Waxaa la yaabanahay in ay maanta
soomalida noqota kuwa dantooda iyo maslaxadooda la tuso laguna haayo war
heshiiyo oo aduunwaynaha ku darsama hormarka la gaaray qaybtiina ka qaata.
14 bilood ka badan ayaa maslaxad soomaaliyeed
loo fadhiyaa oo mar walbo weji kale shirka yeelanayo taaso sabab u ah
Dowladda Xabashida ee Zenaawi
Dowladda Tikreega oo cadeesatay in marna
soomaliya dowlad ka dhalan markastana dhulka soomaaliyeed ee ku takrifashto
aduunweynaha wax ka qabaneenin maxaa u sabab ah dhibaatooyinkaasi ..
…. BAL ARAG NIMANKAN BAA
HOGAAMIYE
SRRC
horaa u arkay in hagardaamo iyo siyaasad kale ku socdaan iyagoo ka soo
horjeedo dowlad soomaliyeed.fikradaaso ka imaatay Dowladda Xabashida
ZENAWI
Bishii Janaayo /29/2004
waa maalintii ay wada saxiixeen dhamaan hogaamiya kasta taaso aduunka oo dhan
soo dhaweeyay heshiiskii hogaamiyayaasha soomaaliyeed .
Inkastoo ururada igad ay joogaan balse
Dowladda Itoobiya oo ka maqneed Maseer xumo darteed , raalina ka aheen
Damaashaadka hogaamiyayaasha iyo farxaddii soomaliyeed ee keentay shirkii
Nairobi .Maalin kadib iyadoo ciidul fidhriga aheeda ayaa nin walbo fasax
gaaban la siiyay taaso keentay dhibka maanta
Korneelka C/laahiYusuf
oo tagay Galkacyo oo la kulmay saraakiil itoobiyaan ah oo fariin ka waday
ZENAWI kolkii canaan iyo qaylo KORNEELKA la kulmay sidii dowladda
itoobiya uga xun tahay heshiiska ayaa sharuudo adag lagu xiray
“ILO MUHIIM AH”
ayaa sheegeen sharuudahaasi ahaayeen in Korneelka loogu hanjabay in
Somaliland Gacanta loo galin doono Goboladda sool iyo sanaag, in Xilka
madaxweyne ee Puntland laga qaadi doono iyadoo la adeegsan doono nimanka
mucaaradkisa ah ee puntland joogo.
Sidaa daraadeed ayaa Korneelka caqabad xoog
leh soo foodsaartay taaso goaan ku gaaray in shirka qaadaco si walbo ha ku
qaadateeee..
Isla markiiba waxuu ku soo laabtay
Nairobi waa tii la wada ogaa isbedelka gurucan ee la yimid Korneelka iyo
Askartiisa. Inkastoo ka soo horjeesteen labo ka mid ah hadana kuwa kale hadal
kama soo celin maxaa yeelay Korneelka ayaa u ah furaha siyaasadda burburinta
shacabka soomaaliyeed iyo u adeega
XABASHIDA
MAXMED DHEERE :
waa nin aan goaan laheen , talano aqoon siyaasad fahamsaneen oo dhaac raac ah
maxaa yeelay ninka siyaasiga ah waa in siyaasadiisa sal laheen hadba la
socdaa Hirarka Badda ee mar walbo dhinac socdaa ama danaha siyaasadiisa fulin
karaa , waxaa tusaale u ah shalay asigoo JOWHAR fadhiya shir abaabulayo ayaa
KORNEELKA lugta ku dhuftay Yiri wax soconayso la imaaw, shir soomaliyeed baa
KENYA loo fadhiyaa maxay tahay Shirka Jowhar. Inkastoo maxamed dheere
naftiisa ka dhaadhiciyay Dowladda ZENAWI taageero ka heli doono balse
riyadiisa u rumoon wayday ayaa danta ku qasabtay inuu shirka ku laabto
heshiiskiina raacay waxna ka saxiixay frxadii ka qayb qaatay si niyadsami
kadibna ugu soo laabtay xarunta Jowhar , markii korneelka qaadacay shirka in
lagu qiyaameeyay waa tii ka soo horjeestay waxa korneelka sheeganayo kadibna
ku raacay inkasto madaxda IGAD isticmaaleen awood ku maquunin taaso ah mid
muhiim ah Korneelka loona diiday inuu safar ku tago Bosaaso balse o SRRC qayb
ka mid ah dhumasho ku tageen magaaladii Jowhar shirka ka soo horjeesteen
iyagoo goaan ka qaato Dowladda Xabashida iyo Korneelka
Mida kale la yaabanahay waxaa maqli jiray
qabiil ka mid ah soomalida ka cabanayso in shirka lagu daro iyagoo ah dad
minority ah waxaa ugu daran kolkii la ansixiyay wejiga labaad ee magac
Dowladda iyo barlamaanka in Korneelka ku dacwoonaya in lagy daro Dowladda
Xabashida Waxaa garan karin in Korneelka maskaxdiisa fayoobeen iyo in kale
Goormee Dowladda xabashida ka mid noqatay Beelaha soomaaliyeed mise waa Urur
cusub .
Hadaba waxaa ku soo gabagabeen Fikradeeda
SRRC dhaan raacatada ah ee danta XABASHIDA ka shaqayso war umadaan
dhibka ka qaada 14 sano ku haysaan siyaasadiisa ma ahan mid maslaxad
soomaaliyeed ee waa burburin soomaaliyeed iyo cadow u adeeg ee waxaa idinku
talin lahaaa inaad ka shaqeesaan maslaxda soomaaliyeed iyo waxii dan u ah
umaddan cakaaariseen 14 ka sano
Qoraalkii hore ee
Bashka Ali....
Wabilaah Towfiiq
Bashka Ali
bashiirali02@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 26, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan