Ilaah baa mahadleh nabadgelyo iyo
naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Waxaa sheeko lagu cabbiraa in
magaalada Qaahira ay mar isqabsatay sawaxan iyo buuq aan horay loo arag oo ka
soo baxaya kumanaan qof kaddibna dadkii waxgaradka ahaa badankoodii u qaateen
in nasri Ilaahay yimid oo Qudus, Falastiin iyo Lubnaan la xoreeyey laakiin
taasi waxay beenoowday markii waxgaradkii usoo dhaqaaqeen meeshii bulaanka
iyo orintu ka yeeraysay ooy dhallinyaro faraxsan weydiiyeen waxa dhacay?
Dhallinyaradii waxay dhaheen kooxdayadii kubbadda cagta ayaa ka raysay tii
kale! Mindhaa waa Al-Ahli oo ka raysay koox kale. Adigu ma usoo joogtay SRRC
oo 15/09/03 qoob iyo qaylo isku daray iyagoo sheegay in dhismihii qaranka
Soomaliyeed uu dhowyahay kaddib markii “dastuurkii qaranka” qalinka lagu
duugay. Puntlandta aan ka hadlayo waxay ku jirtaa meelihii looga dabbaaldegay.
Waxaan uga danleeyahay, 08/05/2002
waxaa magaalada Boosaaso isugu soo baxay dadweyne badan oo caleemo ruxayey.
Waqtigu wuxuu ahaa xagaa’, waana wada garanaynaa kulaylka uu dareemayo qof
milcdaas taagan. Akhristayaal halyeeyga dadkaasi hamuunta u qabeen ooy rabeen
inay u hambalyeeyaan wuxuu ahaa kornayl C/hi oo iyaga laftoodu Boosaaso ka
saareen sagaal bilood ka hor muddodaaas. Maxay markii hore u saareen hadday
soo celinayaan?
Usoo noqo Isbayn, waxaa jira xaflado
dadku qabtaan iyadoo inta dibiyaal (dibi’) la naaxiyey la isku soo daayo si
ay dadka ugu tuntaan ama u hardiyaan. Dibidaas waxay dadka ugu qamaamaan sida
mukulaashu doolliga ugu booddo. Dibidaas dad badan bay waxyeeshaa. Dibidu waa
ceeb-ka-saliim oo waxay geystaan looma raacdo maaddaama dadku sidaas raali ka
yahay. Waxaa dhici karta in dad meesha ku dhinto. Dadka Isbayn u dhashay oo
dhibkaas soo raadsada iyagaa raali ku ah oo kii wax soo gaaraan mar dambe ma
calaacalo.
Sheekadaas reer Boosaaso sameeyeen
waxaan ka qoray maqaal ahaa “wadkeed u yeeratooy wiiqwiiqi makaa yeertay”.
Isla maalinkuu magaalada qabsaday wuxuu daraawiishtiisii ku furay jaamacaddii.
Waxaa la xirxiray macallimiin badan oo jaamacadaas ka socday. Dad Carab ah
ayaa Zenawi loo afduubay iyo iyadoo la sameeyey hay’ad aan u aqaan: hay’adda
cabsigelinta Puntland. Dadkii hay’addaas sameeyey waxay Ingiriis ahaan ugu
yeeraan “Puntland Intelligence Services” oo ay usoo gaabiyaan “PIS”. Anigu
Ingiriis ahaan marka lasoo gaabiyo waan ku raacay oo waxaan dhahaa “PIS”
laakiin waxaan Ingiriis ahaan u qoraa “Puntland intimidation services”. Reer
Boosaaso waagii dambe waxay u baxsheen: Ashahaado-la-dirir. Waa tahay ee
maxaa loogu yeeraa dad Ashahaado-la-diri soo dhaweeyey oo maalin dhan suudi
iyo dhammac u taagnaa? Yaa jecel in loogu yeero
Ashahaado-la-dirir-soo-dhaweeye?
Xamar ood aragteen xaaladdeeda
nabadgelyo, xagga waxbarashada cirkay maraysaa. Warbaahinta Xamar waxay ku
jeeddaa iskuulada oo kii xasuuq laga sameeyo ama ardayda xorriyadooda wax loo
dhimo hal mar baa laga hadlaa sidii sheeko dib laga beeniyey oo ahayd in
gabar Soomaaliyeed loo diiday inay indho-shareer qaadato. Xamar iyo boggaggii
Soomaalida ayaa hal mar ka qayliyey arrintaas halka Boosaaso macallimiinta
iyo ardayda yaryarka ah la iska xiro markii la rabo. Boosaaso waxa
macallimiinta ka dambeeya dhallaanka iyo dhallinyarada ay waxbaraan oo kaliya
marka laga reebo waalid faro-ku-tiris ah. Sanadkii hore mar la isku deyey in
macallimiin la xirxiro waxaa Ilaah u baxshay ardadii oo Ina-Afguduud ka hor
istaagtay inuu macallimiinta waxyeelo. Sidoo kale haddeer waakaas ardadii u
guntadeen inay wax ka qabtaan arrinta macallimiinta.
Waxaan reer Boosaaso weydiinayaa
haddii canshuurtii dekedda boorso lagu qaato oo Nairobi lala aado si SRRC iyo
dad kale loogu qaybiyo, ma mudantihiin in daruusta yartaa ee ubadkiinu qaato
la hor istaago? Markii culumadii, beel-daajiyayaashii, ganacsatadii iyo
waxgaradkii kale ay Puntland ka huleeleen soow hadda ma taagna in ubaxii
waddanka, cadow la iskaga dhigo oo hadda ma taagna in dhallaankii iyo
dhallinyaradii qabiil la iskugu diro? Soow ma taagna weedhii la oranjiray ee
ahayd “islaantii indho la’aantii waxay ku darsatay dad-cunnimo?” Marka haddii
nala mooro-duugay ma dhallaankaa loo diiddanyahay inay waxbartaan?
Kollay haddii beeldaajiyayaashii
ruugcaddaaga ahaa iyo rayidkay xukumeenba rogmadeen maxaa riyihii rabbaayadda
ahaa rasaasta loo saaray? Ma akhriseen sheekada walaalkeen ka sheegay
waardiyaha guddoomiya gobolka Bari ee ri’da ku toogtay laanta jaadka ah ee ay
ka daftay? Waxaan aamminsanahay in ri’daas ay tahay nasri Ilaah u soo diray
rayidka Boosaaso! Sidee ri’du nasri ku tahay? Bal arrimahan soo socda isha
mari:
1. Ri’du waxay kala taqaanney
dadka iyo waxa Boosaaso ka jira. Maddaama ri’du gaajo haysay ooy dhac
kusoo talogashay waxay la aadday kooxdii gobolka Bari ugu sarraysay maxaa
yeelay waxay goosatay hadday wax dhacayso inay dhacdo kuwa wax soo dhacay.
Kuwa wax soo dhacay ayaa kala sarreeya, ma aadin minishiibiyo islaamo
yaanyo gadanaya soo dhacay ama nin sii shaxaaday mid wax soo dhacay.
Teeda kale ri’du iskuma dayin inay dhacdo qof lacag isagu leeyahay qaad
ku gatay oo waa ka xishootay. R’idu ma samayn sida mooryaantu Xamar iyo
Koonfurta kale ka samayso iyagoo dadka aan hubaysnayn iyo shisheeyaha
afduuba ama dhaca
2. Ri’du waxay dadka rayidka ah
tusaysaa cidda dhibta mas’uulka ka ah. Waa iyadoo leh iyadoon ciddi
diintey wax u dhimin (xooluhu diin aan fidrada ahayn ma leh),
ehelkaygiina aan xabsi la geyn (ariga) ayaan rabaa inaan u dagaalo
xaqayga oo dadkaas wax soo dhacay ayaan rabaa inaan wax ka qaato marka
rayidka oo diintoodii, cirdigoodii, waxbarashadoodii, dhaqaalahoodii,
hogaamiye-dhaqameedyadoodii la ihaanaystay maxay sugayaan?
