Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo
naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
LAA ILAAHA ILLALLAAHU yaa ka naxariis
badan hooyo, WALAA ILAAHA ILLALLAAHU yaa uga dhimrin badan dhallaan, hooyo?
Ma fogayn markaan BBC-da laanta Afsoomaaliga ka maqlaynay ayeeyo Soomaaliyeed
oo Ingiriiska joogtay oo badbaadisay wiil iyo gabar yaryar ooy ayeeyo u ahayd
markay dabaqa afraad ee guri kasoo tuurtay kaddib markii gurigii dab qabsaday.
Xaaladda noocaas oo kale ah waa marka qofku uusan xasuusan waxaan naftiisa
ahayn oo isku dayo siduu u maaraynlahaa naftaas uu Ilaahay isaga gashay.
Dabku waa cadow aakhiro iyo adduunba marka waxaan shaki lahayn geesimada iyo
xilkastinamada ayeeydaas Soomaaliyeed muujisay. Kollay anigu waxaan u
malaynlahaa inaan daaqada ka boodi lahaa oo aanan cid kale xasuusteen.
Yaa uga wanaagsan qof ammaano (ubad)
looga tagto? Ilaahay janno Fardowsa hakaaga abaalmariyo ammaanadii (ubadkii)
aad u badbaadisay waalidkii iyo dadka Soomaaliyeed oo dhan. Waxay ahayd
ayeeyo taqaan xilka ay qaadday wayna ka soo baxday. Ayeeyadaas way ka boodi
kartay daaqadda wixii rabaa ha gaareene laakiin waxay doorbidday inay
badbaadiso ubadkaas looga tagay haddii Ilaah raali ka yahay. Markuu qofku
isku dayo inuu sameeyo wuxuu awoodo ayuu yimaadaa nasriga Ilaahay. Yaa soo
diray ninkii qabtay wiilkii yaraa? Ma fursad iska timid baa? Maya WALLAAHI,
Ilaah baa ku talogalay. Ilaahay ma dayicin dadaalkii ayeeyadaas. Gabadhii
waxaa gaaray dhaawac oo waxaa la sheegay inay ka soo raynayso. Ayeeyadu waxay
garatay haddaysan saas yeelin inay kulligood dhimanayaan marka inay tuurto
ayaa ka rajo fiicnayd inay u dayso inay ku haftoodaan qiiqa. Ilaah baa mahad
leh oo ku garabgalay. Ayeeyo/hooyo “aakhiro halkii roon”. Ayeeydaas/hooyadaas
way ka soo baxday mas’uuliyaddii markaas la saaray oo ahayd ilmahaas looga
tagay.
Hogaamiye markaan leeyahay waxaan ka
wadaa mid dhaqan iyo mid siyaasadeedba. Hogaamiyayaasha Soomaaliyeed ma kasoo
baxeen mas’uuliyaddoodii? Waa su’aal jawaab ma doonto ah. Hogaamiyayaasha
Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah inay sida ayeeydaas/hooyadaas Soomaaliyeed
raacaan. Iyagu waxay mas’uul ka yihiin kumaankun qof ooy xukumaan. Hadday
ayeeydaas nafteeda la baxsato ooy daaqadda ka boodo adduun iyo aakhiraba
waxba looma raacdeen lamana canaanteen maxaa yeelay waa dabiici marka xaaladu
halkaas gaarto in “qof walboow naftaa tahay” laakiin hogaamiyayaasha waxay
halleeyaan waa loo haystaa aakhiro iyo adduunba maxaa yeelay waa nalooka
digay inaan halkaas isa soo taagno haddaynaan ka bixi karin.
Hogaamiye kooxeedyo ka mid ah kuwa
ugu dhibka badan Soomaaliya waxaa sanka naga soo gashay odayo dhaqameedyo ugu
caansan degaankay joogaan. Odayaashaasi maxay u geysteen dadkoodii iyo
dalkoodii? Maxay Ilaahay la hortagin markay noo dooreen qof diin, dad iyo
dalba rogay?
Waa kuma hogaamiye?
Hogaamiyuhu waa inuu waalid oo kale
noqdaa. Zeyd Binu Xaarithah (RC) wuu diiday inuu raaco aabbihii markii Nabigu
(SCW) kala dooransiiyey inuu aabbihiis raaco iyo inuu Nabiga doorto (SCW).
Waxaad mooddaa in Zeyd (RC) gartay in Nabigu (SCW) yahay hogaamiyihii weynaa.
Nabigu (SCW) maahayn mid u naxariista muslimiinta kaliya ee bal milicso wuxuu
ka yiri markii reer Daa’if ay sidii la arkay Nabiga (SCW) u galeen. Nabigu
Malaa’iktii wuxuu u sheegay inuusan rabin in dadkaas la cadaabo oo uu
mustaqbalka filayo inay dhabarkooda Ilaahay ka soo saaro dad muslim ah sidii
bayna u dhacday halka dadkii aan hogaanka u dhiibanay ay dhulkeenii iyo
annagaba nala rabaan in belaayo iyo cadaab nagu dhaco iyagoo waddamo kale u
yeeraya si dhulka nalooola simo. Bal ka warran hadday awoodaan inay saas
sameeyaan? Waxay ila tahay waxay nooga tagi lahaaayeen mid aakhiro u jiita
“mid jaban iyo mid jiis ah”.
Ilayn xagga cuntada iyo lacagtaa la
isku ibtileeyee, ma xasuusataan in Nabi Muxamed (SCW) uu gacantiisa inta
caano ugu qaybshay asxaabtiisii isagoo u shushubaya uu ahaa qofkii ugu
dambeeyey ee cabba? Ilaahay baan idinku dhaarshee ka warrama hogaamiyayaasha
Soomaalida (kuwo dhaqan iyo siyaasadeedba)? Haddaysanba na dhicin ama na
iibsan nasiib baan leenahay. Shilimaadka waddanka soo gala yaa qaata? Sidii
Dhoodaan u lahaa:
dadkoo wajaqay oo gaajo wii leh
walanqo yaa ruugay.
Xagga dhibka iyo khatarta soow Nabi
Muxamed (SCW) dagaalkii Badar uma xulin inay gaalada la baratamaan dadkii
Isaga ugu xigay sida Xamza, Cali Binu Abii Dhaalib iyo ina adeerkiis kale
(RC)? Yuu calanka u dhiibay dagaalkii Mu’tah? Soow Zayd Binu Xaarithah oo
wiilkiisii oo kale ahaa iyo Jacfar Binu Abii Daalib uma horrayn? Dagaalkii
Xunayn yaa Cadowga kusoo haray? Waxaa ka mid ahaa Nabi Muxamed (SCW), Cabbaas
Binu CabdiMudalib iyo Abuu Sufyaankii ina adeerkiisa ahaa (RC). Maanta
dagaal-oogayaasha ilmahoodu waxay geesteen waddamada Galbeedka. Sabab? Dadka
xukuma waddama Galbeedku dadkooda wey daneeyaan, wixii usoo qaxana cunto iyo
guryo waa siiyaan. Waa xuquuq uu Binu Aadamku isku leeyahay laakiin
xuquuqdaas maxay noogu diideen kuwa na xukumaa?
Xagga howsha, waxaa laga wariyaa C/hi
Binu Mascuud (RC) in dagaalkii Tabuuk ee la ogaa gaajada, fakhriga, biyo
la’aanta iyo kulaylka jiray in habayn markii ciidankii degay oo daal dartiis
nin walba meel ku dhacay uu C/hi Binu Mascuud soo baraarugay mar dambe
markaasuu yimid goshashii Nabiga (SCW) markaasuu taabtay mise waa qaboow.
Wuxuu tagay tii Abuu Bakar (RC) mise ma joogo oo iyadiina waa qaboow kadibna
tii Cumar (RC) buu tagay markaasuu arkay iyadii oo qaboow ah. C/hi (RC) wuxuu
yiri dab baa iiga baxay mucaskarka geeskiisa markaan soo gaarayna waxaan
arkay Nabiga (SCW) oo god qabri dhameeyey oo ku dhexjira oo Abuu Bakar iyo
Cumar (RC) ku leh iisoo dhiiba saaxiibkiin (maydka). Nabigu wuxuu yiri C/hiyoow
waa walaalkeen C/hi Dul-Fajaadayn (RC) oo xalay dhintay. C/hi Binu Mascuud
(RC) wuxuu yiri maydkii waa loo soo dhiibay oo Nabigaa (SCW) qabriga dhigay.
C/hi Binu Mascuud (RC) wuxuu yiri waxaan arkayey Nabiga (SCW) oo indhihiisa
ilmo ka socoto oo leh Ilaahoow maydkan raali baan ka ahay ee raali ka noqo.
C/hi Binu Mascuud (RC) wuxuu yiri WALLAAHI waxaan jeclaystay inaan maydkaas
ahay. Walaalayaal wuxuu Nabigu saas u yeelay sharaf uu maydkaas sharfayo iyo
isagoo u turay asxaabtiisii oo intooda badan ahaa dad dhalinyaro u badan oo
xoogan. Waad ogtihiin sida ay asxaabtu (RC) Nabiga uga dambeeyeen. Waad
garanaysaan waqtigaas Nabigu (SCW) wuxuu ku jiray sano lixdamaad. Nabigu (SCW)
wuxuu toosiyey wasiiradiisii. Marka halkaas waxaa ka cad in hogaamiyaha
saxdaa uu waalid oo kale yahay. Sidoo kale Nabi Muxamed (SCW) dhismihii
masaajidka Madiina iyo dhufayskii Axsaabba wax buu howshii ka qabtay. Mar baa
Magaalada Madiina waxaa la hadal hayey cadow ku soo socda. Saqdii dhexe baa
waxaa la maqlay shanqar iyo guux. Dadkii magaalada oo baqsan baa qaar dhaheen
nakeenna aan soo dhuganee waxa jira markay dhinicii shanqarta aadeen baa
waxaa ka horyimid Nabiga (SCW) oo faras fuushan oo kaligiis soo fiirshay waxa
shanqartaas tahay dabadeedna yiri iska noqda dhib ma jirtee. Nabigu (SCW)
isagaa dhibku u hor taaban jiray dadka, dheefta adduunyana isagaa ugu
dambeeyey.
Ka warrama hogaamiyayaasha
Soomaaliyeed? Iska daa howl ay noo qabtaane waxaad khatar igu jirtaa inaadan
meeshuu degenyahay hor mari karin oo dariiqaba laguu diido ama baabuurta
waardiyeynaysaa ku jiirto. Hogaamiyayaasha waddama reer Galbeedka ayaa
dareema in mas’uuliyad saarantahay oo ka baqa in lala xisaabtamo. Habayn
dhowayd waxaan fiirsanayey ra’iisulwasaaraha Britian oo gabar yar oo jaamacad
caafimaad dhigataa ay dhuunta u gashay mar laga hadlayey deynta la siiyo
ardada jaamacadaha dhigata. Tony Blair ma awoodin inuu gabadhaas aammusiyo
ama inta askari usoo diro uu dhaho xira halka hogaamiye kooxeedyadu ay dili
karaan qofkay rabaan xataa hadduu yahay hogaamiye dhaqan sidoo kaalna ay
xabsiga dhigi karaan xataa haduu yahay boqor ay qabiilo so dooratay.
Maxaa hogaamiyayaashii aan muslimka
ahaynna u dareemeen xilka ay hayaan halka madaxweynayaasha muslimiintu ayna
waxba dareemin?
Hadda waxaan ka codsanayaa hogaamiye
kooxeedyada Soomaaliyeed iyo kuwa dhaqankaba inay gartaan xilkooda. “Caano
daatay dabadoodaa la qabtaa”. Hadda waxaa la leeyahay hogaamiye kooxeedyada
iyo kuwa dhaqankuba ha soo xuleen dadkii baarlamaanka geli lahaa. Marka
sidaan rabnay haddaan weynay waa in dhibka la yareeyaa. Waa in hogaamiye
dhaqameedyada aysan mar dambe noo horseedin belaayo. Waa sida loo dhaho talo
adaa ku nool ee iyadu kuguma noola. Marka hogaamiye dhaqameedyadu hala
tashadeen dadka waxgaradka ah ee jecel horumarka dadka iyo dalka.
Midbay hogaamiye kooxeedyada ku
ammaananyihiin oo ah waa dad dareemaya inay wax ka maqanyihiin (xukun iyo
dhac). Waxaad mooddaa shacabka in qoorta uu qool ugu jiro ooysan kala jeclayn
kii jiida. Haddii shacab Soomaaliyeed Nairobi joogo bal natusa inaad
heshiiska rabtaan ama aad diiddeen. Shacabku doonistiisa wuu caddeeya sida
mudaharaadyada. Waxaan kula talinlahaa dadka Nairobi jooga inay mudaharaad
lagu taageerayo heshiiska sameeyaan si loo arko in dadweynuhu nabad rabo
laakiin haddii shacabku iska aamuso lama fahmayo waxay rabaan. Aamusku wuxuu
muujiyaa rabitaan. Mise qof kastaa wuxuu la masayray dagaal-oogihiisa?
Shacabku mid ha ogaado inta la iska daayo sheekada ilayn waxa wax lagu
qaybsanayaa ww qabiile marka dhib ma leh haddii 500 oo qof saxiixdo iyo
haddii labo saxiixdo sidoo kale C/Qaasim baa loo la saxiixay micno samayn
mayso. Maxay tahay kalsooni darrada noocaas ah? C/Qaasim ma ergo qolo kaluu
soo xulayaa? Marka ninkii la khiyaamay haddee waa inuu iscasilaa oo ma mudna
inuu dad hogaamiyo marka hogaamiyayaashii la khiyaamay waa inay iscasilaan.
Maxay tahay waxa Musyoka iyo Afey u
rabaan in dagaal-oogayaasha kii nabadda diida talaabo laga qaado halka aan
innaga hoosta ku haysano kuwa nagu qabiilka ah? Marka Ilaah baa wax
badbaadshee, hogaamiyayaashu dadkooda ha u tureen oo wax ha u qabteen.
Mahadsanidin.
Asalaamu calaykum