Shir si weyn loo soo abaabulay ayaa lagu qabtay shalay Magaalada Leicester
ee dalkan Ingiriiska, shirkaasi oo ay kasoo qayb galeen Wafdi uu hogaaminyay
Gudoomiyaha Xisbiga Qaranka ee UCID Ing. Faysal Cali Waraabe iyo wafti kale
waxaa isugu yimi dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimi xaafadaha
Magaalada Leicester iyo nawaaxigeeda.
Aayado Quraan ah ka dib waxaa halkaas hadal soo dhowayn iyo mahadnaq isugu
jira kasoo jeediyay Wakiilka Xisbiga UCID ee gobolkan Leicestershire Mudane
Xasan Maxamed Cabdilaahi(Salahuddin) waxaana uu xasan halkaasi ka sheegay
inuu aad ugu faraxsan yahay wafdiga UCID ee soo booqday magaalada Leicester,
waxaana uu intaas ku daray in dadweynaha reer Somaliland ee magaaladani ay
aad ugu farxeen Madaxda UCID ee soo booqday, waxaana uu hadalkii kusoo
dhaweeyay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Inj. Faysal.
Ugu horrayn waxa uu Gudoomiyuhu mahadnaq usoo jeediyay dadkii kasoo
qaybgalay shirka iyo xubnihii qaban qaabiyay, waxaana uu warbixin dheer ka
bixiyay xaalada dalka hooyo uu ku sugan yahay, waxa uu gudoomiyuhu sheegay in
Somaliland maanta ay marayso xiligii ugu wanaagsayad taariikhdeeda.
Waxa uu tilmaamay in dalka ay ka hirgaleen doorashooyin xor ah dadweynaha
reer Somalilandna ay doorteen dadkii ay xilka ku aamini lahaayeen, waxaana uu
xusay in Xisbigoodu uu taageero wax kasta oo ay danta dalku ku jirto oo ay
dawladu qabato, sidoo kalana uu ka hortago wax kastoo khaldan oo ay dawladu
ku kacdo, isla markaasna ay leeyhiin barnaamuj dhamays tiran oo ay dalka ku
hogaamin doonaan hadii la doorto.
Gudoomiyuhu waxa kale oo uu ka warramay xaalada ka taagan gobolada bariga
ee dalka Somaliland, waxaana uu xusay in aanay cidnaba ka ogolaanayn inay hal
talaabo oo dhulka Somaliland ka tirsan ay qaadato, waxaana uu xusay in ay
Somaliland xadkeeda xidhan doonto oo aan mar danbe si sahlan loogu soo
hunguroon doonin.
Mar uu ka hadlayay hogaamiyaha Maamulka Puntland waxa uu xusay in
Cabdilaahi Yuusuf uu yahay nin aan masuul ahayn, isla markaasna aanay qancin
deriswanaaga dadka walaalaha ka dhexeeya, waxaana uu tilmaamay in Cabdilaahi
Yuusuf uu khalad ka fahmay hanaanka dimuqraadiyada ee Somaliland, taasoo uu u
qaatay in khilaaf uu ka dhex jiro Somaliland gudaheeda, hase yeeshee waxa uu
Gudoomiyuhu xusay in Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland ay 100% ku
taageersan yihiin Xukuumada Somaliland in ay soo xidho Xuduudka Somaliland
iyo Somaliya u dhexeeya, kana sifayso maleeshiyada Cabdilaahi Yuusuf ee soo
gashay Magaalada Laascaanood, waxaa kale oo uu tilmaamay in Cabdilaahi Yuusuf
uu yahay nin ka baayacmushtareeya dhiigga dadka, isla markaasna Dekeda
Boosaaso ka dhigay xaruntii kootarbaanka iyo tahriibka, taasoo uu sheegay in
dekedaas uu Cabdilaahi Yuusuf ka dhoofiyo dad masaakiin ah oo ay maamulkiisu
lacag ka qaataan, ka dibna ay bada dhexdeeda ku daadiyaan, sidoo kalana
dhuxusha iyo xoolaha dhedig iyo wax kastoo kootarabaan ah dekedaas Boosaaso
ay ka dhoofaan, waxaana uu Ganacsatada Somaliland uga digay inay dekedaas wax
kala soo degaan ama ka dhoofsadaan, taasoo uu dawlada Somaliland ugu baaqay
inay talaabo adag ka qaado ganacsatada Somaliland ee lagu helo inay Boosaaso
wax kala soo degaan.
Dhinaca kale waxa uu Gudoomiyaha UCID tilmaamay in Somaliland aanay wax
dhibaato ah marnaba u geysanayn dadka Soomaalida ah ee sida sharciga ah ku
deggan ama ka ganacsada Somaliland, waxaana uu sheegay in sharci uu ku joogo
loo samaynayo qofkii si sax ah dalka u degan ama hanti ku leh, laakiin dadka
aan sharciga haysan ama danbiyada iyo culuyska ku haya muwaadiniinta
Somaliland si dhakhso ah dalka looga saari doono.
Ugu danbayn waxa uu Gudoomiye Faysal ugu baaqay shacbiga reer Somaliland
ee qurbaha ku nool inay horumarka dalkooda ka qayb qaataan, sidoo kalana ay
ka faaiidaystaan fursadaha waxbarasho ee ka jira dalalka ay joogaan, sidoo
kalana waxa uu ku boorriyay inay gacmaha is qabsadaan iskana war hayaan,
dalkoodana ay mar kasta maskaxda ku hayaan.
Intaas ka dib waxaa hadalkii la wareegay Inj. Cabilaahi shiraacle Camey oo
ka mid ah madaxda Xisbiga UCID, waxaana uu injineerku ka warramay in
xisbigoodu uu yahay xisbiga waaga cusub, ayna u halgamayaan sidii ay dalka
Somaliland ugu hogaamin lahaayeen Cadaalad, Sinaan iyo Horumar, waxaa kale oo
Inj.Cabdilaahi tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in dadweynaha qurbaha ku
nooli ay kaalmeeyaan Xisbiyada Qarankooda, si ay u kobciyaan dimuqraadiyada
dalka Somaliland ka hanoqaaday
Ugu danbayn waxaa iyana halkaas erayo dardaaran iyo soo dhawayn isugu jira
kasoo jeediyay qaar ka tirsan odayaasha iyo dadweynaha ku nool magaalada
Leicester oo ay ka mid ahaayeen Cabdi Burco, Isaaq, iyo xubno kale.
Shirkani oo ay dadweynaha ka soo qayb galay aad u xiisaynayeen, waxaa
maalgaliyay xaflada iyo kharashka ku baxayba ganacsade reer Somaliland ah oo
ku nool magaaladan Leicester oo magaciisa la yidhaa Xasan Gaaxnuug Maxamed (Istareex).
Kaysar Cabdilaahi
Leicester, UK.
Waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey:
hassanabdillahi@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 20, 2004