SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Febraayo 26, 2004  

Madaxweynaha Puntland: carri laga hayaamaan anigiyo ciyoowgu ku cawaysinnaa

C/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

  cabdulwaxid@hotmail.com 

 

 

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


HAMBALYO HAMBALYO
AROOSKA:
Ahmed_Nuur Sheekh Abdullahi & Ruqiya seed cilmi 
oo  ku aqal galay magaalada Oslo:

Waxaan halkaan tahniyada & hambalyo uga soo jeedinaynaa anagoo kala ah Mohamed Rashiid Sh mohamed, xaaskiisa , nimco sheekh Abdulaahi , mohamed rashiid ahmed hadi,  xaaskisa, ubax ahmed, hadi Bashiir sheekh Abdullahi, Ahmed mukhtaar sh mohamed, xaaskiisa, Abdi sayid moalin yusuf & xaaskiisa, Abdi fatah yusuf urur , & xaaskiisa

  Ahmed_Nuur Sheekh Abdullahi & Ruqiya seed cilmi  oo axadii ku aqal galay magaalada Oslo ,waxaan allah uga baryayanaa kuwii isku waara ee ubad khayr qaba oo dalkooda & diintooda anfaca   AAMIIN, AAMIIN, AAMIIN

Hambalyada arooska waxaa loogu hagaajin karaa: ahmedpo@hotmail.com C/o: Ahmed Sheekh Abdullahi


 Ilaah baa mahadleh. naxariis iyo Nabadgelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Soow caawa uma habboonna in kornaylku qaado heestii caanka ahayd ee:

  • · cakuye howl adduun badanaa,
  • · ma cidla ceersilaan fadhiyaa,
  • · cirkaa dheer dhulkaa dheer caways ma kuududaa,
  • · wayga ciirsantoo taladu
  • · cayn-wareegsantee aniga
  • · culays baa i saarane Alloow
  • · Alloow ciilka iga bixi,
  • · nin cayri weligiis ceeb kama fogaadee
  • · caaway u darantee xaggee baan cuskadaa?
  • Haddaad rabtid ku sii dar, annagoo meeshii gabadha ku bedelayna kursiga:

  • · markii aan ku caashaqay (kursiga)
  • · talo iga cuslaatoo iga cayn-wareegtee.
  • Horta Puntland waa gobol ka mid ah Soomaaliya, waxaanna naga go’an in Soomaaliya dowlad yeelato si ay lugaheeda ugu istaagto oo shacabkaas Soomaaliyeed oo dhibbani mar neeftu uga soo baxdo haddii Ilaah nagu garabgalo.

    Sidaad la socotaan waxaa jira afar siyaasi oo Puntland usoo galaya inay u soo xulaan ergada baarlamaanka. Waxay kala noqon lahaayeen raggan:

  • 1. C/hi Yuusuf
  • 2. Maxamed Saciid (Moorgan)
  • 3. Jaamac Cali Jaamac
  • 4. Xasan Abshir.
  • Markii horaba waxaa khalad ahayd in afar qof oo isku qabiil ka soo jeeda ay matalaan Puntland laakiin Ilaahay baa qaar nooga afqabtay oo hadda waxaa saxiixii diiday C/hi Yuusuf iyo Moorgan. Guddiga Xallinta khilaafka Soomaaliyeed wuxuu ku bedelayaa labadaas nin labo nin oo kale oo kala ah:

  • 1. Axmed Maxamed Goonle
  • 2. Sakariya Xaaji Ismaaciil.
  • Marka hadda afarta siyaasi ee soo xulaysa ergooyinka baarlamaanka waa:

  • 1. Axmed Maxamed Goonle
  • 2. Sakariya Xaaji Ismaaciil
  • 3. Xasan Abshir Faarax
  • 4. Jaamac Cali Jaamac.
  • Dad badan baa arrinta khiyaali u arka ooysan ka daadegayn in arrintu saan u dhici karto iyagoo u qaba haddaan labadaas askari meesha ku jirin inaysan wax kala soconayn! Hadday arrintu khiyaali idin la noqoto dib u milicsada hoolkii shirka ee Mbagathi markii loo codaynayey ansixinta dastuurka. Waligaa ma istiri “geesiga Puntland” baa goobtaas looga tagayaa? Waxay arrintani ka daadegaysaa dadka uu gabyaagii kalahaa:

  • · waxa guusha hela kaan wadnaha, gaashi ku lahayne
  • · bal car meesha laysagu gurmaday, geeya cududdiina.
  • Marka xoogga shacabka cid hor istaagi karta ma jirto kaliya waxaa loo baahanyahay in shacabku hurdada ka kacaan. Yaa ku khasbay in kornaylku ka noqdo korarsigii xukunka Puntland? Waa mudaharaadkii maalintii dhowayd Boosaaso ka dhacay. Hadda laga bilaabo arrintu waxay u taal odayo-dhaqameedyada oo ma joogto xero askareed iyo jirri. Waxaan aad ugu mahadcelinayaa dadweynaha Puntland ee noo soo gudbiyey in badan oo ka mid ah odayo-dhaqameedkii Puntland. Waxaa odayo-dhaqameedkaa u badan kuwii Bari, Nugaal iyo Mudug marka walaalaha Sool iyo Sanaag Bari waxaan ka codsanayaa inay na soo gaarsiiyaan liiska garaaddada iyo suldaamada labadaas geyi. Ururka xallinta khilaafaadku wuxuu soo daabacayaa magacyada odayo-dhaqameedka aan hayno muddo maalmo gudahood ah haddii Allaha awoodda lihi ogolaado. Marka qoladii aan oday-dhaqameedkeeda soo gudbin yeysan cidna ku eedin haddii la soo daabici waayo ilayn ururku wuxuu soo gudbinayaa magacyada soo gaara.

    Hadday suurtogal tahay ururku wuxuu samaynayaa inuu martiqaad u sameeyo odayo-dhaqameedka intaysan Kenya aadin marka waa in marka hore lala xiriiraa.

    Mahadsanid.

     


    Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

    C/Waaxid C/hi Khaliif
    London, UK
    cabdulwaxid@hotmail.com 

    AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

     Faafin: SomaliTalk.com |Feb 26, 2004 

     QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID

    . XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

    Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

    © www.SomaliTalk.com
    All About Somalia and More...
    >> Usheeg Asxaabtaada
    Allah Is Great
    kaah

    BILICDA SOMALIYA
    Luuq Ganaane, 1987

    wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
    Akhri



    XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


    Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

    HTML CD