1- ugu horayn waxaa ah talaabo wadadii saxda
ahyd lagu qaadayo, kadib markii uu madax waynaha dawlada goboleedka punt land
ca/lahi yusuf uu buriyay xil kororsigii ay golaha barlamanku ay kordhiyeen
labo sano oo kale 17/02/0 xiligii jiritaanka dawlada,taas oo ahayd talaabo
aan waa faq sanayn distoorka udagan [DGP] sidaas ayaan qoraalka kasoo baxay
xafiiska madaxwaynuhu uu cadeeyay,24/2/04 isla kororsi kaas lamid ah ayaa
punt land waxaa ugaliyay dagaal ay qadeen[GBP] iyaga oo ku difaacaya xeerka
iyo distoorka udagan [DGP] 30/06/2001,taas oo keentay dib udhac wayn oo ku
yimada masiiradii horomarka ee punt land , hada markii ay dhacday mar labaad
in lakordhiyay xilkii waxaa dadka daneeya siyaasada DGP ay in badan ka digeen
in talaabadaas ay qadeen wakiilada golaha barlamaanku ay tahay dib udhac iyo
soocelid labaad khaladkii waynaa ay ku dheceen 30/6/01 hada waxaad moodaa in
uu madaxaynuhu fahmay darsigii ay golaha badbaadinta punt land oo uu
hagaaminayay jen/cadde muuse uu uqaaday halgan dheer oo uu kudifaacayay
distoorka puntland iyo qanuunka iyaal oo aan dhigayn xil kororsi la iska
koror sado xilka, haa c/l,hi yusuf waa uu fahmay warqada uu xanbaarsanaa
sidoo kale hishiiskii tariikhiga ahaa oo uu lagalay jen/cadde muuse oo soo
afjaray dagaal ka dhex hurmayay dad wada dhashay, warqada hishiiska oo isla
markaana xanbaarsanyn digniin nuxurkeedu yahay tii dhacday dagaalkana keentay
inaan mar labaad lasoo celin waxaana ay ahyd shardi wayn oo GBP ay ku
aqbaleen nabadii .
2-hadaba matahay mid ku filnaan karta
warqadaa kasoo baxday xafiiska madax waynaha DGP c/lahi yusuf oo ma noqon
kartaa warqadaasi mid kufilan xaalada siyaasadeed ay marayso DGP haaatan ,
maya kuma filna waxaan arkaa dhow
taalaabo oo waa wayn in loo baahan yahay in laqaado si loo kor qaado dhamaan
heerarka kala duwan ee DGP waxaana ay yihiin talaabooyinkaani sidaan:
A-talaabada ugu horaysa oo loo baahan yahay
in la qaado waa in la qiimeeyo waxa ay punt land ay ubaahan tahay xiligaan
taagan qiimayn labada dhina ee kala ah:
- 1-siyasada arimaha dibada
- 2-siyasada arimaha gudaha.
hadaba hidii aynu eegno dhinaca siyasada
arimaha dibada ee punt land oo ahyd mid xooga saartay sidii loo heli lahaa
dawlad somaliweyn udhantahy , taasoo ka duulaysay in la ilaaliyo midnimada
somalia iyo in dib loo soo cesho qarankii somalia ee bur buray 1990/19991,
hadaba iyada oo lagu duulayo siyaasadaas ayaa punt land waxaa ay ku caasuntay
dhulkeeda qaar kamid ah hogaamiyaasha koonfurta somalia si loo soo celiyo
kalsooni ama loola tashto , waxaa punt land kaga baxay kharash iyo juhdi fara
badan , hadaba su aashu waxay tahay maxay ka faa iday punt land iyo
shacabkeedu siyaasadaas? ma ku guulaysany in lahelo somalai midaysan? manala
garteen hogaamiyaasha koonfuri doonida aanu donayno somali wayn? su aalahaas
in badan ayaa maalmahakan la isu waydiinayaa oo shacabka reer punt land waxaa
in badan ay ka xanaaqsan yihiin sida ay wax uwado dowladu dadka ku nool
gobaladu waxay is waydiin su aalahaas iyo qaarka loo fara badan qaar si
xanaaq ku jiro ayay isu waydiin qarna way wareer san yihiin oo magaranayaan
meesha ay wax usocdaan haatan.
XALKU WAA MAXAY ?
haa waa in la is waydiiyaa ,hogaanka punt
land in badan ayuu xooga saarayay oo uu la fadhiyay shirka , sudi yalahow,
xuseen caydiid, c/qasim , iwm oo kuligood xaafado xamar ka tirsan ay ka
taliyaan , maxay tahay macnaha iyo qiimaha iyo miraha ay punt land kasoo
goosanayso hogaamiyaal caynkaas oo kala ah iyagu aan hishiis ahayn xaafadaha
xamarna kakala taliya shirkana ku jooga tiro aad ubadan awoodiina raba in ay
la qaybsadaan oo isku wax ama kabadan ay ka helaan hogaan somalia iyaga iyo
punt land waa in lafakaraa saasi ma caqli baa punt land iyo xamar ma is la eg
yihiin? see ayaa xamar ay uga socdaan tirada intaa la eg oo ay udoonayaan si
siman in wax loo qaybsaso? waxaan u arkaa punt land oo uu kasocdo hal shakhsi
oo matalaya dhamaan punt land oo ka kooban somalia oo sadex meelood loo kala
qaado hal meel ah , kana kooban 5 gobal ama hada la ansixiyay 8 sideed gobal
in ay tahay tanaasul wayn oo ay hogaanka punt land ay tanaasuleen, xaq iyo
qanuuna uusan ahyn tanaasulkaasi shacabkuna waa in ay arintaa ka kacaan
diidaana asaaska wax loo qaybsan .
hadaan xalka unoqdo xalku waa in punt land
siyaasadeeda arimaha dibada dib loo saxaa waa in lagu saleeyaa wada hadal
lala galayo majiro koonfur ilaa ay midowdo [koonfur halakn waxaan uwadaa
waxii aan ahyn punt land] punt land waa inayan ictiraafin hogaamiyo
kooxeedyada kajira koonfurta somalia ayan wax wada hadal ah la galin ilaa ay
maamul mideeya iyo shakhsi matala ay doortaan , asalku waa inuu saas ku
dhismaa lagana gudbaa siyaasada aan asalka lahyn oo tanaasulka usamanaysa qab
qablayaasha xamar iyo aageeda kulagdamaya.
B-siyasada arimaha gudaha.
siyaasada arimaha gudaho waa mida asaaska u
ah dawlad walba iyo maamul walba oo caalamka kajira, punt land markii la
asaasay 1997/1998 waxaa ay gaarrtay horomar aan lakoobi karin hadaba kahadli
mayno taas ee waxaanu tilmaamin wax yaalaha loobaahan yahay si loo helo
mujtamac dhaqan iyo dal dhisan waxaana ku soo koobin wax kaqabadka siyaasada
arimaha guda qodobadaan:
1-in la sameeyo distoor dhamaystiran isla
markaana laga qaado dadka afti si loo ansixiyo distoorkaas.
2-in la tira koobo shacabka reer punt land
iyadoo lagu salaynaaayo tirakoobkaa qaabka gobalada iyo dagmooyinkooda.
2-doorashada ugu horaysa ay noqoto tan
dagmooyinka markaana gobolka isla
markaana la soo doorta golaha wakiilada oo lakala diro baarlamaankaan hada oo
ku fashilmay ilaalinta xeerka punt land , laguna shardiyo baarlamaantigu inuu
yahay shakhsi jamiciya +ilaaliyana xeerka iyo qanuunka udagan DGP
3-in uu ogalaado distoorka cusubi xaqa uu
uleeyahy qofkasta oo reer punt land ah in uu furto xisbi uuna utartami karo
marku buuxiyo shuruuda looga baahan yahay doorashada baarlamanka ama
madaxtimimada .
4-in lahelo maxkamad guud oo kamadax banaan
dawlada iyo sidoo kale xisaabiya guud oo isna umadax banaan shaqadiisa soona
hordhiga qoraaladiisa golaha wakiilada oo loobaahan yahay in ay noqdaan cida
la xisaabtamaysa golaga xukuumada.
5-awlawiyaadka ama wax yaalaha ugu horeeya
oo ay xooga saarayso dawlada cusubi waa WAXBARASHADA+CAAFIMAADKA +REER MIYIGA
kuwaas oo ah umada reer punt land kuw ay ubaahan tahay in loo qorsheeyo bajad
ugaara.
3-arimahaas aan ka dhawaajiyay waa kuwa
ubaahan wax kaqabad runtii aan lagu eeganayn c/lahi yuusuf ama cadde muuse oo
qura bal ay tahay in la iskaga kaashado oo qofkasta oo reer punt land uu
guntiga uxiran lahaa sida uu wax uga qaban lahaa horomakra iyo dib udhiska
dawlad gobaleedka punt land hadii aan isla markaana ayan ku baraarugin
siyaasiyiinta reer punt land kuwaada hada xukunka haya ama kuwa banaanka
kajoogaba sidii aan wax looga badali lahyn khatarta markaa ku soo fool leh
punt land wax sii balaaran mukhadadka udagan dadka raba inay bur buriyaana
waa uu suurta galin hadaan xooga la saarin sidii dib loo eegi lahaa siyaasada
arimaha dibada iyo gudaha ee DGP.
WAA MAHAD SAN TUHIIN
Asad
Abdi gufure maxamed
asadgufure@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 25, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan