SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - PAKISTAN

Feb 26, 2004

KU: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin

        Ujeedo: XADHIGA BOQOR CISMAAN AW MAXAMUUD BUURMADOW

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)


Karachi, Pakistan.


diridhaba2001@hotmail.com

Mobile: 00-92-300-2600907

 

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


Mudane Madaxweyne

Waxaan warqadani kuu soo marinaya saxaafadda Madaxbanaan, waxaan jeclaystay ka dib muran iyo caadifad badan oo laga muujiyey Xadhiga Boqor Cismaan Aw Maxamoud BuurMadow, oo ka mid ah boqorada Jamhuuriyadda Somaliland, inaan ku muujiyo dareenkayga gaar ahaaneed ee ku wajahan xadhigaasi.

Mudane Madaxweyne Adiga oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna hogaanka sare ee qarankeena, waxaad si weyn ula socota ugana dharagsantahay hanaanka dalkeenu ku dhisanyahay iyo halkaynu wax ka soo bilawnay, Mudane Madaxweyne adiga oo xaq u leh ilaalinta karaamada qaranimad iyo sharafta Somaliland, Adiga oo og tiirarka aynu ku yagleelay mudada 13-ka sanno ah ee dalkeenu jiray, taasi oo aynu ka soo bilawnay heer dhaqan ilaa iyo maanta oo aynu dalkeena cagaha ugu istaajinay hanaan dimuqraadiyadeed oo aan runtii ka hirgelin dalal badan oo aynu jaar nahay, ayaa Mudane Madaxweyne waxaa jira hadana arrimo badan oo xasaas ah oo inaga oo qaran ah ay mudantahay in aynu tixgelino, qodobadaasi oo ay ka mid yahiin:-

1. Xeer dhaqameedka dalkeenu ku dhisanyahay ( wuxuu reer weliba leeyahay suldaan, caaqil, garaad, boqor, uu si gaar ah u caleemo saartay, kuwaasi oo ay sharaftooda reernimo dusha ka saareen

2. Fahan la'aanta xuquuqda dawladnimo ee bulshadeena qaar badan oo ka mid ah ( Mudane Madaxweyne adiga oo ka dharagsan dalkeenu inuu yahay dawladaha ugu hoseeya dunida seddexaad hanaanka dawladnimana ku yahay mid ugub ah, dadkeena qaar badan oo ka mid ahi yahiin dad aan waxba qorin waxbana akhriyin ha u badnaadeen dadka waaweyn eh, aqoon buuxdana u lahayn xaqqa dawladi u leedahay difaacidda iyo la hortagidda shakhsiyaadka ka horyimaada qawaaniinta dalka, shuruucda dalka u yaalla.

3. Xafiiltan siyaasadeed, bulsho, iyo gobolaysi oo ka dhexeeya mujtamaceena qaar ka mid ah (ka dib unkiddii aynu samaynay hanaankan dimuqraadiyadeed ayaa dad badan oo inaga mid ahi u fahmeen in ay dimuqraadiyaddu tahay mid wax weliba fasaxday lagana talaabsan karo shuruucda u yaalla dalka.

4. Aqoon la,aan balaadhan oo bulshadeena badankeed ka haysata qodobada dastuurka aynu dhiganay ( mujtamaceena badankood oo u codeeyey dastuurka Somaliland % 97, ayaad hadana mooda in aanay fahnasanayn macnaha iyo laxaadka uu inoogu fadhiyo dastuurkeenu)

Mudane Madaxweyne qodobadaa aan kor ku xusay iyo kuwa badan oo ka dhex jira bulshadeena dhexdeeda awgeed, ayaa waxay keliftay in dadyow badan oo isugu jira xeerbeegti, oday dhaqameedyo iyo siyaasiyiin kula jooga dalka gudahiisa iyo qaar dibadda joogaba, u turjunteen necayb badan.

Hadaba inaga oo wakhtigan xaadirka ah Mudane Madaxweyne ku jira iibinta qaranimo ee dalkeena, inaga oo ku jira wakhti xasaasi ah oo aan loo baahnayn inay bulshadeenu kala qoqobnaato, adiga oo Md Madaxweyne Dareensan culayska siyaasadeed ee inagaga imanaya beelweynta caalamka iyo dedaalka balaadhan ee la doonaayo inaynu ku wajahno, adiga oo og cadawga inagu xeeran iyo xeeladaha ay inaga faa'iidaysan karaan.

Waxaan si naxariisleh Mudane Madaxweyne kaaga codsanaya inaad si bilaa shuruud ah ugu soo celiso Madaxbanaanidii iyo xorriyaddii Boqor Cismaan Aw Maxamoud Buur-Madow, Maxkamadda Jamhuuriyadda Somaliland-na ka codsato inay ku soo dayso cafiskaaga gaar ahaaneed ee aad awooda u leedahay.

Waxaan si weyn u quudaraynaya una rajaynaya inaad si baaxadleh codsigaygan wakhtigan maxaliga ah u qiimayn doonto una tixgelin doonto.

waxaan rajaynaya inaad iga aqbali doonto.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

 KARACHI, PAKISTAN.
diridhaba2001@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 26, 2004

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD