Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi
Muxamed korkiisa ha ahaato.
Waxaa aad iiga yaabiyey dhaqsihii
Cadde Muuse ciidamadiisii fadhiyey Ceelafweyn uu caynka hoosta uga soo geshay.
Waxaan aqaannay inaan labo seefood hal gal wada geli karin waana sida
Soomaalidu u tiraahdo qoori xero kuma heshiiso. Ciidamadii Cadde Muuse oo
ayaamihii ugu dambeeyey lagu sheegay inaysan daraawiishta C/hi tiro iyo
tayaba wax ka dhicin ayeey yaab noqotay in iyagoo iska guuraya C/hi soo
duldagaan. Anoo aqaanay askarta iyo siday u xukun jecelyihiin, anoo cindiga
ku hayey in askartu dhiifoontahay oo ay aad uga baqdo cinqilaabka ayaan
arkayey C/hi oo iska degan oo aan wax saas ah ka dhigayn Cadde iyo
ciidamadiisa! C/hi oo Puntland xoog ku qabsaday, Cadde iyo dadkiisana
dhibtaas u geystay baan dan ka lahayn askarta Cadde Muuse iyo hubkooda?!
Hadday sida taageerayaasha C/hi
sheegeen, ninku “Wali/awliyo” yahay waxaa meesha soo galaya gabaygan oo ahaa
jawaabtii Darbadaalay ee Khaliif Shiikh Maxmauud tiriyey:
· waligana wax loo daalacshaa, walaxyo diimoone
· malahayga daafkaad ogayd, haatan soo degeye
· riyuhuba shabeel dalax hurday, lugo ku doontaane
· marti fiid u dumay buu mar uun, yabaq u deexdaaye
· jinnigii dayoobaba nin baa, loo dalqamiyaaye
· Ilaahay diiwaankiisu waa kaa da’weyn yahaye
· inkastoo dubuhu noo dhignaa, nalagu daaduunshay
·
adeer
dayradaadii horoo, daahday baa timide.
C/hi oo lagu biyo keenay baa Ilaahay
Cadde Muuse u soo diray markaasuu neeftii kusoo ceshay. Qof kastaa waa
ogyahay nabadda iyo qiimaheeda laakiin dadka muslimkaa waxaa udhaxeeya
sharuudahay kala dhigtaan, waa sida loo dhaho ninka qowlkiisaa qabta,
haweenna meher. Waxaa lakala qortay heshiis uu ka mid ahaa tiro wasiirada
Puntland ah, inay mid qaataan taliyaha Daraawiishta ama kan booliiska, inay
dekedda ama garoonka diyaaradaha Boosaaso mid ka taliyaan, inay Gobalka Bari
guddoomiye u noqdaan sidoo kalana inay gobolka Mudug guddoomiye ka noqdaan (Waa
qaybta Waqooyi ee C/hi xukumo). C/hi shuruudahaa intii badnayd waa ku
gacansayray isla maalmihii u horreeyeyba. Maxaa khaldamay?
C/hi wuxuu i xasuusiyey ninkii reer
Bariga ahaa ee yiri boowe aa been. Waa burka markaad Kenya joogto la yiraahdo
mandhaasi ama burka inta lagu daro waxyaalaha faxiya (yeast) oo markii la
dubayo ay ka buuxsanto hawo (carbon dioxide). Qofkaan aqoon oo gaajo hayso
wuxuu isleeyahay nafta ku celi laakiin markaad ilkaha saarto ayaad runta u
tegin. C/hi mandaasigaas buu u arkay ciidanka Cadde Muuse iyo hubkiisa.
Waxaa taa ka daran C/hi Cadde wuxuu
ka dhigtay safiir oo wuxuu u watay Kenya si uu sumcad uga helo. Sidoo kale
C/hi wuxuu Cadde geeyey Mudug isagoo isku dayey inuu wax kala qabto arrintii
Suldaan Hurre. Waxaa la yaab dadkii ku noqotay markii Cadde Muuse uu eheladii
marxuumka ku yiri C/hi lacag badan buu idin siine ka qaata markuu Soomaaliya
madaxdweyne ka noqdana wuxuu idiin siin wasiir! Waxaan anigu isleeyahay Cadde
wuxuu istusay in C/hi Soomaaliya madaxweyne ka noqonayo, Caddana uu Puntland
xukumo iyadoo federaal ah. Inkastoo Cadde iyo C/hi aan la isla barbardhigi
karin, Cadde ma qaadan talooyinkii waxgaradka oo kaligiis baa go’aankaas
gaaray.
Haddii Cadde ilaa maanta Ceelafweyn
joogi lahaa, ma filayo in C/hi hadda soo gaari lahaa bal iska daa inuu
hawaysto in labo sano oo kale loogu daree. Ma filayo inay imaan lahayd
xiisaddan ka jirta Sool. Shacab ahaan dhibta na soo gaartay la aragye muxuu
Cadde noo taray? Haddii sidii Kulmis ay ciidanka Cadde Muuse dhihi lahaayeen
C/hiyoow waan isdhiibnay ee na cafi, dowladdana naga qayb gali, waa yeeli
lahaa laakiin waxaanan fahmin waxa uu Cadde u xirtay shuruudo aan ciddina
oofin?
Golihii Cadde Muuse sameeyey ma loogu
yeeri karaa Golaha Badbaadada Puntland (GBP)? Shaki ma leh inuu Cadde Muuse
C/hi badbaadiyey marka dad badan baa u arka in “Puntland” = C/hi. Marka
hadday isle’egtaas sax tahay golihii Cadde Muuse sameeyey magacaas waa
wadankaraa. Sidii Khaliif Sh. Maxamuud uga gar helay Cali Cilmi Afyare ayaa
Cabdi Yaasiinna uga gar helay Cadde Muuse markuu tusaaleeyey in C/hi intaas
oo qof uu aakhiro u diray oo ayna jirin si wax loola qabsado oo aan ka ahayn
in shacabka laga qabto.
Hadda wakiillada baarlamaanka ee
Puntland yaa doortay? Ma u malaynaysaan 50 qof waxay kordhisay in shacab
intaas le’eg yeelayo? Hadda laga bilaabo ma jirto cid dambe oo faraha looga
qaadayo masiirka dadka. C/hi nimankaas iyo boqolaalka jiridaa baad leedahay
halka waxgaradka iyo shacabku inta kale yihiin. Midda kale waxaan ku leeyahay
shacabku kii hore maahan bal tixdaan oo aan isla garanayno oo isla Khaliif
leeyahay nala fiiri: