Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo
naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Waxaa iigu yaab badnaynd markaan
arkay taageerayaasha C/hi oo boggagga Soomaalida ku soo qoray in Maraykanka,
Ingiriiska, Talyaaniga, Ruushka, Kenya iyo Itoobiyaba ay Daaroodka
necebyihiin oo ay Hawiye iyo Isaaq wataan! Markuu Itoobiya ka hadlayey Zenawi
wuu ka booday oo wuxuu ka hadlay Mingiste Xayle Maryam.
Carabta markaan dacaayadeynayno
waxaan dhihi jirnay Carabtu inta ku nabto bay Nabiga (SCW) kaaga hormartaa.
Goormaa taageerayaasha C/hi iyo isagu “Carab” isu rogeen? Sidaad cinwaanka
kore ku aragtaan waxaa tuducdaa gabaygaa iska lahaa Khaliif Shiikh Maxamuud
isagoo Maxamed Siyaad haystay laakiin tuducdaas iyo kuwa kale oo gabaygaas ku
jiray aan maanta dul istaagno inagoo u adeegsanayna taageerayaasha C/hi iyo
isaga laftiisa. Bal Khaliif dadka C/hi oo kalaa wax ha inaga dhaho:
-
dibirtiyo sansaarooyinkii suxulku
kuu diirmay
-
axadyahow dufaysani ajnabi hoowgu
dowgaline
-
dafirka iska daa waxaynu nahay qoom
dalkooda lehe
-
-
dabcigaaga waa lagu yaqiin been
dakhookhilane
-
huwan kuguma soo duulin iyo dalal
shisheeyaade
-
darisyada ha ceebaysanin waa
dununucdaadiiye.
Horta afartankii sano ee u dambeeyey
waxaan Xabashi ahayn oo nagu soo duulay ma leh marka laga reebo qiso aan dib
ka sheegayo. Weerarada Xabashidu waxay ugu darnaayeen dagaalkii sokeeye ka
dib markay Koonfurta Soomaaliya soo galeen. Markaas ninka la safnaa oo dabada
ka waday ama qabiilka Soomaaliyeed ee keenay kee ahaa? Waa Daarood ay hor
kacayeen C/hi Yuusuf iyo Cumar Xaaji Masale. War nimankani goormay qabiil
kale noqdeen?
Beenloow baa nin dhintay iyo nin fog
markhaati gashada miyaan ciidankii Maraykanka ee ka badnaa 30,000 ayna Xamar
ka degin ooysan si toos ah u carqaladayn dantii janankii Caydiid? Miyuusan
Maraykanku faraha la gelin arrimihii Caydiid iyo dhulkuu haystay? Miyaan
mooryaantii Caydiid ee Baydhabo fadhiday loo diidin inay dadka dhacaan oo
raashinka mucaawinadaa boobaan? Caydiid ma Daarood buu ahaa waa iyadii
Maraykanu dhaheen waa “wanted” ama dheh qofkii soo sheegaa ha qaato malaayiin
Doolar. Iyagoon qarsanayn miyeysan go’aansan inay dilaan Caydiid? Imisa oday
ooy Caydiid isku bahyihiin buu Maraykanku hal fadhi ku dilay? Wax Daarood ah
odayaashaa ma ku jireen? Imisaa ku dhimatay dagaalkii Maraykanku Caydiid la
galay? Kumanaan Soomaali ah. Imisaa dadkaas Daarood ka ahaa? Sheekadaas
carruurta Soomaaliyeed oo qurbaha ku dhalatay iyo adduunkoo dhan baa yaqaan
kaddib makrii film laga sameeyey loogu magac daray Black Hawk down. Bal
Khaliif tixdiisa hasii wato:
-
dunidoo dhan baa ku taqaan diif
cadaawaahe
-
dugaagii ku boobaaya waa lala
dagaalaaye
-
waxba ha isku dedin uumiyuhu kaa
digniin hele’e
-
-
dabaqaad koraysaa dhakhsuu kuula
dumayaaye
-
nin dadkiisa cuna ciiddu waa laba
diblaysaaye
-
dugsi waa’ga waxaa kuugu wacan
daalin baad tahaye
-
-
dulmilowga hadalkiisu ways
dabomaryeeyaaye
-
waxaad noogu soo labo dublayn waanu
diirgarane
-
dacarta isku celi Eebbaheen waysku
keen diraye
-
-
ku dareenyey Aadmigu inaad tahay
dullaaleeye
-
dambigaanu kugu haysaniyo qaranka
aad duugtay
-
dufan-tirasho yaa kaaga harin
dayn-qabaad tahaye
-
-
raggii daaman-haragloow ilmadan
dibiqleh kaa keenay
-
dabool niman la saariyo ka weyn
daas qabiilo ahe
-
ka difaactan Soomaaliyoo duuban
baan nahaye.
Marka haddii qofka dagaal iyo
siyaasad looga raayo waa inuu gar qaataa ee mahan qabiilkii Soomaali dilooday
in dib loo soo faarfaaro markii “doontii kornaylka ay rag dejiyeen”. Waa la
ogaa sidii uu Moorgan uga faa’iidaystay ciidamadii Beljamka ood mooddo iyagoo
Caydiid ku nacaynaya inay dhaheen kaalay oo qabso Kismaayo waan ka baxaynaa
meeshee.
Iimaanka Ilaah idin ka qaad, ma
markay siyaasaddii ku guuldaraysteen bay rabaan inay dhahaan Carab, Maraykan,
Yurub, Afrika iyo qabiilooyinkii kaloo dhan baa col noo ah? War soow adinka
ma ahayn kuwii Maraykanka ku lahaa kaalay oo Shimbiraale weerar, belaayaa
joogtee? Soow maydaan oran Bacaadweyn iyo Galdogob argagixisaa joogta? Soow
maydaan ahayn dadkii inta Gaalkacyo tagay oo TV Talyaani ah iyo shaqaalihiis
inta gabdheenii xijaabnaa tuseen oran waxay qabaan waa khalad oo inta tusteen
cajalad ah gabdho Waaberi ah oo niikinaya aydaan oran waa saas sida diintu
qabto? Muxuu is dhaamaa hadalka ka soo yeeray Faransiiska oo ah inaan
iskuulka lala imaan xijaab iyo kan C/hi u sheegay wariyaasha Talyaanigaa?
Marka Khaliif ha sheego waxa C/hi mudanyahay:
-
Intaasoo dunuubaad gashoo lagugu
deynayne
-
arrintaa daraadeed annaga kuula
dirirayna
-
iyo adiga keennii gardaran
Daayinkaa garane
-
-
kufri niman u meeldaya Ilaah nooga
deeq badane
-
dikriga iyo eedaanka iyo daraf
salaadeedka
-
aduun baa daroorinahayee Islaam
daakiraannahaye.
Waan soo aragnay in Maraykan uu
laayey nabaddoono Hawiye iyo Hawiye badan Xamar dhexdeedee, yaa Bari, Nugaal
iyo Mudug ku dilay ubuxii Soomaaliya ama dheh “Puntland”? Ma Maraykan mise
C/hi? Yaa reer tolkiis ku dilay Qayaadsame, Garoowe iyo Dhuudo? Yaa dilay
hogaamiye dhaqameedkiisii? Yaa Boosaaso ka qafaashay muslimiin? Waxay dhaheen
odayaal reer Puntland ah baa safiir Maraykana arkay oo uu sidaas ku yiri
waatahay hadal baad sheegtay anna ficil baan kuu sheegay. Teeda kale ma yahay
hadal uu ku hadlo safiir reer Galbeed ah? Hal mar bay dhici kartaa waa in aad
khamro aad meel kula cabto dabadeedna adinkoo sarqaansan aad sir isa siisaan,
ee odayaasha la sheegayo ma khamirgay cabbaan? Taasna suurgal ma ahan oo
safiirada looma ogola inay u dhaqmaan sida dadka caadiga ah. Teeda kale
haddii Daarood la necebyahay maxay adduunku u aqoonsan waayeen Somaliland?
Dadka diidan waa Daaroode maxaa adduunku xaqooda u duudsiin waayey? Arrintan
kaliya ayaa maqaaladiina beenayn karta. Maxaa Caydiid loo caawinwaayey markuu
Koonfur inteeda badan qabsaday? Yaa Salbalaar taageeray?
Doqon bay la tahay in shisheeye
Daarood, Hawiye, Dir, Digil & Mirifle iyo kuwa kalaba kala jecelyahay. Maxay
kula xigaan? Soow isku dad ma nihin? Ilaah baa mahadleh hadday xagga diinta
naga soo geli waayeen maxaa yeelay C/hi iyo cawaantiisu waxba ulama harin
diin iyo dadkeed.
Xalay maxaa caawa uga eg. Sayidkaa
laga sheegay markuu dagaal la galay Ingiriiska iyo dadkii raacay sidoo kalana
dadkii ehelkiis ahaa uu laayey inuu yiri:
anaa didiyoo dalkii ka eryee war
Daarood xaggee u doonaa?
Hadalkaas baa u dambeeya nin kastoo
dadkiisa liqa. Ma markii C/hi ay isqabteen Daarood badan oo uu waliba laayey
kuwii dadka u xigay buu hadda Daarood ka hadlayaa? Daarood baa ba’ay! Muxuu
yahay Daaroodka uu Xasna Abshir Garoowe ku tagi waayey waagii hore halka
Xuseen Caydiid iyo Cismaan Caato ay ka tageen? Qabiilku wuxuu noqday
awr-ku-kacsi. Khaliif hasii wado:
-
Rag isdila dabaadiga qolaa lagu
dagaajaaye
-
dalanbaabigaagaan ka garan inaad
doogayne
-
naga soo deg duumaad ahayd daawo
loo helaye
-
-
abwaan laga dalqaminaayo waa laga
dabqaataaye
-
Rabbi waxaan ka doonaa waqay igama
daahaane
-
dakhal fooraraad noqotay iyo dooni
caaridaye
-
-
ninkii talada laga duugayaan daaqad
loo heline
-
waxaan kugu duraansanahayaa waa
dantaa dabo’e
-
iska durugso iimmaankii baa kaa
dabayshadaye.
Waxaan ku soo xirayaa shisheeye
danbuu leeyahay ee ma kala jecla qabiil marka ninkii siyaasad looga adkaadoow
waxba qabiil haku cararin. Haddaadan siyaasad ciyaari karin u bannee dadka
kale.
In Caato uu ka raynayo C/hi waxaan
arkay markii C/hi lahaa Shimbiraale baa araggixiso joogtaa waxaa
teleefishinada Ingiriisku Caato waydiiyeen in Xamar ay argagixiso joogto
laakiin Caato wuxuu yiri hadday joogaan annagaa la dagaali lahayn. Ogoow
Caato Xamar waa looga awood badnaa oo C/Qaasim ooysan isku fiicnayn baa
haystay laakiin Cismaan Caato wuxuu ugu yaraan gartay in hadduu been-buur
sameeyo aysan wax u tarayn marka runtuu iska sheegay. Marka C/hiyoow waxaan
ku leeyahay: “xilna qaaday xabna jeexday”. Marka shalay in Carabtu Hawiye la
jirto baad noo sheegtee goormaa adduunkoo dhan oo Maraykan iyo Yurub lihi
Hawiye la jireen?
Marka siraha C/hi hayo ma waxay soo
baxaan markii laga gacansarreeyo? Markii Boosaaso laga soo saaray wuxuu
sheegay sir ah in gobalka Bari belaayo joogto. Hadda markii saxiixa “lagu
siranya” waxay taageerayaashiisu dhaheen adduunkoo dhan baa Daarood ka soo
horjeeda!
Reer Puntlandoow waxaan ka hadli
jiray Ilaah indhihuu noo saaray. Wakaas ninkii cadow nooga dhigaya
muslimiintii oo dhan oo Carab leh, sidoo kalana shisheeye dhamaantiis ooy
Maraykan, Yurub iyo Ruush ku jiraan . Kenya iyo Jibuutana wuxuu ku sheegay
cadow. Qabiilooyinkii kale warkood daa. Waad maqlayseen in baarlamaankii
Puntland ay waqtigii korarsadeen. Waxaan ka fahmay inay leeyihiin odaygana
sanad kale haloogu daro ee ma raallaad ku tihiin sidaas? Mar dhow waxaan C/hi
iyo taageerayaashi ka filayaa inay dhahaan xataa Hindi iyo Shiine ayaa
Daarood (C/hi) col u ah.
Muslimka ha igu dirin yaan iblays waa
dowyo kaa ridine. Waxaa yiri Qamaan Bulxan.