SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

Feb 24, 2004 

War-1-febrayo,04.Nairobi.
Maamulada Gobolada sh/dhexe iyo puntland State oo aan si toos ah u saxiixin heshiiskii Feb 23

"ergada shaley codeysay ma aheyn ergada saxda ee waxaa laga soo ururiyey suuqa xaafada east-light ee magaalada Nairobi."

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
 

Hogaamiyayaasha soomaalida ee ka qaybgaley shaley ansixintii iyo u codeyntii qodobadii dhawaan lagu saxiixay guriga madaxtooyada iyo qoraalkii wasiirka arrimaha dibada kenya ee 17-kii bishan ayaa ka muujiyey aragtiyo kala duwan.

Hogaamiyayaasha maamulada gobolada ee shabeelada dhexe iyo maamulka puntland ayaan shaley si toos ah ugu codeyn qodobadii halkaasi lagu aqriyey oo hogaamiyayaasha iyo ergada kale markii la mariyey ka dib ansixiyey heshiiskaasi.

Maamulada labadaasi gobol ayaa ku andacoonaya qodobadan soo socda:-
1-qoddobka 30-aad ee xulida xubnaha baarlamaanka oo ay diidan yihiin in ay wax ka soo xulaan siyaasi beeleedyada soomaaliyeed ee shirka ka qaybgalaya.
2-ergada shaley codeysay ma aheyn ergada saxda ee waxaa laga soo ururiyey suuqa xaafada east-light ee magaalada Nairobi.
3-dalalka IGAD ee shirka nabada soomaalida ayaan u dhameyn oo dawlada qaar ayaa ka maqan ayey ku andacoodeen.

shir maanta ay yeesheen maamuladasi ayaa waxaa looga hadlayey habkii iyo sidii loo sixi lahaa qodobkaasi oo ay iyagu aaminsan yihiin in loosoo qoray si ka duwan sidii lagu heshiiyey taasoo ah xulida xubnaha baarlamaanka waxa xulaya hogaamiyayasha siyaasada ee 25-ka ah.
maamuladaasi ayaa fariin codsi ah u soo diray IGAD iyo Dawlada kenya oo iyaga shirka guddoominaya fariintaasoo ah in wax laga bedelo qodobkaasi .
ma ayan sheegin haddii codsigooda la diido talaabada ku xigta oo ay qaadi doonaan.

Hogaamiyayaasha siyaasada ee kale ayaa aaminsan in laga gudbay wajiga labad ee shirka kaa soo ahaa kan ugu dhib badan. Dhanka kale beesha caalamka iyo IGAD iyo dawlada Kenya ayaa wali soo saarin warsaxaafadeed ku aadan ansixintii qodobada heshiiska shaley,walow uu wasiirka k/xigeenka arrimaha dibada uu sheegay in loo gudbay wajiga seddexaad ee awood qaybsiga shirka soomaalida.
sidoo kale beesha caalamka ayaa iyana wali soo saarin baaq saxaafadeed oo ku aadan shirka soomaalida oo haatan maraya maraxalada kala gudubka wajiyada 2-aad iyo sedexaad,in kastoo ay goob joog ka ahaayeen dhamaan beesha caalamka iyo wakiilada ururda caalamaiga.
shirkaasi waxaa ka maqnaa dawlada itoobiya oo iyadu ka mid ah dawlada safka hore ee shirka nabada soomaalida oo haatan maraya wajiga ee awood qaybsiga qabiilada soomaalida ee ka qayb galaya shirka nabada soomaaliya oo 15-bilood ka socda kenya.
dhamaad.
abdikarim aden hussein.
abdikarimhussein@hotmail.com


Feein: SomaliTalk.com | Feb 24, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]