SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Febraayo 2, 2004  

Maxamed Dheere <-- SR <--> RC --> C/laahi

C/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

  cabdulwaxid@hotmail.com 

 

 

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Mar horaan iri C/hi hadduu dagaalo galana kuwa dadka u xiga buu goyn, hadduu cidaha hayaamiyana wuxuu ku guuraa bil seddex markaasaa cabbaar ka dib markuu keyn, togag iyo duur marayo bishu dhacdaa. Ishaan farta ka gashay markaan fargan ku sheegay.

Waxuu saaxiibadiis SRRC u qaatay inuu meeshuu rabo u wadan karo, isma oran wuxu waa rag oo waa “laga malaystaa” laakiin haddaadan haysan dad caqli leh oo kula taliya, bohol baad ku dhacaysaa. Dadka C/hi la shaqeeya isagaa ugu caqli iyo karti badan marka waa sida Soomaalidu u dhahdo ninkii reero gunaanadka (Yaasiinka) ka yaqaan isagaa gunaanad seega. Saaxiibadiis SRRC waxay isku ogaayeen in shirka laga tago oo Jowhar la tago laakiin C/hi wuxuu u dabomaray C/Qaasim isagoon iyaga u sheegin. C/Qaasim iyo C/hi waxay isku raaceen si ay mucaaradkooda iskaga dheereeyaan, tooduna u socoto. Waxaa daaqad lagala baxay Xasan Abshir iyo Jaamac Cali Jaamac. Jaamac waxaa ka soo horjeeda C/hi kaliya laakiin Xasan Abshir waxaa kasoo horjeeda C/Qaasim iyo C/hiba. C/hi ma rabo in qof “Puntland” ka socda soo ag istaago. Maanta waxaa calool xumo haysaa dadka siyaasiyiintoodii C/hi dartiis u fogeeyey.

Kornaylka iyo taageerayaashiisii waxaa ku dhacay qalbi-jabo markii la maqlay SRRC baa kala jabtay. Sidaad cinwaanka ku aragtaan Maxamed Dheere iyo saaxiibadii jeexoodu wuxuu noqday “SR” oo Soomaali ahaan aan ka wado Soomaalaan raacnay. Halka C/hi qaatay “RC”. C/hi ma helin dad badan oo uu fikradaas ka dhaadhiciyo waxaa lagu sheegay inay usoo hareen Moorgan iyo Xasan Qalaad. Marka labadooda ayuu jabkaas u dooray oo ah: raac cadowga (Itoobiya). Waxaan shaki ku jirin in markaan labada kooxood kala caqli badanyihiin arrintaas darteed. Waa ayadii lagu heesi jiray:

Caqligii wanaagsani itaal inuu ka roonyahay bal eegoo u fiirsadaa.

Horta maalmo dhowayd C/hi iyo C/Qaasim baa soo jiitay dadweynaha Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba. Waxaa la gaaray heer IGAD u qaadatay in labadan nin kaliya waxna furikaraan waxna xiri karaan. Taas waxa daliil u ah mar guddi ka socda SRRC ay kuwii C/Qaasim soo diray ku dhaheen waxaan rabnaa C/Qaasim kaliya ilaa kuwii C/Qaasim dhaheen war nala hadla waxaa nasoo diray C/Qaasime. Fikradaas C/hi baa lahaa. SRRC waxay raadinayeen si ay C/hi uga aarsadaan wataas hadda toodii u toostay. C/hi wuxuu damcay inuu jaranjaro ka dhigto si uu saxiixa u diido laakiin SRRC waxay tiri: C/hi yaad ka caqli badantahay? Sidii C/hi ku dooday wuxuu sheegtaa in dowladdii Soomaaliya iyo heshiis kasta isagu kala tuuray.

Horta sumcaddii C/hi isu qoonsaday waxay agtaal maanta SRRC-dii tiri waxaan naga go’an sidaan u saxiixnay sida Maxamed Dheere, Xuseen Caydiid iyo kuwa kale iyo waliba G8 oo iyagu maalmahanba diidanaa sheekada Itoobiya. Waqtiga aan maqaalka qorayo dadweynaha Soomaaliyeed waa ku farxeen waraysigii Maxamed Dheere ee Hornafrik uu ku sheegay inaan cidna khiyaamin ee waxay saxiixeen ahaa waxay u jeedaan. Hadalka Maxamed Dheere waxaa laga fahmayaa in iyagoo arrintaas u jeeda ay tanaasul sameeyeen si Soomaali u heshiiso. Haddaad siyaasad maqashid wa taas. Hadalkaas Maxamed Dheere wuxuu keeni karaa in dadku indhaha ka laabto wixii hore oo ay maanta u arkaan nin shirka badbaadinaya, hadhowna uu magac ka helo. Ragga ku raacayna waa saas. Maxamed Dheere wuxuu yiri waxaa jira dad jecel in wax walba iyagu sheegtaan. Marka bal C/hi iyo Moorgan ha caddeeyeen in toodu socoto.

Beesha Caalamka waxaan u sheegayaa horta C/hi awalba “Puntland” xoog buu ku haystay, saasooy tahay saxiixii uu saxiixay waa naga saxiixanyahay oo waxaan rabnaa inaan Soomaali wax la qaybsano. Marka khiyaamada uu sheegayo waa sheeko khiyaali iyo khuraafaad ah oo Zenawi afka ugu tiray. Waxaan uga mahadcelinaynaa waddan kasta iyo hay’ad kasta oo isku deyday in hogaamiye kooxoodyadu isku soo dhowaadaan. Seddexda madaxweyne ee Kenya, Uganda iyo Jibuuti waa mahadsanyihiin sidoo kale waxaa mahad balaaran usoo jeedinayaa Musyoka iyo Afey oo ku dadaalay in la isa soo horfariisto.

Haddii C/hi diido saxiixa waxa gelaya arrinta Puntalnd odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta kale iyo dadweynaha. Dadweynaha Puntland iyo odayaashu waxay ka fiirsanayaan waxay C/hi ka yeelilahaayeen. Mar hore isim ka mid ah kuwa Puntalnd ugu caansan wuxuu sheegay inay jiraan dad u arka in kursigoodu ku xiranyahay dhiigga shacabka wuxuuna raggaas u sheegay inay si kale madaxtinimo ku raadsan. Dabcan qofkuu haysto waa C/hi iyo waxa la halmaala. Suldaan C/Salaamna waatuu warqad usoo qoray C/hi uu leeyahay yaan dagaal ka dhicin Sool iyo Sanaag ee nabadda fursad sii.

Marka haddii C/hi saxiixa diido waxaa shacabka ka go’an inay reeryada C/hi tuuraan taasoo keeni doonta inaan dagaal ka dhicin Sool iyo Sanaag oo colaadii C/hi iyo riyadii Rayaalaba halkaas ku bas beelaan.

Mar hore waxaan isbarbar dhigay Muuse Suudi iyo C/hi Yuusuf. Taageerayaasha C/hi iyo dad kalaba waxay dhaheen caddaalad maad samayn halka qolyaha Muuse taageeraa laftoodu u dhaheen Muuse meel baad uga dhacday. Ilaa hadda isbahaysigii Muuse waa sidiisii halka kii C/hi uu kala tagay. Marka maqaalada soo socda waxaan isbarbar dhigaynaa Maxamed Dheere iyo C/hi haddii Ilaah idmo.

Siyaasi kasta ha ogaado hadduu meel kheyr leh ku dambeeyo inuu guulaystay. Kaliya aan isku dayno inaan khaatumadeena hagaajino.

Haddii Maxamed Qanyare, Maxamed Dheere iyo Xuseen Caydiid ay ka dhabtahay saxiixa siday u sheegeen oo C/hi ku khilaafeen waxaan shaki ku jirin in Xamar waa’ cusub u beryey oo dhibteedii hal maalin lagu xallin karo. Waxaad mooddaa inay hadda suurtagal tahay in ururkii aan u hadlayey ee xallinta mashaakilka Soomaaliya uu howshiisa qabsan karo kadib markii hogaamiyayaashii Xamar ay saxiix gaareen.

Waxaan hogaamiye kooxeeyada ka codsanayaa haddii C/hi ka noqon waayo sheegashada ah inuu saxiixu khalad ahaa oo uu raaligelin bixin waayo in la qaadaco oo la gooyo oo sanka laga qabsado. Qofoowna ha booqan oo ha u dhuuman meeshuu joogo. Haddii la qaadaco waxaan shaki lahayn inuu ciil u dhiman doono.

Mahadsanid.

Asalaamu calaykum


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com |Feb 2, 2004 

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD