SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CANADA

Feb 6, 2004  

Soomaalida Xijaabka La Dagaalamaysa oo ka dheereyay Madaxwaynaha Faransiiska

Faaladii: Siciid Cali Axmed
Saidahmed67@aol.com  

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Bilihii ugu danbeeyay waxa saxaafada Soomaalida khaastan teeda dibadaha ka soo baxada lagu soo daabacayay maqaalo lagu weerarayo Xijaabka dumarka. Maqaaladan waxa ugu danbeeyay maqaal ku soo baxay dhawaan joornaal ka soo baxa magaalada Mineapolis ee wadanka Marykanka. Maqaalkan oo ay qoreen dad Soomaaliyeed waxa ay ku sheegeen in xijaabku uu yahay calaamad ka mid ah calaamadaha lagu garto waxa ay ugu yeedheen “argagixsada”. Mid ka horeeyay maqaalkan oo isagana aad loogu faa’fiyay boggoga internetka ee Soomaalida qaarkood ayaa waxa uu isna dagaal wayn ku qaaday dumarka Soomaaliyeed ee doortay in ay qaataan asturkan uu Ilaahay ku faral yeelay. Hujuumkan oo aad moodo in uu leeyahay danno Siyaasadeed oo ka wayn xijaabka ayaa waxa aan jeclaaday in aan doodiisa maqaalkan ku darsado.

Maqaalkan waxa aan u qoray gabdhaha walaalahay ah ee maanata daafaha aduunka lugaynaya iyaga oo hirgalinaya amarkan uu Alle ku faray in ay asturaan jidhkooda. Waxa aan ku difaacayaa mab’aadiida suggan ee diintayda Islaamka taas oo ay maanta qaar ka midda Soomaalidu ay qalinkooda ula soo baxeen in ay ku hujuumaan. Waxa kale oo aan ku eegi sababaha ugu waaweeyn ee keenay dagaalkan xijaabka, ugu danbayntiina waxa aan isku dayi in aan kaga jawaabo qaar ka midda shubhooyinka ugu waaweeyn ee ay qolooyinkani la wareegayaan. Ilaahayna waxaan ka rajaynayaa in aniga iyo iyagaba uu xaqa na waafajiyo.

Nacaybka Diinta Weeye Sababaha Dagaalkani

Intii ka danbaysay dhacdadii Maraykanka ka dhacday Sept 11 waxa jirta in meelo badan oo caalamka ka mida dagaal wayn lagu qaaday wax kasta oo laga dhandhansan karo in uu raad ku leeyahay diinta Islaamka. Dad badan oo sheeganaya in ay Muslimiin yihiin laakiin markii horeba aad u dhibsanayay fiditaanka ay diintu ku dhex fidayso mujtamacooda ayay dhacdadani fursad u noqotay. Waxa ay bilaabeen in ay dagaal ku qaadaan mabadayo sugan oo ka mida mab’aadiida diinta Islaamka sida xijaabka oo kale. Qoladani dagaalkan mar waxa ay ku micneeyeen ujeedadiisu in ay tahay in ay rabaan in ay mujtamacooda kala dagaalamaan wax aay ku sheegeen “argagixisada”, mar kalena waxa ay dagaalkooda ku micneeyaan in ay la dagaalamayaan “Wahaabiyada”. Waxaase ii muuqata in hadafkoodu uu intaa ka durugsanyahay. Aragtidayda, hadafkooda qarsooni waxa uu yahay la dagaalanka wax kasta oo ay ka dhandhansadaan in uu raad ku leeyahy DIIN.

Xijaabka Calaamad Argagixiso!?-! MAYA

Waxa jirta in wadanka Faransiisku uu noqday wadankii ugu horeeyay ee wadamada Galbeedka doonaya in uu soo saaro sharci lagu mamnuucayo Xijaabka. Sababta ugu wayn ee ay sheegeen in ay xijaabka u mamnuucayaan waxa weeye ayay yidhaahdeen in ay doonayaan in ay difaacaan mabd’a ay ku dhisantahay dawlada Faransiiska oo ah kala saarida diinta iyo dawlada. Marana lagama hayo Mr. Chirac iyo dawladiisu in ay yidhaahdeen xijaabku waa calaamad argagixiso. Waxaase nasiib daro ah qaar sheeganaya in ay yihiin Muslimiin in ay Xijaabka ku sheegaan calaamd argagixiso. Waxaa igu yara adkaatay in aan fahamo sababta keenatay marka uu Marykanku difaacayo xoriyada ay gabadhu u leedahay in ay xidhato wixii ay rabto oo uu xijaabku ku jiro in qaar Soomaaliya oo sheeganaya in ay Muslimiin yihiin ay dagaalka inta le’eg ku qaaadaan xijaabka. Nacaybka loo qabo wadaada qaarkood waxaan odhan lahaa yaanu keenin in lagu dul kufo mab’aadiidan suggan ee Islaamka. Xijaabka “ITIXAAD” iyo “WAHAABIYA” ma laha ee waa amar ku suggan aayado cadcad iyo axaadiis badan oo ka Sugnaatay Nabi Maxamed (Calayhi Salaatu Wa Salaam).

Xijaabka Iyo Dhaqanka Soomaaliga

Qaar kale ayaa ku doodaya in uu xijaabku ka hor imanayo dhaqan Soomaaliga oo dhigaya in gabdhuhu qaawiyaan madaxooda iyo qayb ka midda jidhkooda. Jawaabtu waa ay fududahay, hadii dhaqanku aanu diinta ka hor imanayan, waa sax oo ma aha in dhaqanka laga tago. Laakiin marka uu dhaqanku ka hor imanayo sharciyada suggan ee diinteena miyaanay ahayn in markaa diintu ay dhaqanka noqoto. Shaki waxaan lahayn oo uu ogyahay qof kasta oo argti yar u leh diinta Islaamku in madax qaawanidu ay ka hor imanayso sharciga Islaamka. Xujo ma aha dadkaygii hore ayaa madaxa qaawin jiray.

Gabdhaheenu Xijaabka iyagaa Doortay

Sababta kowaad ee dumarku ay u qaataan xijaabka khaasatana dumarka Soomaalidu waxa weeye in ay Ilaahay ku raali galiyaan. Wadankeenu ma aha sida Sucuudiga oo laga yaabo in ay dumarka qaarkood u xijaabtaan waayo sharciga wadankaa ayaa sidaas faraya. Gabdhaheena Soomaalida ah cidi kuma khasbin xijaabka. Waxa ay u xidheen qanacsanaan ay ku qanacsanyihiin in uu sax yahay uuna u fiicanyahay noloshooda aakhiro iyo tan aduunyoba. Gabadheheenu markii ay yimaadeen wadamada galbeedka waxa ay tusaale fiican u noqdeen dumar kale oo wadamo kale oo Muslimiinta ah ka yimid kuwaas oon xijaaban jirin. Waxa suggan in gabdheena xijaaban ee soo galay Yurub iyo America ay raadayn wayn ku yeesheen Mujtamacaadka muslimiinta ah ee uga soo horeeyay wadamadan. Ha loo hambalyeeyo dumerkeena geesinimadooda hana laga daayo hujuumka aan micnaha wayn ku fadhiyin.

Waxa aan ku soo gabagabayn mawduucan maqaal ay qortay Wariye Kanadiyan ah oo ku soo baxay joornaal ka soo baxa Kanada oo la yidhaa THE GLOBAL AND MAIL. Wariyahaas oo ka soo waramayay dhibaatooyinka dumarka Ciraaqiyiinta ah ayaa waxa ay sheegtay in ay dumarka Ciraaq aad u qaateen Xijaabka dagaalkii wadankaa ka dhacay ka dib sababtuna bay tidhi Xijaabku waxa uu noqday sida qudha ee ay dumarku kaga nabad gali karaan dhibaatooyinka kaga iminaya mujtamaca. Macnuhu waxa weeye tuugta iyo kuwa kharibani marka ay arkaan gabdh xijaaban waa ay ka istaagayaan waayo waxa ay arkayaan in ay tahay gabadh muxtarimad ah. Damiirkoodu ma siinayo in ay aflagaadeeyaan.!!

Isku soo duub oo qolooyinkan dagaalka xijaabka u soo dhigatay waxaan kula talin lahaa inta ay waqtigooda ku luminyaan xijaabka iyo hijuunka diinta in ay waqtigooda galiyaan sidii mushkiladaha badan ee Soomaalida dibad iyo gudaba ku haysata ay wax uga qaban lahaayeen. Dhibaatadu DIINTA iyo Xijaabka ma aha ee waqtiga ha iska luminina.!!

Siciid Cali Axmed
Saidahmed67@aol.com  

Canada

 QORAALADII HORE EE SICIID CALI

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 6, 2004

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD