SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Feb 3, 2004
AABAHII QUWADDA NUCLEAR ATOMIC BOMB-KA PAKISTAN AYAA DAWLADDA PAKISTAN CAYDHISAY

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)


Karachi, Pakistan.


diridhaba2001@hotmail.com

Mobile: 00-92-300-2600907

 

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


ISLAMABAD: DR. Abdulkhadir Khan loona yaqaano (A.Q KHAN) oo ah Aabahii Quwadda nuclearka ee dalka Pakistan iyo dunida islaamkaba ayaa dawladda Madaxweyne Janeral Pervaz Musharaf waxay ka caydhisay hawshii uu dawladda u hayey ee ahaa la taliyaha Ra'isal Wasaaraha ee xagga Gaashandhiga, warar ka soo baxay maalintii sabtidii ee bishu ahayd 31 bisha January Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Islamabad ayaa tibaaxaya in A.Q Khan lagu eedeyey inuu gudbiyey ama siiyey dawladaha Iran, Libya, Malesia, iyo Waqooyiga Korea macluumad ku saabsan sida la iskugu talaalo macdanaha laga sameeyo hubka Nuclearka (Urinium Planting) iyo weliba inuu siiyey dawladaha Iran iyo Malesia sannadahii u dhexeeyey 1986-kii ilaa 1990-naadkii aalado iyo qalab fududeeya horumarinta hubka halista ah ee Nuclearka, Dr. A.Q Khan iyo weliba seddex Saynis yahano oo kale oo Pakistaaniyiin ah ayaa la sheegaya inay qirteen sida warar ku dhaw dhaw xogaha sirdoonka ee Pakistan tibaaxayaan inay la wadaageen ama wax ka tusaaleeyen saynisyahano Iraniyiin, libiyiin iyo waqooyiga Korea u dhashay, waxaa kale oo ay sheegen inay sharaxaad ka siiyeen ilo ku dhaw dhaw dawladahaasi quwadda dhalisa hubka Nuclearka (Nuclear Now-How).

Abdul Qadeer Khan (archive image from 1998)                                                                                  
Dr. Abdul Khadir Khan

Caydhinta laga caydhiyey A.Q Khan shallay shaqadiisu waxay cadho weyn ku keentay dhamaan shacabka reer Pakistan yari iyo weyn oo u citiqaadsan Dr. A.Q Khan inuu yahay Geesi Qaran, ka dib markii sannadkii 1994-kii uu u suuro geliyey waddanka Pakistan inay si nabad ah u tijaabiso Hubka halista ah ee Nuclearka markaasi oo xiisad weyni dhex taallay waddanka colaadda ragaaday u dhexayso ee India, Dad badan oo reer Pakistan ah ayaa u citiqaadsan Dr. A.Q, inuu yahay nin ka sharaf badan Madaxweyne Musharaf iyo Ra'sal Wasaarahiisa oo maanta haddii seddexda nin ay geli lahaayeen tartan xor ah aanay shaki ku jiri lahayn in A.Q khan ay u dooran lahaayeen hogaamiyahooga, axsaabta Mucaaridka ah ee siyaasadda sida xisbiga xag jira ee MMA (Mutahida Majlis Amal) iyo xisbiga kale ee PPP (pakistan People Party) ayaa waxay ka soo saareen war saxaafeedeedyo kala duwan waxay dawladda Madaxweyne Musharaf ku eedeyeen inay sharaftii A.Q hoos u dhigtay taa macneeheduna bay yidhaahdeen ay la mid tahay sharaftii Pakistan oo uu Janeral Musharaf hoos u dhigay, Maulana Fadlu Raxman oo ah Gudoomiyaha xisbiga diiniga ah ee MMA, oo la hadlaaya saxaafadda shallay ayaa u sheegay "inay tahay wax si weyn looga naxo in A.Q lagu eedeeyo wax aan sal iyo raad toona lahayn" 

dadka u dhuundaloola siyaasadda dalka Pakistan ayaa sheegaya in haddii ay ku cadaato Dr. A.Q inuu ku lug lahaa iskaga gudbinta macluumadkani ku saabsan hubka nuclearka ah (nuclear Profileration) in markaa la hor keeni doono Maxkamad, taasina markaa waxay ku keeni kartaabay leeyahiin in ay dalka ka dhaliso kala qaybsanaan weyn, una horseedi doonta Madaxweyne Musharaf iyo xukuumadiisa Mucaaridad aad iyo aad u baaxad weyn.

Pakistani nuclear-capable missiles

Tuhunka Dawladda Pakistan ay tuhuntay A.Q khan waxay ka danbaysay ka dib markii haayadda qaramada midoobay u qaabilsan quwadda Atomic-ga ee loo soo gaabiyo (IAEA) "nternational Atomic Energey Agency" ay usoo gudbisay xukuumadda Pakistan in saynis-yahano pakistaniyiin ahi ku lug leeyahiin gudbin xagga technologyga ah oo ku saabsan hubka nuclearka ah ee lagu tuhmaayo wadamada Iran, Waqooyiga Korea, iyo Libya, taasi waxay dhalisay in muddo hadda seddex todobaad laga joogo ay haayadda sirdoonka ee pakistan baadhitaan ula tagtay Shaybaadhka Cilmi Baadhista ee A.Q ee loo yaqaano (Khan Research laboratory).

Click to view full-size JPEG photo                     
Dr. Abdul Khadir Khan wuxuu hayey jagadani laga qaaday ee la taliyaha Ra'isal wasaaraha ee xagga gaashandhiga ilaa intuu hawlgabka ka gellay sannadkii 2001 hawlaha horumarinta hubka nuclearka ee pakistan.

 

Qore: MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)


Karachi, Pakistan.
diridhaba2001@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 3, 2004

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD