SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - ITALY

Feb 7, 2004  

GOLAHA WADATASHIGA SOOMAALIYEED

G/W/S/003/04 London, 06/02/2004

Ujeedo:- Shirka dib-u-heshiisiinta Qaranka

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

 Mudanayaal, Marwooyin Walaalayaal

Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu marka hore soo dhaweynayaa wax kasta oo sahli kara in la gaaro dib-u-heshiisiin qaran.

Waxaa wax lala yaabo nagu noqotay sida sahalka ah ee maalmo gudahood heshiis la gaaray, hadana kooxahii uu heshiisku dhexmaray diidaan heshiiskaas oo ay si buuxda isula ogolaadeen 29/01/04, laguna saxiixay madaxtooyada dalka Kenya.

Heshiiskan oo ay goobjoogayaal caalami ahi ka soo qeyb galeen, madaxdii Soomaalida ee saxiixdayna ay Bulshada Soomaaliyeed iyo adduunweynuhuba u sheegeen in ay dhameeyeen farqigii u dhaxeeyay, lana joogo xilligii ay shacbigooda u tanasuli lahaayeen, ayay mar kale shaki galiyeen in dowlad Soomaaliyeed oo dhalataa aaney dhaweyn.

Sidaas darteed waxaan mar kale ugu baaqeynaa hogaamiyayaashan caadeystay in ay ku ballan furaan axdigii ay galeen in ay u hogaansamaan baahida shacbigooda u qabo in mar kale la gaaro nabad buuxda.

Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu si buuxda u cambaareynayaa madaxda Soomaaliyeed ee diidan in Soomaaliya noqoto nabad, lana xaliyo khilaafka iyo ismarin waaga siyaasadeed ee qaangaarka ah ee ay u horseedeen shacbiga Soomaaliyeed.

Waxaan ka digeynaa faragalinta Joogtada ah ee dowladaha qaarkood ku hayaan arrimaha Soomaaliya iyo shirka dib-u-heshiisiinta ee ka socda dalka aan dariska nahay ee Kenya.

Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu bulshada Caalamka ugu baaqayaa in talaabo cad laga qaado ciddii u hogaansami-weyda wixii ay markii hore saxiixeen, una sheegeen in uu dhamaaday khilaafkoodii siyaasadeed.

Golahu wuxuu aaminsan yahay in la soo gaaray xilligii uu dhamaan lahaa afduubka lagu heysto qaranka Soomaaliyeed, bulshada caalamkana cadaaladda horkeeni laheyd kuwa afduubka ku heysata shacbiga Soomaaliyeed.

Soomaalidu waxay u bislaatay in dhexdeeda la nabadeeyo, maxaa yeelay dulligii ay madaxdooda badeen darteed, Soomaalida waxay aqoonsi ka weyday guud ahaan caalamka sida aqoonsi la'aan xuquuqeed, maxaa yeelay qaran Soomaaliyeed oo lagu tixgaliyaa oo aan jirin darteed, waxaa lagu hayaa xadgudubyo badan.

Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu mar kale ugu baaqayaa qeybaha bulshada Soomaaliyeed in khilaafaadyada jira lagu dhameeyo wadahadal, lana joojiyo dagaalada dib uga soo cusboonaaday duleedka magaalada Baladweyn ee dalka Soomaaliya.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ahna

Wakiilka Golaha wadatashiga Soomaaliyeed

C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
xildhiban@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 7, 2004

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD