugu tallaabaan heer ka fiican midka
qalllafsan oo ay muddada dheer ku sugnaayeen.
Waxa ay soomaalidu ku maahmaahdaa
“Cantuugo caman ka laacday” oo looga gollee yahay in qofkii wax badan cuna oo
cantuugaa uu cayilo oo uu caman waaweyn yeesho, waxaanna maahmaahda u soo
daliishadey in indhaha maanta soomaalida ka muuqda ay u yeeleen aragtiyaha
hooseeya oo ay isku qallajinayaan, kuwaas oo ka horjooga in ay indhaha iyo
maskaxda u furaan sidii ay uga guuri lahaayeen liidnimada u diiddan in ay
helaan garasho iyo calaf ay kaga raystaan deyrka saxariirta iyo dufnimada oo
ay ku xeraysan yihiin.
Odayaal soomaaliyeed oo wada hadlaya
qofkii dhegaysta, oo siyaasiyiin soomaaliyeed oo doodaya dheegaysta, oo
waddaaddo soomaaliyeed dhegaysta, oo dumar soomaaliyeed dhegaysta, oo
dhallinyaro soomaaliyeed dhegaystaa wuxa uu ogaanayaa in ay dadkaani ku
jiraan mugdi iyo jahli xididdaystey oo in ay ka baxaan ay u baahan tahay
halgan iyo doodo lagu xuurtoodo oo xilli aan yarayn ka dhex aloosnaada inta
garan karta in ay jiraan dhibaatooyin xagga fakarka ah oo sidii looga bixi
lahaa ay u taal dadka soomaalida ah ee aan laga sugi karin dad kale oo
maskaxdeenna ku shuba dawo aynu kaga biskoonno cudurka jahliga ee uu Ibraahim
dareemay in uu ka buuxo dhiigga ummadda soomaaliyeed.
Intaas ayaan doodda caawa ku soo
koobayaa, oo waxaan sugayaa inta ay hadalka soo gelayaan geesiyaal aan ahayn
kuwa u baahan in loo dhigo casharro ku saabsan “Cilmiga jahliga”, waxaana
dadka doodaya uga digayaa in ay diin ku soo gabbadaan, maxaa yeelay waxaa
jira dad aan fiicnayn oo diinta ilaahay ka gala eedo aysan lahayn, kuwaas oo
uu hadafkoodu yahay in ay xaasas badan mehersadaan iyo in ay been ummadda iyo
ilaahayba u sheegaan. Waxaa kale oo doodda ka reebban in la ammaano dhaqanka
soomaalida oo ah wax xun oo aan lahayn wanaag iyo sharaf loo bogi karo. Waxaa
kale oo dooddaan aan lagu soo dhawaynayn kuwa taageersan siyaasiyiintii dalka
denbiga ka soo galay sidaan Aadan Cabdulle Cismaan, Cabdirisaaq xaaji Xuseen,
Cabdiraxmaan Jaamac Barre, Maxamed shiikh Cismaan iyo kuwa diiddan ay
soomaalidu midoobaan, oo afka la taagaya in ay kala goynayaan jamhuuriyadda
dimoqoraaddiga federaalka Soomaaliaya.
Sidaas iyo dood fiican walaalayaal ku
soo dhawaada doodda!
Waad salaaman tihiin dhammaantiin.
Maxamuud Caynaanshe
maxamuudcaynaanshe@hotmail.com