MISKIIN IYO MA NAXE
Ismail A.Hassan (khaliil)
Khalka1@aol.com
Feb 3, 2004
Waxaan shaki ku jirin in dhawr iyo
tobankii sano ee aynu soo dhaafnay ay shacab ka Soomaaliyeed soo arkeen
dhibaatada ay dawlad la'aantu leedahay. Waa arrin aan taariikhda casriga ah
hore uga dhicin in wadan xor ah, xubina ka ah ururada caalamiga ah intooda
badan uu ku sugnaado muddo dheer xaalad la mid ah tan maanta Soomaaliya ka
taagan.
Waxaa Soomaaliya ka hanaqaaday dhawr iyo tobankii sano ee ay dawlad la'aanta
ku sugnayd nidaam lid ku ah midka dawladnimada oo ku dhisan fawdo (anarchy),
waxaana xoogaystay doorka qabiilka oo isagu buuxiyay meelo badan oo dawlad
la'aantu banaysay.
Dawlad la,aanta ayaa waxay keentay in qaybo badan oo Soomaaliya ka mid ah
looga dhaqmo si la mid ah sida ay bahalada duur joogta ahi u dhaqmaan. Waxaa
la gaadhay xorriyad aan wax xakameeya lahayn oo aan ugu yeeri karno
xorriyadda kaymaha (freedom in the jungle). Waa xoriyad la mid ah midda ay
haystaan xayawaanka duur joogta ah ee ku dhaqan kaymaha.
Waa xorriyadda garasho caqli iyo xeer toona aan lagu kala leexan ee xoog iyo
xeelad la miciinsado. Waa xoriyadda adduunka cid kale oo haysataa aanay jirin
wax xakameeyana aan lahayn. Xorriyadda noocan ah waxay dunidu u taqaan fawdo
(anarchy), qaramada ku sifoobana waxaa loogu yeeraa qaramada saaqiday (failed
states).
Hadaba mar kasta oo waqtiga dawlad la'aantu sii dheeraadaba waxaa sii
xididaysanaysa xoriyddan aan xadka lahayn taasoo iyana sii adkaynaysa xal u
helidda dhibaatada wadanka ka taagan
Xaaladda dawlad la'aantu waxaa ka soo gaaray guud ahaanba shacabka
Soomaalyeed dhibaatooyin aan la soo koobi Karin haba ugu sii darnaadaan dadka
masaakiinta ah ee nabadda jecel oo aan iyagu hubaysnayn.
Dhanka kale waxaa jira iyana dad tiro yar oo ka faa'idaystay dhibaatada
shacabka waana kuwa aan ugu yeeri doono ma naxe iyo mooryaantiisa.
Ma naxe iyo mooryaaantiisu waa shaqsiyaad aan waxba xeerin hadday noqoto diin,
dhalasho, derisnimo iyo bani aadanimo intaba una buka awood iyo hanti,
waxaanay ku kacaan wax kasta oo ay ujeedadooda ku gaari karaaan.
Ma naxe wuxuu tartan kula jiraa ma naxayaal kale mid walbana wuxuu rabaa inuu
isagu gacanta sare yeesho, mana jiro mid midka kale wax u oggol hadana ma
kala maarmaan oo midkastaa wuxuu ogyahay in ka kale la'aantiis aanay waxba u
suurto galayn.
Ma naxayaashu col iyo nabad midna ma aha oo waxaad arkaysaa kuwo shalay
isbahaysanayay oo maanta dagaal isku qaadaya iyo kuwo shalay col ahaa oo
maanta gacmha is haysta.
Waa dad aan mabda' lahayn oo u bahooba munaafaqnimo iyo inay ma naxayaal kale
kaga jajabiyaan ama ku xumeeyaan.
Ma naxayaashu waxay ka simanayihiin aaminaadda in cid aan iyaga ahayn wadanka
wax ka noqon Karin dawlad aanay iyagu soo dhisinna hana qaadi akrin.
Miskiin isagu waa dulmanyahay cid u miciintana ma haysto. Haddii uu weydiisto
in talada aayaha wadanka laga qayb geliyo, wuxuu ma naxe ugu jawaabaa uma
qalantid waayo adigu waxba maanad dilin,dhiig Soomaaliyeedna maad daadin.
Ma naxe wuxuu ku faanaa daadinta dhiiga Soomaaliyeed iyo burburinta wadanka
waxaanu isugu yeeraa mujaahid.
Ma naxeyaashu waxay shaqo ka dhigteen inay ku qaraabtaan magaca ummadda
Soomaaliyeed ee dhibaataysan, waxaana marba loogu hilbo qalaa wadan iyagoo ka
qayb gala shirar Soomaaliya nabad looga dhalinayo hase yeeshee waxba kama soo
baxaan haddii ay ka soo baxaana ma fuliyaan.
Miskiin isagu ma quusto oo mar kasta oo uu shir nabadeed maqlo rajo iyo
yididiilo cusub ayaa gasha oo isagoo diif iyo dacdarro badani ka muuqato oo
surwaalku ka dhacayo ayuu calankii quruxda badnaa isla hortaagaa goobaha ay
ma naxayaashu ku shirayaan.
Hadaba waxaa maalmahan soo yeerayay in shirkii ma naxayaasha uga socday
Nairobi mudada sanadka iyo dheeraadka ah lagu gaaray heshiis nabadeed oo loo
dhanyahay.
Miskiin wuxuu is weydiiyay tolow daacad ma ka yihiin waxan ay saxeexayaan,
awoodse ma u leeyihiin fulinteeda, mooryaantuse maxay ku dambayn?
Mooryaantu waa wiilal daacad u ah ma naxe oo aan qaran iyo dawladnimo waxba
ka ogeyn, badankooduna waxay mada la soo kaceen oo ay ku barbaareen xaaladda
dawlad la'aanta ee fawdada.
Hadaba haddii mooryaantu u xuubsiibtaan ciidamo qaran wuxuuu miskiin aad uga
shaki qabaa sida daacadnimadii ay u hayaan ma naxe ugu badelmi karto
wadaninimo iyo daacadnimo ay u hayaan qaranka si ay shacabka Soomaaliyeed
sinnaan iyo caddaalad ugu adeegaan.
Markan waxaad moodaa in miskiin aragtidiisii wax iska badaleen isagoo ka
shidaal qaadanaya waay aragnimadiisii 14kii sano ee la soo dhaafay iyo dhawr
iyo tobankii shire ee la soo qabatay.
Heshiis keliya kuma qanacsana ee wuxuu rabaa xisaabtan caddaalad ku dhisan oo
laga yeesho wixii dhacay iyo ciddii geysatay, laakiin ma naxe dhagihiisu
xisaabtan ma maqli karaan.
Miskiin wuxuu aad uga war warsanyahay waxa ay noqon doonto dawlad ay ma
naxeyaal soo dhisaan. Wixuu aad uga xunyahay dadkii 14kii sano ee la soo
dhaafay dhibaatada ku hayay in maanta lagu abaal mariyo jagooyin qaran. Waxaa
dhegihiisa sida ekooga ugu soo noqnoqanaya dhawaaqyo iyo muran ka soo yeeraya
ma naxayaasha. Wuxuu aad uga dhex fahmay erayga bililiqo.
Hantidii iyo khayraadkii wadanka hore ayay ma naxayaashu u bililiqaysteen
markan waxay isku haystaan xilalkii sare ee qaranka.
C/qaasim iyo C/laahi yuusuf oo isku haysta jagada madax weynanimada mid
walbana ka kale ku leeyahay anigaa madax weyne noqonaya ee ra'iisal wasaare
aan kaa dhigo. Shaati gaduud oo leh anaa jagada gudoomiyaha baarlamaanka xaq
u leh, Morgen anigu wasiirka gaashaandhigga waxaan ahayn ma yeelayo iyo Axmed
Cumar Jees oo anaa kaaga xaqle leh, Cismaan caato wasiirka maaliyadda yaan la
iigu iman iyo Qanyare oo ku haysta, Yalaxaw arrimaha gudaha anaa iska leh iyo
Xuseen Caydiid hadddii aanan ra;iisal wasaare noqonayn yaan arrimaha dibadda
la igu soo doonan iyo ma naxayaasha kale oo dhammaan xilal wasiir iyo wasiiro
ku xigeen laga simay.
Miskiin aad buu u murugooday wuxuu waayay cid danaha masaakiinta iyo
xuquuqdooda ka hadlaysa markaa suu hoos isula hadlay oo yiri malaha dawlad ma
naxayaashu hogaamiyaan dawlad la'aanta ayaaba dhaanta.
Maanta miskiin iyo duniduba ma naxayaasha ayay ka dhursugayaan siday uga
dhabeeyaan waxan ay qalinka ku duugeen balse arki doonaa xaalku sida uu ku
dambeeyo.
Ismail A.Hassan (khaliil)
Khalka1@aol.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 3, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Maxkamadda Sare Ee Kanada oo Xukuntay
in Edbinta Caruurta Loo isticmali Karo Xoog
Macquul ah
Guji..
.
XAMAR DAAWO DACALLADA...
SAWIRRO....
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|