SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Feb 27, 2004 

Addis ababa Waa magaaloo caynkee ah?

Faisal Mohamed Bulxan
Minneapolis, Minnesota
UNITED STATES
faisalbulhan@hotmail.com

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Ciyaal Malaaciinka Internetka
Qore:
DAWO  HASSAN
Malaha Aabbe kool kooliya mana arki karaan ilma  la kool koolinayo Guji...

 Akhristaha qiimaha iyo qaayaha lahaw waxaan rabaa inaynu wax yar is la eegno, shanshadana ka wada daalacano bal soomaalida ku nooL East Africa qayb ka mid ah iyo waxa uu xaalkoodu ku sugan yahay.

Hadaba hadaan u daa'dego dulucda dhanbaalkayga dhowaan mar aan socdaal ku soo maray magaala madaxda dalka Ethiopia ee Addis ababa ayaan waxaan daraasad gaar ah ku soo sameeyey cimilada, Amaanka, nolosha, dhaqanka, socdaalka, iyo waxyaabo kale oo kala duwan.

Aan ku bilaabe dhicanaca cimiliada magaalada Addis abab waxay leedahay laba wakhti oo kala summer iyo winter, wakhti kulul iyo wakhti qaboow. Hadaba ma ogtahay akhristoow in dalka Ethiopia aanu u fiicnayn labaadaas wakhti midna oo labaduba ay cadaab ku yihiin oo aanay dadku xamili karin labaadas cimilo ee dalkaas ka dhaca. iyagoo u qeexa in waa wakhtiga kulaylkee aanu u fiicnayn iyagoo aaminsan in cadceedu waxyeelo xaga maskaxda ah iyo madax wareer kala kulma, halka ay wakhtiga qabowga ahna kala kulmaan roobab fara badan oo sadex maalmood oo xidhiidh mar mar ka socda magaalada gudaheeda taas oo aanay kuu saamaxayn inaad xataa nolol maalmeedkaaga u baxdid.

Dhinaca amaanka inkastoo Addis ababa tahay wadamada Africa kuwa ugu dhib yar xaga shuftada, burcadka, iyo xayraanka, hadana waxaad mar mar la kulmi mid mid iska xayraan ah ama waayuhu hayaan oo wax isdaba marinaya. Isla markaas waxay soomaali fara badan oo halkaas ku nool dhibaatooyin yar yar oo minor ah ka soo gaadheen xabad xabad xabashi ah oo ay runtii si fiican soomaalidu iskaga caabiso weeraradooda waxshinamada ah. Isla markaas dawlada iminka gacanta ku haysaa dalka Ethiopia oo la yaqaan TIGRAY waxay damaanad buuxda siisay soomaalida wadankeeda degan haday noqoto xaga amaanka, baayac-mushtarka, deegaanka, i.wm. Isla markaas waxay ciidanka qalabka sida ku dar dar gelisay inay u hiishaan sidii ay dadka ajnabiga ah ee wadankeeda degan amaaankeeda si xad dhaaf ah u dhowraan.

Addis ababa, waxay ka mid tahay meelaha geeska africa ugu nolosha jaban ama fiican. Nolosheedu haday noqoto xaga guryaha, gadiidka, maciishada, iyo waxbarashadaba, waa macquul runtii waxaa meeshaas degan soomaali tiradoodu aad iyo aad u badan tahay haba ku sii kala badnaadeen xaafadaha oo ha ugu horayso xaafada bole. Ethiopiana dakhliga ugu weyn wuxuu ka soo galaa soomaalida oo mar mar waxaadba is oran Ethiopia somalia waxay nabada uga hor taagan tahay soomaalida oo wadanka Ethiopia si aad ah u camiray dakhli guud iyo mid gaar ahna uu ka soo galo.

Dhaqanka, aduunka wadan walba wuxuu huwan yahay oo xanbaarsan yahay dhaqankiisa hooyo, Ethiopia waxay dhaqan ama caado u leedahay waxaa ugu muhiimsan waa buunka, ciyaarta dhaantada, iyo run ahaantii waxyaabo badan oo kale oo aan wakhtigu ii saamaxayn inaan halkan ku soo koobo. Akhristaha qaaliga ahaw anigoo qiimaynaya danaynayana wakhtigaaga qaaliga ah waxaan ku soo koobayaa socdaalkii aan Ethiopia ku soo maray gaar ah magaala madaxdiisa Dhinaca socdaalka oo ethiopia aad ku arkaysid inay ugu yaraan soomaalida degan habeen kasta ay halkaas ka dhoofaan toban ku dhowaad. Iyagoo u kala socdaala meel walba oo aduunka ah.

Akhristoow, qaybtayda labaad ee dhanbaalka la soco usbuucyada danbe haddii Allah awooda leh uu inoo saamaxo oo aynu nolol ku gaarno. Waxaan ku soo koobi doona sidoo kale qaybaha danbe haddii rabi idmo waxyaabo kale oo aad kuu xiise gelin doona ee ha moogaan.

Ugu danbaystii, iyo gunaanadkayga soomaalidu waxay ku maah maahdaa" NIMAN DHUL MARIN DHAAYO MA LEH" Waxaan uga jeeda qof walba haddii wakhtigu u saamaxayo waxaa qurux badnaan lahayd inuu safar ku soo booqdo meelo badan oo dunida ah haba ugu horayso wadankeenii hooyo. Waayo? gacmahaaga ayaa biyo lagaga dhergaa.

Faisal Mohamed Bulxan

Minneapolis, Minnesota

UNITED STATES

faisalbulhan@hotmail.com

QORAALADII HORE EE FAISAL

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 27, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD