Mahad waxay u sugnaatay ilaahay subaxanahu watacalaye
abuuray dhamaan dunida aynu ku noolahay Naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha
ahaato Nebigeena suuban Muxamed (C.S.W).
Akhristaha qiimaha mudanlow 13 sanno oo ay burbursanayd
dawladda dhexe ee Soomaliya waxaa umadda Soomaliyeed ku dhex jirtay wareer
iyo qax, burbur, dhicitaan, iyo gaafwareegid, dabcan burburku kuma imanin
dhayal iyo fikir la'aan balse soddon sanno oo ka horeeyey 13ka sanadood waxaa
jiray cadaadis iyo cagajuglayn, dil, dhac, boob, kufsi, iyo hantigoosi
laxaadleh oo loola tegay shacabka reer Somaliland oo ka mid ahaa ama ku dhex
milsana dawladdii loogu yeedhi jiray "jamhuuriyaddii dimuqraadiga
hantiwadaaga umadda Soomaaliyeed" 40 sanadood ka bacdi dhamaan
geyigii ku abtirsan jiray magaca aan kor ku xardhay wuxuu u bedelmay cahdi
cusub oo dhibtii iyo dheeftiis watta, waxaan filaya inaan ninna loo
sheegaynin loogana faalloonayn hadda halka ay sartu ka qudhuntay, balse
akhriste dulucda qoraalkayga oo taa ka duwan aan u dego, diiradana saaro meel
dahsoon oo dogobta iyo dacarteedu mar uun ka bildhaami doonto dagalka beriga
afrika, waxaan jecelahay inaan qoraalkani ku bildhaamiyo duufano siyaasadeed
oo aan dagalkan maanta ah loo fadhiyin, balse sida saxansaxada
diblomaasiyadeed urinayso maruun jilbaha la is dhigi doono, dabcan akhriste
waa dagal udgoon, da'yar badani danaynayso, duulal badan qoomamayn doonan dad
badana mashxaradi doonan, waxba yaanan hadalka ku dheerane, toobiyaha
qallinka ayaan jeclaystay inaan ku xardho Su'aal in dooraba aan jawaabteed u
day dayaayey. HADDII AY SOOMALIYA DAWLAD LOO DHANYAHAY YEELATO, WAA
MAXAY HANAANKA LABADA DHINAC EE SOMALILAND IYO SOMALIYA ISKU HOR FADHIISAN
KARAA?
Dabcan su,aasha jawaabteeda hadaad ka quudaraysid rag badan
oo isku tilmaama siyaasiyiin waxaa hubaal ah in ninba dhinac u qaadayo, balse
dabcan waa mid u baahan cilmi baadhis farabadan oo salka laga bilaabay,
lagana nadiifiyey caadifad, qabiilaysi, iyo nin jeclaysi.
waxaan isku dayi doonan qormadani inaan u kala saaro dhawr
qodob oo muhiim ah oo aan ku gorfaynaayo muhiimadda ay leedahay kulan dhex
mara saariisha Somaliland iyo Somalia, sidee labada dhinac isku hor fadhiisan
karaan, waa maxay ajandayaasha siyaasadeed ee laga wada xaajoon doona, iyo
wajiyada u yeelan karo wada xajood noocaasi ah oo mustaqbalka dhaw dhici
doona.
hadaba aan ku bilaabo qormadayda marka hore intaanan u gudo
gelin qodobadaasi sida wada xaajood foolka fool ah oo noocaasi ah looga
dareemi karo Somaliland iyo Somalia
SIDEE SHACABKA IYO DAWLADDA SOMALILAND U ARKAAN
WADA HADAL DHEX MARA SOOMALIYA OO DAWLAD LOO DHANYAHAY YEELATA
Shacabka reer Somaliland waxay jecelyahiin walaalahooda
Soomaliyeed oo ilaahay siiyo dawlad iyo nidaam dhexe oo ay kaga raystaan
dhibaatada iyo mooryaanta kala qaybsatay hantidooda iyo halbawlahooga,
shacabka Reer Somaliland iyaga oo meel iska dhigay dhibaatadii la baday 30
sanno ka hor waxay jecelyahiin Dawlad iyo shicib Soomaaliyeed oo ay noqdaan
laba dal oo isjecel oo jaar ah oo xidhidh wanaagsani dhex maro, dabcan
Shacabka Somaliland oo ah awoodda ay ku taagantahay dawladoodu waxay ku
qasbayaan xukuumadda Somaliland in ay xukuumaddu si foolka fool ah ula
fadhiisato ugalana xaajooto wixii dan u ah labada dal, ha noqoto kala goosiga
labada dal, xidhiidh dhex mara labada dal iyo siduu u ekaan karo, iskaashiga
xagga dhaqaalaha, socdaalka, hiddaha iyo dhaqanka, waxbarashada, iyo
ciyaaraha (sports), marka akhriste si aad u egto sida ay maanta xaaladdu
tahay waxaasi oo dhani waxay kuula ekaan karaan qaar mustaqbalka fog ah,
balse runtii maaha wax la dhayalsan karo, Da'yarta reer Somaliland waxay
jecelyahiin cahdi cusub oo u bilawda labada umadood oo ah iskaashi, iyo
bahwadaag ka xallan ama ka nadiif ah wax isku darsi!!
Shacabka Somaliland waxay jecelyahiin iyaga oo arka hogaan
ka soo dhex baxa umadda Soomaliya, hogaankaasi oo qirsan madax banaanida iyo
jiritaanka Somaliland, si ay meesha uga saaran muranka siyaasadeed ee ka
dhallan kara ka hor wada xajood dhex mara, taasi waxaa aan tusaale buuxda
akhriste u soo qaadan kara, ka hor shirkii Soomaalida loogu qabtay magaalada
Carta ee jamhuuriyadda Jibouti waxaa hargeysa yimid rag badan oo siyaasiyiin
ah oo Soomali ah oo tallo badan ka qaatay
Madaxweynahii hore ee Somaliland
alla naxariistii janno ha siiye Maxamed Ibraahim Cigaal, balse markii
hunguriga siyaasadeed yimid dhinaca kale isku rogay, taasina ay badday
khasaare weyn oo ku yimaada shirkaasi, hadaba togaanta iyo dulucda ama ujeedada Somalilanderku doonayo inuu arko si
wada xaajood siyaasadeed oo labada dhinac ahi u suuro galaan waxa weeyi, in
hogaan kasta oo Soomaliya ahi qirsanaado madaxbanaanida Somaliland, haddii
kale meesha laga saaro wax wada hadal ah, oo aanay Somaliland-na aqoonsanaan
doonin dawlad kasta oo aan xorriyadooda iyo madaxbanaanida aqoonsanayn.
SIDEE SHACABKA IYO QAYBAHA SIYAASADDA EE ISKAGA
SOO HORJEEDA SOOMALIYA U ARKAAN WADA XAJOOD DHEX MARI KARA SOMALILAND
Maadama oo aanay jirin meel ilo midaysan laga soo qaadi
karo sida Somaliland waxay u baahantahay cilmi baadhis badan oo lagu sameeyo
sidii loo ogaan lahaa xogta dhabta ah ee ay ka qabaan mutmacyada kala gedisan
ee Soomaliyeed, balse duurgal aan ku sameeyey ayaan jeclaystay maadama oo
Soomaliya kala qoqobantahay inaan u kala qaad qaado shakhsiyaad ku kooban
siyaasadda, hogaamiye kooxeedyo, iyo weliba gobolo. aan ku horeeyo magaalada
muqdisho.
CABDIQASIM SALAAD XASAN
Cabdiqaasim salaad xasan waa hogaamiyahii hungoobay ee lagu
soo doortay shirkii magaalada Carta ee jamhuuriyadda Jibouti, Cabdiqaasim ka
hor shirkii magaalada carta wuxuu ahaa nin lagu tiriyo dadka qunyar socodka
ah ee siyaasadda u nugul, dadyow badan oo ku dhaqan magaalada muqdisho gaar
ahaan koonfurteeduna waxay aaminsanaayeen wakhtigaasi inuu Mr. Xasan yahay
ninka wax ka qaban kara dhibaatooyinka ay magaalada muqdisho ku sugnayd,
balse marin habaabin badan oo ku timid hanaankii siyaasadiisa ayaa waxay u
horseeday in muddo yar oo kooban ay xukuumadiisi lagu soo dhisay magaalada
Carta ee Jamhuuriyadda jibouti ku itaal gabto,
shakhsiyadda Cabdiqaasim salaad xasan oo lagu tiriyo ragii
la soo shaqeeyey aadkana ugu dhawa hogaamiyahii shuuciga ahaa ee hore ee
Soomaliya Maxamed Siyaad barre ayaa lagu tilmaama inuu yahay nin aad ugu ad
adag ku tiirsanaada qabiilkiisa (hawiyaha, habargidir), taasi oo la sheego ka
dib burburkii ku yimid xukuumadisi lagu dhisay magaalada carta in uu hadda ku
dhex joogo magaalada muqdisho awoodda reerka uu laf ahaan ka soo jeedo, marka
hoos loogu dego shakhsiyadda Cabdiqaasim Salaad Xasan, waa nin aan ogolayn
madax banaanida jamhuuriyadda Somaliland si kasta oo ay ku timaado,
carrabkana ka ilaashada wada xajood kasta oo mustaqbalka dhex mara, waa
jiraan dad la qaba arrintaasi balse aan la odhan karin waa badanyahiin, waxaa
taasi la qaba rag badan oo la shaqeeya oo isaga ku dhaw dhaw, balse rag badan
oo la shaqayn jiray ayaa ay arrintaa darteed si weyn iskugu khilaafeen,
waxaana ka mid ah Xasan Abshir Faarax, Cabdalle Deerow isaaq, iyo rag badan
oo kale, waxaana lagu tiriya khilaafkaasi soo dhex gallay in ay ka timid
markii labadaa nin ay saxeexen heshiish ay soo hordhigeen ururka Igad
hogaamiyaasha soomalida ee ku shirsan magaalada nairobi, qaraarkaasi oo uu ku
jiray in Somaliland sideeda loo daayo uuna la xaajoon doono hogaanka ka soo
dhex baxa shirkaasi.
MUUSE SUUDI YALAXOW
Waa hogaamiye kooxeed ka soo jeeda waqooyiga magaalada
muqdisho, asal ahaana metala beesha uu ka soo jeedo ee (Hawiye, Abgaal), Mr.
yalaxow, inkasta oo taariikhda siyaasadda Soomaliya uu ka soo gellay baal
dagaal, hadana waa ragga lagu tiriyo inuu laf dhabar u yahay heshiis kasta oo
la gaadhi karo,
inkasta oo ay yartahay dadka aqoonta u leh muuse suudi yalaxow ee aan waraystay hadana waxaa la iigu sheegay inuu
aad u yaryahay aqoonta uu Muusi suudi u leeyahay diblomaasiyadda labada dal
ee Somaliland iyo Somaliya, maadama oo uu yahay nin siyaasadda ugub ku ah,
rag badan oo aan kala sheekaystay hanaanka Muusi suudi yalaxow waxay ii
sheegen inuu yahay nin u heelan gaadhsiinta reerka uu ka dhashay mansabka ugu sareeya ee Soomaliya,
lama saadalin karo wuxuu
ka aaminsanyahay wada hadal labada dhinac dhex mari kara iyo saansaanta u
yeelan karo, Muuse suudi oo lagu tiriyo inuu soo caan baxay sannadahii 1996-
ilaa 1997-kii markaasi oo uu xilka siyaasadda ee beesha abgaal hawiye ka
tanaasulay Cali Mahdi Maxamed, hadda wuxuu gaashanbuuraysi sare la leeyahay
Mr. Yalaxow, Cabdiqaasim salaad xasan oo ay ku bahoobeen urur si hogaanka ugu
sareeya soomaliya aanu u dhaafin beesha hawiye ee Somaliya.
CABDILAAHI YUUSUF AXMED (YEY)
Cabdilaahi yuusuf axmed waa hogaamiye kooxeed ama siyaasi
ka soo jeeda waqooyiga beri ee Soomaliya, (majeerteen), wuxuu ka tirsanaan
jiray ciidamadii xooga dalka ee Soomaliyadii burburtay isaga oo ka gaadhay
darajo kornaylnimo, waxaa lagu tiriyey ragii Aas-Aasay jabhadii ugu horaysay
ee ka falagawda dawladii macangaga ahayd ee Siyaad barre ee la odhan jiray
SSDF, halkaasi oo uu ka bilaabay halgan uu kaga soo horjeestay dawladii
siyaad barre, balse inyar uun ka dib halgankaasi oo aan lagu guulaysan wuxuu
isku soo dhiibay dawladdii Siyaad barre, waxaana lagu tilmaama halgankiisasi
mid aan dheefin ujeedadiisi, Cabdilaahi yuusuf wuxuu tiirarka u aas aasay
dawlad goboleed uu ku mideeyey qabiilkiisa (majeerteen) sannadkii 1998-kii,
halkaasi oo uu ka noqday dawlad goboleedkaasi madaxweyne dawlad goboleedkaasi
oo loogu magac daray (puntland) ama dhulkii udgoona, ma jirin wax xidiidh
toos ah ama ku diblomasiyadeed oo dhex maray maamulkaa cabdilaahi yuusuf iyo
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, balse sannadkii 1998-kii dabayaqadiisi ayuu cabdilaahi yey wuxuu sheegtay gobolo Somaliland ka
tirsan oo ay ku dhaqanyahiin beelaha daarood qaar ka mid ahi (Dhul-bahante
iyo Wersengeli), wuxuuna ku dhawaaqay inuu ka gudbay midayntii qabiilkiisa
majeerteen una xuubsiibtay cahdi cusub oo uu ugu magac daray (Harti isku
keenid), balse dadka siyaasadda aadka ugu dhuun daloola markay ficilkaasi u
duur galeen waxay ku macneeyen burburin uu cabdilaahi yuusuf axmed ugu tallo
gallay qaranka Somaliland iyo sumcad dilid, taasoo ayey yidhaahdeen
khubaradaasi uu Mr. yey markii hore ee uu yagleelayey waxan uu ugu yeedhay
Puntland-nba doonaayey inaan caalamku indho caafimaad qaba ku eegin
Somaliland, si uu isku bar bar dhigo Somaliland iyo puntland, taasi waxay
meesha ka saartay xidhiidh dhex mara cabdilaahi yey iyo Somaliland, dhawr
goor oo idaacadda laanta afka soomaligu waraysi la yeelatayna wuxuu
cabdilaahi yuusuf sheegay in aanu sinna raali uga ahayn qaran Somaliland la
yidhaahdo oo ka bildhaama carrada beriga afrika, si kasta ha ahaate,
Cabdilaahi Yuusuf waxaa la odhan kara hadda waa cadawga koobaad ee
Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana wakhtigan xaadirka ah xaaladda gobolada
muranku ka taaganyahay hadheeyey ficilo militeri, si kasta ha ahaate hogaanka
Somaliland kamaba suurawdo inay meel la fadhiisato dawlad uu hogaaminaayo
cabdilaahi yuusuf axmed oo sheegata inay soomaliya matasho.
XASAN MAXAMED NUUR SHATIGADUUD
Xasan maxamed nuur shaatigaduud waa hogaamiye kooxeed ama
siyaasi ka soo jeeda koonfur galbeed soomaaliya (Bay iyo Bakool), Mr.
Shaatigaduud wuxuu aas-aasay hogaamiyana ka yahay jabhadda RRA, kuwaasi oo ay
ku bahoobeen mujtamaca raxanweynta ee gobolada Bay iyo bakool, sannadahii
1995kii ilaa 1996-kii wuxuu shaatigaduud ku jiray halgan weyn oo ku kaga
xoraynaayey dhulka uu ka soo jeedo jabhado kale oo qabsaday oo ay horkacayeen
janeral maxamed faarax caydiid iyo weliba wiilkiisa ka danbeeyey xuseen
maxamed caydiid, waana uu ku guulaystay, Xasan maxamed shaatigaduud wuxuu
socdaal ku yimid magaalada hargeysa sannadkii 1998-kii isaga oo ka qayb
gallay xafladii 26 june ee lagu qabtay Xarunta madaxtooyada ee Hargeysa isaga
iyo wefdi balaadhan oo uu hogaaminayo oo uu ka mid ahaa Cabdalla Deerow isaaq
iyo rag kale oo badan oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee ururkiisa RRA,
wuxuu ka qayb gallay shirkii lagu qabtay magaalada carta wuxuuna in door ah
la shaqeeyey hogaankii hungoobay ee halkaa lagu doortay cabdiqaasim Salaad
Xasan, balse inyar ka dib waa uu iskaga baxay wuxuuna ku hadhay ururkiisa RRA,
marka la eegayo xidhiidh ama wada xajood dhex mari kara Somaliland iyo
Soomaliya waa nin aad iyo aad u soo dhawaynaaya,
waana nin marka la eego
furfurnida siyaasadeed kaga xeel dheer ragga aynu kor ku soo sheegnay, wuxuu aaminsanyahay Mr. shaatigaduud in wada
xajoodku yahay midda kaliya ee xal lagu gaadhi karo wada xajoodkaasi oo dhex
mari kara Somaliland iyo Soomaliya, Mr. shaatigaduud oo ay idaacadda B.B.C-du
waraysanaysay ayaa wuxuu yidhi waxaan aaminsanahay in umadda reer Somaliland
ay aayahooda ka tashadeen dantuna ugu jirto iyaga oo qaranimadooda xijista
wada xajoodkuna uu iman karo oo keliya marka Soomaliya dawlad ka dhalato.
LA SOCO QORMADANI TODOBAADADA SOO SOCDA
N.B: Qormadani oo aan kaga hadli doono qodobo badan oo ay
ka mid yahiin ajandayaasha ugu muhiimsan ee labada dal ee Somaliland iyo
Somalia ka wada hadli doonan mustaqbalka, dalka ama meesha ugu muhiimsan ee
laga yaabo in labada dal ku wada xaajoodaan, iyo weliba sida labada shacbi u
soo dhawayn karaan heshiisyo wax ku ool ah, oo labada dal gaadhan.
F.G: Qormada kor ku xardhan waxay ka turjumaysa
cilmi baadhis aan ku sameeyey muddo kooban, magacyada iyo qabiilada aan ku
adeegsaday qormadayda kama turjumayso wax xumaan iyo caadifad ah oo aan uga
danleeyahay qabiilkasta iyo ururkasta oo aan magac dhabay wuxuu leeyahay
sharaftiisa iyo karaamadiisa gaar ahaaneed.
C.G: Waxaan ka codsanaya dhamaan saxaafadda
Afka soomaliga ku hadasha in ay tahay qormadani mid u gaar ah qoraaga hoos
magaciisu ku xardhanyahay masuuliyadeedana aan anigu leeyahay.
waxaan ka codsanaya dhamaan akhristayaasha haddii aad ka
qabtaan wax fikrad ah inaad iigu soo gudbin kartaan ciwaankayga oo ah
E-mail:
diridhaba2001@hotmail.com
Mobile: 00-92-300-2600907.
la soco todobaadada soo socda.....................
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.