3. Waxaa sida ri’da xaqeeda u
raadsatay wuxuu haysto ku dagaalamay waardiyaha guddoomiyaha ood mooddo
inuu leedahay wax gacantayda ku jira ciddi ma hawaysan karto. Isagoo leh
ciddii isku dayda inay waxaanan raali ka ahayn iga qaado, haba qiimo
darnaadee waxaan kula “jihaadayaa” wax kasii qaymo badan. Waardiyuhu wuu
run sheegay oo xabbadda bistooladda ee uu ri’da ku dilay iyo laanta
jaadkaa waxaa qiimo badan xabbadda. Marba haddii waardiyuhu laantiisa
jaadkaa difaacay miyaan shacabka “laan-dheerahaa” ee Boosaaso haysan wax
qiimo badan oo ay difaacdaan? Maxayse u cabaadayaan waa iyaga leh
Ashahaado-la-dirir baa joogta? Wax sida ri’da isa soo taagi karaa ma
jiraan? “Maya haddaad tiraahdaan xabsiga kuma maryaadeenne”
4. Ri’daas hadday hogaamiye ahaan
lahayd waan raaci lahaa! Sabab? Waxay taqaan fidrada. Soow maydaan arag
markaan anigu “Puntland” ka hadlayo waxaan wax ka sheegaa madaxda u
sarraysa, xaggee ka keenay? Waa fidrada. Sidii horay loo yiri waan
jeclaan lahaa inaan sida ri’daas waxba la ii raacan oo markaan dhinto
ciid iska noqdo. Waxaan Ilaahay ka baryayaa inaanan hadalkaas oran
maalinta qiyaamaha. Qofkii hadalkaas aan hadda leeyahay qiyaamaha
yiraahda waa qof halaagsamay marka hadalka waxaan iri waa intaan noolahay.
Waa sida loo dhaho maqaal kasta meeshiisuu leeyahay.
5. Ri’du meelo badan bay wax naga
tustay. Waxaa ka mid ah inay ka hadlayso dhibaatada jaadka iyadoo leh war
qofkii jaadka cunoow naftaada ma hanan kartid oo waad aragtaan inaan laan
jaad ah sababsaday. Waxaad mooddaa inay ri’du na tusayso jaahilnimada
midkii dilay iyadoo leh wuxuu garan la’yahay xabbadda bistooladda
qiimaheeda iyo qiimaha aan anigu (ri’du) joogo. Waxay tusaysaa in
qaad-cunkaas uu qudha ri’da uga jaray wax ka badan intay qabtay iyo
waliba iyadoo qaraamihii ri’dana laga rabo. Marka soo lama joogo waqtigii
dadka qaadka ku canaa Boosaaso ay arrintaas ku caqli qaadan lahaayeen?
6. Ri’du waxay tustay halka
laanta jaadkaa ay ka joogto waardiyayaasha guddoomiyahaas. Kollay haddaad
bahaa’inta wax u qabsanaysid waxaa la rabay inay ri’da xiraan oo xabsiga
Boosaaso geeyaan. Waxaan filayaa inuusan sheekadaa isagu ugu horayn
lahayn.
7. Bal ka warran ninka uu
waardiyaha u yahay ri’ laan-qaad ah ku-dile?
8. Maaddaama shir Nairobi loo
fadhiyo, ri’du waxay dadka Soomaaliyeed tusaysaa in dagaal-oogayaasha iyo
waxa taageeraa aysan xal kale aqoon oon ka ahayn dil. Waa niman raba in
meeshay qabsadaan loo gooyo. Marka Ilaahay caqli buu na siiyey, oo wax
walba noo sakhir. Marka haddii Beeshu Caalamku nimankaas wax ka qaban
waydo waa inaan iska qabanaa intay sida ri’daas micno-darro nagu dili
lahaayeen. Meeqo qof oo sumcad ku lahaa Soomaaliya baa dagaal-oogayaashu
maalaayacni ku dileen?
Waxaan reer Boosaaso tusaalaynayaa
tuducyo uu Khaliif Sh. Maxamuud tiriyey:
jiracuba duulaan cid kale waa ugu
carraabaaye
kiisii u caaqilana waa
caleemo-saartaaye
cayayaanku siday yeelayaan ka
cabbiraad qaata.
Marka anigu waxaan leeyahay ri’daas
siday noo tustay dadka dulmiga wada aan u aragno oon qof caqli leh keensano.
F.G. Sheekada ri’du sidaas bay nagu
soo gaartay marka hadday arrintu si kale tahay raali-gelin baan bixinayaa.