Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi
Muxamed korkiisa ha ahaato.
Haddii wax dowlad ah kasoo baxdo shirka Kenya waa loo
joogaa laakiin haddii sheekadu sii dabodheeraato wuxuu ururka xallinta
khilaafadka Soomaaliyeed u hayaa xal dadka reer Puntland. Xalkan waxaa marka
hore laga dhammaynayaa odayo-dhaqameedyada, waxgaradka iyo shacabka guud
ahaan.
Mar kasta oon odayaasha iyo taageerayaasha maamulka
hadda la hadalno waxay dhahaan yaad maalulkan bedelkiis haysaan. Ururkaas aan
u hadlo wuxuu soo xulay qaar ka mid ah maamulka cusub. Lama oga inay
odayaashaas iyo marwooyinkaasi yeeli doonaan laakiin waxay ku khasbanyihiin
waxa shacabku rabo. Waxaan xusaynaa jagooyinka qaarkood.
1. Madaxweyne ku-meel-gaar ah Cali Khaliif Galaydh.
Waxaa jira niman ruug-caddaayo ah oo aan talo looga maarmayn waa General
Maxamed Abshir iyo C/Risaaq Xaaji Xuseen. Mar hadday odayaashaasi is helaan
waxaan filayaa in ehelku isku soo hiloobi doono haddii Ilaah idmo.
2. Madaxweyne ku-xigeen Cadde Muuse.
3. Wasiirka difaaca kornayl Cabdi Yaasiin (daraawiish
ma jirto)
4. Taliyaha booliiska kornayl Caynab
5. Wasiirka maaliyadda Maxamed Warsame Faarax (Shiddo)
6. Wasiirka kalluumaysiga (reer Galdogob)
7. Wasiirka warfaafinta C/Shakuur Mire Aadan
8. Wasiirka xanaanada xoolaha Cabdi Xaaji Yuusuf (Shuluco)
9. Wasiirka Waxbarashada Xasan Maxamuud Dhiilood
10. Guddoomiyaha gobolka Bari Saynab Ugaas Yaasiin.
11. Guddoomiya gobolka Nugaal Shukri Salaad Weyrax.
Labadaas hooyo ee ku jirta xukuumadda waa labo hooyo
oo aqoon lagu tuhmayo. Yaa hooyo uga roon inay gobolkeeda gacanta ku dhigto
oo la socoto waxa hooyooyinka iyo carruurta kale u baahanyihiin?
Inta kale jagooyinka dib baa laga soo sheegi doonaa
haddii Ilaah idmo. Waxaa meesha ka baxaya dastuurkii ku dhisnaa dabaqaadka ee
lalahaa Maxamed Cabdi Xaashi ma dhaafi karo madaxweyne-ku-xigeen marka qof
kasta oo “Puntland” ah waxaa la gudboon inuu u tartami karo jagaduu rabo.
Sidaad ogtihiin dadkaas qaarkood baa dibad ka yimid
waliba qaarkood waa hodan oo dan kama leh boob iyo dil midna. Dadkaasi waxay
howsha noo haynayaan inta Soomaaliya dowladdi ka dhalanayso ama shacabka reer
Puntland madaxdooda dooranayaan. Qofkii dani ka hayso xaalada Sool, Cayn iyo
Sanaag waa inuu qorshahan taageeraa si xarig-jiidka Riyaale iyo C/hi u
dhamaado.
Sida caadiga ah waxaa la rabaa inay madaxda xulaan
dadka waxgaradka ah oo garankara hadba waaqica markaas lagu jiro. Waxaan ku
kalsoonnahay in odayo-dhaqameedyadu yeeli doonaan codsigaan. Marka sheekadii
ahayd xukuumad baa la korarsan ma aha mid meesha ku jirta. Waxaa la isku
haystaa mala sugi karaa ilaa June?
Marka ciddii dani ka hayso in dadka reer Puntland
isku soo noqdo oo wixii hore la saxo ha taageeraan qorshahaas sidoo kalana
madaxdaas la xushay hanaga aqbaleen jagooyinkaas.
Mahadsanidin iyo wada-shaqayn wacan.