SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Feb 6, 2004  

C/NUUR XAAJI MAXAMED: “Ma aha in ardayga Soomaaliyeed oo weliba agoonka ah uu waxbarashadiisii iyo hoygiisii ku waayo eed loo haysto hay’adda ama School-ka”

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

C/nuur Xaaji Maxamed oo ah qoraa Soomaaliyeed ayaa runtii wax aad looga naxo ku tilmaamay ardaydii agoonta ahayd ee laga xiray dugsiyadii hoyga iyo waxbarashadaba ay ku haysteen, iyadoo sababta ay ku waayeen ay tahay oo keliya eed la sheegay in lagu haysto hay’addii ilmahaasi quudinaysay.

“Goortii aan maqlay ereyadaas xanuunka badan dhab ahaantii habeenkii ma seexan, waxaan xanuun la qaybsanayay dhallaanka yar-yarka ah ee weliba agoonka ah ee aan heysan Aabihii gacanta ku hayn lahaa, waxaa ii muuqatay noloshoodii iyo waxbarashadoodii oo meel cidlo ah ka baxaysa, iyadoo aysan jirin illaa iyo hadda cid dhab ahaan uga danqatay ama u istaagtay wax u qabashadooda, wuxuu dareenkaasi igu dhaliyey in aan u tiriyo gabay oo aan ku baahiyey web-page-ka caanka ah ee ay ku urursan yihiin in ka badan 20,000 oo ragga iyo dumarka wax qora iyo kuwa gabya ee dunida oo idil”.

C/nuur gabayga wuxuu halkudhig uga dhigay Caddaalad kuftay (Collapsed justice), gabaygan oo uu qoraagu Afka-Ingiriisiga ku qoray waxa uu ku cabbirayay wiil 14-jirsaday oo dhashay 26-kii Jannaayo isagoo weliba agoon ah, markii aabihii lagu dilay dagaalladii sokeeye ee dalka ka qarxay, isagoo markaasi u xoogsanayay qoyskiisa, hooyadiis ayaa rafaad iyo kelinimo ku soo korisay muddo 6-sano ah, kaddib wuxuu helay hay’ad Samafal islaami ah oo taakuleysa carruurta agoonta ah, muddo markii uu dhiganayay ayaa hay’addii albaabada loo laabay, iyadoo loo soo jeediyey eedeymo la xiriira waxa ay ugu yeeraan argagixisada. Wiilkii yaraa wuxuu is weydiiyey dhowr su’aalood oo uu jawaabahooda garan waayay, wuxuu is weydiiyey dhibaatadan xagga ay uga timid, maxaa iskuulkii iyo hoygii looga joojiyey..?

Wiilkii yaraa su’aalihiisii jawaabo ayuu u waayay, wuxuuna raadinayaa caddaalad, taas oo uu qoraagu ku tilmaamay in ay caddaaladdii lafteediiba ay kuftay.

Qoraa C/nuur Xaaji Maxamed waxa uu is weydiinayaa maxaa ardaygan Soomaaliyeed loo bad-baadin la’yahay waxbarashadiisii iyo noloshiisii, maxaa loo heli la’yahay oo xittaa Soomaaliyeed oo kafaallo qaadda, maxay shacabka iyo ganacsatadu isugu kaashan la’yihiin in ay ilmahaasi noloshooda sii wadaan, maxaa xittaa loo muujin la’yahay in laga xun yahay barnaamijkan oo loo abaabuli la’yahay bannaanbax ballaaran oo ay carruurta laftirkoodu ka qayb qaadnayaan?.

Somalia: Orphanage Closures Render Thousands of Children Homeless
AllAfrica.com, Africa - Feb 6, 2004
About 3,000 Somali orphans are facing an uncertain future after the orphanages caring ... aid agency, which was funding them, was banned from working in Somalia ...

Somali orphans hit by terror link
BBC News, UK - Feb 3, 2004
The closure of a Saudi-funded charity linked to the al-Qaeda network could
have a devastating impact on thousands of orphans in Somalia. ...

 

Somali Orphanages Hurt by al-Qaida Probe
Newsday - Feb 2, 2004
MOGADISHU, Somalia -- Eleven orphanages in Somalia that were financed by a Saudi
charity ... after the relief agency cut off funding, one of the charity's Somali ...

C/nuur waxa uu xusay in 11-kii September ay dunidu siyaasbo kala duwan u saameysay, laakiin haddii aan nahay Soomaali ay gurigeenna iyo dugsiyadeenna noogu soo gashay, gabayga qoraaga oo afka Ingiriiska ku qoranna waxa uu u dhignaa sidatan:-

COLLAPSED JUSTICE

  • Fourteen years ago today

  • Hell broke out in Somalia

  • A dictatorship bit the sand

  • A vacuum of shame was created

  • In the middle of the shooting

  • A bullet hit an innocent man

  • He was father of an unborn

  • Odawaa cried inside his mother

  • The unlucky orphan vacated Mom’s womb

  • “Justice”, Justice Justice” Cried Odawaa

  • But Justice stumbled over the rock of evil

  • It collapsed at the corridors of tribal Anarchy

  • Mom raised him single-handedly for six years

  • A Moslem charity then came to his rescue

  • Odawaa joined an orphanage center free of charge

  • Food plenty, shelter plenty, education plenty

  • Ominous winds started to blow in the Center

  • Accusations of Al-Qaeda-link surfaced

  • Thouth resisted, the school was forcefully closed

  • Odawaa’s flame of hope has been putt off.

  • “Justice. Justice Justice”, Odawaa cried again

  • “When shall I see justice in my life time? He continued

  • But Justice stumbled over the rock of evil

  • It collapsed at the corridors of September Eleven

Waxaa diyaariyey

Ama isku duwey

Amiin Yuusuf khasaaro
E-mailka amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 6, 2004

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD