Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi
Muxamed korkiisa ha ahaato.
Markii wakiilada barlamaantka Puntland korarsanayey
xilka waxaa hadlay labo murwo oo yiri war korarsigii hore wixii naga raacay
waa la ogaaye maan odayaal-dhaqameedka iyo shacbiga la tashanno oo arrinta u
dad badsanno. Sidoo kale waxaa arrintaas ka hadlay wasiirka maaliyadda
Puntland C/Raxmaan Faroole oo sheegay in golaha wasiirradu ayna arrintaas ka
warqabin ee arrinta uu watay madaxeyne-ku-xigeenka Puntland oo kaligiis ka
saxiixday golaha wakiillada.
Wasiirkii kale oo ka socda wasaaradda ugu muhuumsan
wasaaradaha Puntland waa wasiirka kalluumaysigee ayaa sidoo kale ka xumaaday
dhibka iyo boobka ay shirkadda Somcan ku hayso baddaha Puntland wuxuuna si
geesinimo aan horay loo arag BBC-da u siiyey waraysi dhaxal-gal u noqondoona
dadka Soomaaliyeed. Wuxuu intaas ku daray in howsha loo dirsaday uu sideeda
uga soo bixi doono laguna faro gashan. Fiicnaan lahaydaa haddii wasiirrada
kalana sidaas yeeli lahaayeen.
Waxaa kaloo u gelay Somaliland wasiirkii wasaaradda
waxbarashada ee Puntland. Ururka aan u hadlo ee xallinta khilaafaadka
Soomaaliyeed waxay dareemayeen waxa ay tabanayaan wasiirrada C/hi waana taas
midda keentay in ay wasiirradii ay magacowdeen ku daraan wasiirka
waxbarashada laakiin markii maqaalkii la soo geshay boggagga Soomaalidaba
waxaa horay laga sheegay inuuu u galay Somaliland. Haddii ururkayagu
arrintaas maalin ka hor soo jeedin lahaa waxaa dhici kartay in wasiirradu
dulqaataan. Maalmo ka hor baan soo qaatay tuducdii gabayga ee ahayd:
inyar noo sabbura raagsahaad nagu saluugteene.
Runtii arrinta Soomaalida waan la yaabay! Wasiirradii
iyo xubnihii golaha wakiillada ayaa dowladdoodii wax ka sheegaya halka
mucaaradkii sida golaha badbaadinta Puntland uu iska aammusanyahay! Waddankan
Ingiriiska iyo dowladdaha kale ee dimuqraaddiyadda isticmaala waxaa dowladda
u hor cambaareeya waa mucaaradka xitaa khalad yar uma saamaxaan. Arrinta
Puntland waa arrin kale oo waxaad arkaysaa madaxweyne goboleedka iyo xubinta
ugu sarraysa GBP oo ka hadlaya sidii wax looga qaban lahaa wasiirrada
dowladda mucaaradaya! Waxaan filayaa inaysan ahayn magac-bixin laga yaqaan
siyaasadda caalamka ee waa wax hadda nagu soo saa’iday.
Si kastaba arrintu ha ahaatee Shaahdoon wuu ku run
sheegay in Puntland lagu dhisay qaab qabiil marka aysan ka soconayn qaab ah
in qolo, qolo kale wax u yeeriso. C/hi arrintaas wuu ogyahay oo haddii uu
rabo inuu wasiir ceyriyo wuxuu keenaa mid kale oo ina adeerkiis ah isagoo hal
dhagax labo shimbirood ku dilaya. Waxaan aamminsanahay haddii qolooyinka
wasiirradu ay gartaan in C/hi siyaasiyiintii Puntland oo dhan uu dibadyaal ka
dhigay markuu inta cayrsho uu doorto ilma adeeradood, ay ka badbaadi doonaan
arrintaas. Waxaan kula talinayaa in qabiilka Shaahdoon ama kuwa kalaba aysan
yeelin in inta la ceysho la keeno mid kale oo isla qabiilkaas ah. Kulligeen
waan ognahay qaabkii uu C/hi Puntland ku yimid. Yaa doortay? Waxaa doortay
odayaal iyo ergo qabiilo ka socda marka haddana Ilaahay ka sokoow iyagay u
taal wax ka qabadkiisu.
Boggagga Soomaalida ma ku aragteen wiil raacay
siyaasadda C/hi oo si uu aniga iiga cayriyo boggagga Soomaalida soo qaatay
magac u eg nin aan ilmo adeer noqon karno? Haddee C/hi wuxuu isku bedeli
jiray wasiiro ilmo adeer ah laakiin wiilkaas wuxuu iloobay maahmaahdii aan
maqaalkii hore ku soo qaatay ee ahayd “ilmo adeer waa intii is taqaan”.
Xikmada laga leeyahay maahan ilmo adeerro kaliya laakiin xaggee caqligii ka
maray marba hadduu moodday inaanan ilmo adeeraday aqoon.
Sidaan horay idiin ka balanqaadnay, ururka xallinta
khilaafaadka Soomaaliyeed wuxuu xiriir la sameeyey ruug-caddaa badan oo reer
Puntland ah iyo oday-dhaqameedyo. Waxaan weli noo dhiman odayo dhaqameedyo
badan marka waxaan dadweynaha Puntland ka codsanaynaa in qof walba noo soo
gudbiyo magaca odayo-dhaqameedyada saxda ah iyo halka lagala xiriiri karo. Ma
arrin adag baa in dadweynuhu arrintaas noo soo gudbiyo si xal loogu helo
dhibta jirta? Ma filayo. Waxaa dhici karta inta odayo-dhaqameedyadu aadin
Nayroobi in ururkaasi uu isugu yeero odayaasha oo tusaaleeyo in markoodii
hore xaggooda naloo ka yimid markay hogaamiyaha Puntland madaxa naga saareen.
Marka waxaan ku leennahay wixii dhacayba dhacee badbaado Ilaah, ee mar dambe
yeysan baarlamaan Soomaaliyeed noo gelin dad aan shacabka u doodi karin oo
aan danaynayn.
Waxaa jira dad walaalo ah oo dhibsaday jagooyinkii
aan soo bandhignay. Waxaa ka mid ahaa walaal yiri maxaad wasiirka aad na
siiseen u magacaabi weydeen ama aad qabiilkiisa u sheegi weydeen. Marka
maaddaama aan ururka u hadlo aan iyaga iyo anigaba difaaco. Waa runtiis oo
degmada aan Soomaaliya ugu badiyo waa Galdogob. Waxaan qabiilkii iyo inaan
wax magacaabo uga tagay waxaa ugu weyn dhowr qodob:
1. Maaddaama aan ahaa ninkii lahaa sheekadii
qiimaha dhulka iyo qaddarin la’aanta Soomaalida waxaa igu weyn dhulka.
Iska daa muslimiintee waxaa qiimaha dhulka yaqaan munaafiqiinta sidii
C/hi Binu Ummayah Binu Salool u lahaa: “yaa ahla yathriba laa muqaama
lakum”. Waa markuu rabay inuu Ansaar soo jiito si aysan dagaalkii Uxud u
gelin, uguma yeerin qabiilkooda sidii isagoo dhaha “yaa binii fulaan”.
Marka qofkii degmadaas ka yimid in qabiil loogu yeero iyo in magaca
magaalado loogu yeero isku mid uma ahan. Miyaadan arag muslimiin badan oo
lasoo taagan “Somalilanders” baan nahay iyadoon ognahay ciddii magacaas
samaysay? Wey ka faanayaan inay qabiilkooda sheegtaan marba hadday dhul
iyo qaran heli karaan, waana arrin loogu garaabi karo.
2. Magaaladaas waxaan ku ogahay dad muslinimo iyo
Soomaalinimo meel dhigtay oo aan xiiso dheeraad ah u qabin xukun iyo
tartan siyaasadeed marka waxaan ka xishoonnay oo aan ururka kula tashay
in wasiirkaas loo daayo iyaga inay magacoowdaan.
3. Teeda kale magaalada iyo dadkeedii intoodii
badnayd waxaa iigu dambaysay dhowr iyo labaatan sano ka hor marka ma
awoodin inaan ururka u sheego qofkii la magacaabi lahaa. Siyaasiyiin
qaarkood London nala joogay waxay wasiiro ka yihiin Carta oo iyaga
Soomaali ka yar dan kama leh.
4. Waxaa dhici karta inuusan ninkaasi ka imaan
magaaladaas uu sheegtay amaba uusan ahayn qabiilka halkaas u badan, mana
soo qorin magac sax ah oo lagala xaali karo marka qof walba oo qolo
kastaa wuxuu rabo waa sheegi karaa isagoo cid kale iska dhigaya.
5. Ugu dambayn waxaan walaalkeygaas u arkaa nin
caqli badan oo maaddaama aanan cid magacaabin oo aan dhahnay reer
Galdogob, waxaa dhici karta in ay jagadaas isu soo taagi karaan qolo
kasta oo Galdogob degen xataa hadday labo qoys ka degan tahay. Sidoo kale
ani laftaydu waan soo galayaa maaddaama aan reer Galdogob ahay marka amuu
walaalkeen u qaatay in wasaaraddaas aan anigu isu rabo? Marka walaalkey
waxaan u sheegayaa in ururku u hadlayey sida curfiga ah oo wuxuu ka waday
qolada hadda ugu badan Galdogob.
Waxaa intaas ii dheer ururku isagoo ka duulaya
waaqica iyo waqtiga lagu jiro wuxuu tixgeliyey sidii wax loo qaybsaday marka
jagooyinkii intii badnayd waa hareen waxaana leh ciddii horay loo siiyey
marka dadkii aan weli la magacaabin, ma ahan dad aan waxoodii u diiddannahay
ama aan muhiin ahayn. Aniga qabiilkeyga madaxweynihii laga qaad oo xitaa weli
ma xusin wasiirradoodii marka ururkii oo wuxuu soo bandhigay khiyaali u
egyihiin yaan mucaarad loo saarin ee hala sugo inta dadka howshu u taal oo
dhan (shacabka) lala tashanayo.
Mahadsanidin.