SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK

Feb 27, 2004 

BAAQ WARGELIN DEG DEG AH OO KU SOCOTA QAYBAHA KALA DUWAN EE BULSHADA SOOMAALIYEED:

  • • Aqoonyahanka Soomaaliyeed

  • • Culimada Diinta

  • • Ururada Bulshada

  • • Hay’adaha gargaarka ee Islaamiga ah

  • • Saxaafada Madaxa banaan ee Soomaaliyeed

  • • Jaaliyadaha Bulshada Soomaaliyed ee ku dhaqan Dibadaha

  • • Iyo ugu Dambayntii guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan

Ujeedo: BADBAADINTA MASHRUUCII AGOONTA SOOMAALIYEED:

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Ciyaal Malaaciinka Internetka
Qore:
DAWO  HASSAN
Malaha Aabbe kool kooliya mana arki karaan ilma  la kool koolinayo Guji...


Sida uu la socda muwaadin kasta oo Soomaaliyeed xaalada qalafsan ee uu shacabka Soomaaliyeed ku jiray 14-kii sanno ee la soo dhaafay oo ay sababteeda leeyihiin dagaalada aan ujeedada iyo micnaha lahayn ee ku salaysan qabiilka iyo caadifadu waxay sababeen silic iyo saxariir si weyn ugu baahday guud ahaanba bulshada soomalida gaar ahaana dadka rayidka ah ee u badan maatida iyo caruurta, qaybaha hadaba sida laxaadka leh ugu waxyeeloobay colaadaha hubaysan ee ka socda geeska africa waxa safka hore kaga jiraa ubadka Soomaaliyeed oo aan guud ahaanba masuuliyada xasuuqa ka socda Somalia waxba kala socon noqdayna sakaaradii budka la kulantay.

Madaarada caalamiga ah ee aduunka waxa caan ka noqday caruur yar yar oo Soomaaliyeed oo ay waalidkood u soo dhiibeen iyagoo kala soo cararaya xabada ka dhacaysa deegaanadii ay ku noolaayeen shakhsiyaad xirfad u leh tahriibka dabeetana kaga yaacaya garoomada caalamiga ah ee diyaaradaha aakhirkana ubadkaasi waxay gacanta u galaan dadyow shisheeye ah oo aan la dhaqan iyo diin midna ahayn.

Xeebaha Yemen iyo Liibayina waxayba caan ku noqdeen maydka caruurta Soomaaliyeed ee iyaga oo lala yaacayo marka ay doonidii ay saarnaayeen xijaabka geerida huwato ayaa caruurtaas sabiga ah badda lagu xooraa.

Baaqan iyo qaylo dhaantan deg dega ahi waxay ku socotaa dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee kor ku xusan, ujeedada uu ku qotomaana waxay tahay war deg deg ah oo naga soo gaadhay xaruntii lagu hayay agoomaha soomaaliyeed oo ay horay gacanta ugu haysay ha’ay’ada AL-HARAMAYN oo albaabada loo xidhay ka dib markii uu hay’ada Al-Haramayn uu maraykanku mamnuucay sababo kale oo badan awgeedna aanay sii wadi doonin taakulaynta agoomaha Soomaaliyeed.

Warka hadaba murugada iyo tiiraanyada wata ee sheekadan la socdaa waxa uu yahay iyadoo ay ubadkaas yar yar xilkiisii la wareegayaan ha’ay’ado kiristaan ah oo ka kala socda wadamo ajnabi ama shisheeye ah, Ha’aydahan kiristaanka oo adeegsanaya NGO-yo cusub oo Soomaali ah oo hadda la aasaasay ayaa balan qaaday inay bixin doonaan qarashka ku baxaya caruurtaas oo lagu qiyaasay inuu ahaa intii ay gacanta ku haysay Al-haramayn $40 ardaygiibii(bishii) iyadoo ay ardaydu gaadhaysay ilaa dhawr kun oo lagu xanaanayn jiray xarumo ku yaal wadanka soomalia meelo kala duwan.

Ha’aydahan kiristaanka ayaa durbaba dalbaday oo shardi ka dhigay in la badalo manhajkii waxbarasho ee lagu hagi jiray ardaydaas oo ku salaysnaa diinta Islaamka. Waa arrin laga murugoodo!

GLOBAL MEDIA GROUP oo ah Ha’ayad warbaahineed madax banaan fadhigeeduna yahay wadanka boqortooyada ingiriisku waxay u soo jeedinaysaa dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed oo aanu kor ku soo xusnay iyo cid kasta oo dananaysa badbaadinta ubadka Soomaliyeed iyo ku sugnaanshaha Diinteena macaan ee Islaamka oo waajib inaga dhigaysa inaynu ubadkeena ku hagno inay wax alla wixii tabarucaad ah ee ay awoodi karayaan ku badbaadiyaan xarumahaa lagu xanaanayn jiray agoonta Soomaaliyeed si aanay gacanta ugu galin ha’ay’adaha reer galbeedka oo ay ujeedadooda ugu weyn ee ay gargaarka u bixiyaan ay tahay halaynta jiilasha da’yarta ah ee Soomaaliyeed haddii ay nasiib u helaan inay gacanta ku dhigaan.

Qof kasta oo ku tabaruci kara xoogiisa, dhaqaale, fikrad ama talo ah sidii looga badbaadin lahaa ubadkaa inay gacanta ku dhigaan ha’aydaha kiristaanku waxbarashadooduna u sii socon lahayd iyagoo ku sii socda manhajkoodii Islaamiga ahaa fadlan la soo xidhiidh ciwaanka hoos ku qoran:

Global Media Group

Exe-cutive Director
Hassan Salahuddin

Globalnews2000@hotmail.com [email cusub: Updated 29/2/04]

Email:

Address:

No: 4 Upper Temple Walk
Beaumont Leys
Leicester
LE4 0SB

Telephone:
00-44-7904226238.

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 27, 2004

Afeef: Fikrada qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]