SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - PAKISTAN

Feb 19, 2004

INDIA IYO PAKISTAN OO IS-AFGARAD SIYAASADEED GAADHAY

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)


Karachi, Pakistan.


diridhaba2001@hotmail.com

Mobile: 00-92-300-2600907

 

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


ISLAMABAD: Waxaa maalintii shanaad gallay wada hadalka u socda labada dal ee India iyo Pakistan ee ay kaga xaajoonayeen mushkiladda Jammu iyo Kashmir, waxaa maalintii Arbacada wada hadal ku yeeshay magaalada Islamabad xooghayaha arrimaha dibadda ee waddanka India Mr. Shashank iyo dhigiisa waddanka Pakistan Mr. Riaz Khokhar, labada dhinac waxay ka wada hadleen qodobo badan oo hortaagna xidhiidhka labada dal muddo qarni badhkii ah, waxaana gun dhig u ahaa wada  hadalka labada dhinac arrinta Jammu iyo Kashmir, isku socodka gaadiidka labada dal, soo celinta xidhiidhka ganacsi, dhaqanka, ciyaaraha, iyo warbaahinta ee labada dal, balse sida ilo ku dhaw dhaw labada dhinac xaqiijiyeen waxaa wada hadalada intooda badan lagu gorfeeyey mushkiladda Jammu iyo Kashmir,

Indian Foreign Secretary Shashank (R) and his Pakistani counterpart, Riaz Khokharshir jaraa'id oo labada xooghaye arrimo dibadeed ku qabteen barxadda wasaaradda arrimaha dibadda ee Pakistan waxay u sheegeen war fidiyeenada in ay labada dal gaadheen is af garad siyaasadeed, Xoog hayaha arrimaha dibadda ee Pakistan Riaz Khokhari oo ka jawaabayey su'aal la weydiiyey oo ahayd waxaa la taaban karo ee labada dhinac ku heshiiyeen ayaa ku jawaabay "waxaanu isla gorfaynay oo aanu meel isla dhignay in xalka keliya ee la gaadhi kara yahay xal nabadeed oo labada dal isla waafaqaan, dagaalkuna yahay mid aan la aqbali karin, waxaanu ballanay inaanu wada hadalada sii ambaqaadno bilaha May iyo June oo ajandayaal cusub aanu isa soo hor dhigi doono" sidoo kale dhigiisa waddanka India Shashank oo ka jawaabayey sida dalkiisu u arko wada hadaladani cusub wuxuu ku jawaabay "waxaa keliya ee labada shacab ee labada dawladood sugayaan waxay tahay nabad waarta oo ka aslaxda koonfur aasiya taasina furaheedu wuxuu hor yaalla wada hadalkani si da'yarta soo kacaysa ee labada dal u anfacaan, dawladda India waa soo dhawaynaysa wax wal oo lagu gaadhi karo heshiis iyo is afagarad siyaasadeed, waana sababta halkani i keentay ayuu yidhi Mr. Shashank, xooghayaha arrimaha dibadda ee India"  waxaa kale oo ay shirkaa jaraa'id shaaca kaga qaadeen in ay isla afgarteen labada dhinac xidhiidh toos ah oo dhex mara hogaanka sare ee ciidanka labada dal.

tani waxay u muuqata in laga gaadhi karo xal waara xiisaddii siyaasadeed ee soo taxnayd muddo qarni iyo dheeraad ah ee u dhexaysay labada dal ee Pakistan iyo India oo coladoodu gaadhay inay labada dalba samaystaan hubka halista ah ee Nuclear-ka, sida laga war qabo waxaa labada dal ku dhex maray xiisadda Jammu iyo Kashmir laba dagaal oo aad iyo aad u weyn waxaana sannadkii 2001 labada dhinac qarka u saarmeen in dagaal seddexaad dhex maro, si kasta ha ahaatee dadka aad u darsa siyaasadda labada dawladood ayaa farta ku fiiqaya xal waara oo u bildhaamay labada shacab ee India iyo Pakistan.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

 KARACHI, PAKISTAN.
diridhaba2001@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 19, 2004

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD