SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Feb 8, 2004  

C/QAASIN OO SAAKA XARUNTIISA MADAXTOOYADA KU SAXIIXAY HESHIISKII TNGda 29-JANAAYO EE NAIROBI

Madaxweynaha DKM ah ayaa saaka munaasabad uu ku qabtay xaruntiisa madaxtooyada ee magaalada muqdisho waxa uu ku saxiixay heshiiskii dowladiisa ey la gaartay hogamiya yaasha siyaasadda ee Nairobi lagu saxiixay 29- bishii janaayo kaasoo u muuqday mid ey isku afgarteen inta badan xooxaha siyaasadda soomaaliya, C/QAASIN ayaa hadal uu ka jeediyay munaasabadaas waxaa uu sheegay in TNG da ey ka guuleysatay hagardaamooyinkii ey u maleegayeen cadawga soomaaliyeed, isagoo cadeeyay in uu ku qanciyay madaxweyna yaasha Kenya iyo Uganda in TNG da heshiiskaan uu u saxiixo RA'ISUL WASAARAHA cusub maxamed c/yuusuf isagana uu ka ahaado markhaati ama goobjooge waa c/qaasine, taasoo ah midda ey ka biyo diideen kooxo badan oo saxiixay.

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Heshiiskaas sidoo kale c/qaasin ayaa hadalkiisa laga dhadhan sanayay in uu siweyn ugu rajo weynyahay in shirka Nairobi ey kasoo baxdo dowlad soomaaliyeed isla markaana isaga iyo labadiisa golaba ey diyaar u yihiin iney isu soo sharaxaan qeybaha kala duwan ee dowladaas yeelan doonto.

Dadka indha indheeyo siyaasadda soomaaliya qaar ayaa waxey leeyihiin khudbadda c/qaasin ee maanta waxey u muuqatay mid sagootin ah ama waxaa suura gal ah iney noqoto khudbadii ugu danbeysay ee uu jeediyaa asagoo madaxweyne ka ah TNGdii carte.

C/Qaasim Salaad Xasan waxaa madaxweynaha DKM loo doortay doorashadii ka dhacday magaalada Carte ee dalka Jabuuti bishii Agoosto ee sannadkii 2000, doorashadaas oo muddo dheer socotey, waxaa ugu dambayntii C/Qaasim loo doortay in uu xukunka DKM hayo muddo saddex sano ah. [Eeg halkan].

Abuukar Yaasiin Xaaji
abuukarsom@hotmail.com
MUQDISHO
SOOMAALIYA

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 8, 2004

13 SANO KADIB KOW KASOO BILAAW !!!
Faaladii Xagaryare: DKMG ahayd oo waqtigeedii dhammaaday..
Guji... Agoosto 2003

MAQAAL: GUULDARRADA DAWLADDA KMG AH IYO DOORKII C/QAASIM [Khaliil]

 Kooxaha kale iyo Siyaasiyiin Soomaali oo Taageeray Heshiiskii 29-Janaayo ee Shirka Soomaalida
Ka akhri warbixintii...
C/Karim Aadan... Guji.. Feb 7

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Isha: Sawirka: AFP

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD