Feb 5, 2004
MUQDISHO: Nin Lagu Dilay Agagaarka Baar Ubax
Dagaalada Mudug Awgood
Waxaa maanta (4-2-2004)lagu dilay meel aan
ka fogayn Baar Ubax nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Indhobohol
Diiriye Faarax, ninkaasoo koox dablay ahi kala soo degeen baabuur BL ah oo uu
saarnaa, waxaana la xaqiijiyay in dilidaasi ay dabada ku hayso dagaalada ka
dhex socda beesha uu ka dhashay marxuumka iyo beesha ay ka soo jeedaan kuwa
waxdilay, dagaalkaas oo ka socda dhulka loo yaqaan dooxa GOLOL oo ka tirsan
Degmada jiriiban ee gobalka Mudug.
Waxaana durbadiiba bilaabatay xiisad cusub
oo ka dhex aloosanta labadaas beelood oo aan waligood dad isaga dilin
magaalada Muqdisho tan iyo markii uu bilaamay dagalkoodu muddo hadda laga
joogo 4 sano, waxaana dilkaasi uu dhabar jab ku yahay waan waantii ay wadeen
waxgarad isu taagay daminta colaaddaas soo noqnoqonaysa. taasoo hore loogu
heshiiyay in xabadda la joojiyo waxii la kala tirsanayana lagu dhameeyo siday
qabto shareecada islaamka.
Odayaal iyo Culumaaudiin kasoo jeeda
degaanka Golol ayaa durbadiiba codsaday in la soo gacan geliyo kuwii ka
dambeeyay dilkaas foosha xun si loo yareeyo kuwa caadaystay hurinta cadaawada
iyo isku dirka beelaha wada dhashay ee walaalaha ah,waxaana la sugin jawaabta
ay ka bixiyaan jufada ay ka dhasheen kuwa gaystay dilkaas si loo mariyo
qaanuunkii ay ku heshiiyeen beelahaas oo ahaa ninkii qif dila in loo dilo.
Cabdi Xasan Somalitalk.Com/Muqdisho
abdi172@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 5, 2004
Warar Goosgoos ah: Ceelbuur iyo Guriceel
Magaalada Ceelbuur oo noloshii Caadi ku soo
noqotay iyo Guriceel Oo dhaqaatiir Somali iyo itoobiyaan isugu jira ka
howlgaleen...
Guji.. Feb 3
.
XAMAR DAAWO DACALLADA...
SAWIRRO....
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|