SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Feb 19, 2004  

Ma ku nooshahay Minnesota? Ma danaynaysaa waxbarashada ubadka Soomaaliyeed?

Ma jeceshahay inay waxbarashada guul ka gaaraan? Aqri ogeysiiskan.

wardheere Maxamuud Nuur Wardheere 

 mnwardere@yahoo.com 

Minneapolis, Minnesota, USA

 

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

 

Minneapolis waa magaalada ay ugu badan yihiin ardada Soomaalida ee dugsiyada wax ka barata Minnesota. Haddaba magaalada waxaa la soo dersay labo shay oo kala ah

a) Gobolka (state) oo lacagtii ku yareeyay dugsiyada magaalada

b) ardada iskuulada dhigata tiradooda oo sii yaraanaysa sanadba sanadka ka danbeeyo , waxaana loo aanaynayaa in qoysaska u guuraan magaalada bannaankeeda.

Maamulka iskuulka Minneapolis waxaa uu go’aansaday si uu dhaqaale xumada la soo deristay iyo waxa uu qaban karo isugu dheeli tiro in uu sameeyo isbedelkii ugu weynaa muddo 22 sano ah kaas oo ah in la xiro 10 dugsi iyo barayaal badanna la dhimo. Haddaba waxaan shaki ku jirin in arrintan ay saameyn ku yeelan doonto ardada Soomaaliyeed iyo waalidiintaba.

Maamulka dugsiyada magaalada Minneapolis ayaa siiyey waalidka fursad ay talo ku dhiibtaan ama in loo waramo meesha xaalku marayo. Waxaan codsanaynaa in waalidiinta iyo ardadaba ay ka qayb galaan shirarkan muhiimka ah. Waayo waxbarashada dhallaanka Soomaaliyeed ma iska indho tiri karno.

Waqtiga iyo goobaha warbixinada waa:

  • February 18, 2004 07:00pm Washburn High School
  • February 19, 2004 07:00pm North High School
  • Iyo maalinta la codeynayo oo ah Feb 24, 2004 xarunta maamulka iskuulada oo ku taal 807 NE Broadway Minneapolis

Iskuulada la soo jeediyaya in la xiro haddii la isku raaco waa

Cooper, Haiwatha, Holland, Howe, Franklin, Kenny, Northrop, North Star, Pratt, Willard.

Ogeysiisyo kale oo muhiim ah.

Waqtiga la qaadi doono ACT test oo ah imtixaan ardada u diyaariya jaamacadaha waa: Feb 27, 2004, April 3, 2004, May 7, 2004, June 12, 2004

Markii ugu horeeysay oo ay Soomaalida Minnesota yeelan doonto Rugta ganacsiga ee Soomaaliyeed Feb 20, 2004 goobtana waa Brian Coyle saacaduna waa 05:00pm

Maalinta uu bilaabanayo sanadka cusub ee islaamka (Hijriyah) Feb 22, 2004

Fasax guga ee dugsiyada wuxuu bilaabanayaa March 29 wuxuna dhamaanayaa April 4, 2004

Habeenkii Waxbarashada Soomaaliyeed ee Minnesota oo la qaban doono bisha May gudaheeda.

Maalinta iskuulada la xirayo waa June 8, 2004

Dugsiyada Minneapolis ayaa inta fasax lagu jiro yeelan doonta gudoomiye waxbarasho oo cusub ayadoo lala tashan doona waalidiinta.

Maxamuud Nuur Wardheere
mnwardere@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 19 2004

QORAALADII HORE EE WARDHEERE

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD