SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - UK

Janaayo 20, 2004

WARQAD FURAN OO KU SOCOTA GOLAHA WALIILADA SOMALILAND:

Xeerka xakamaynta saxaafadu wuxuu lid ku yahay xuquuqda xoriyyatul qawlka shacabka ku dhaqan Jamhuuriyada Somaliland:

Hassan Salahudin


hassanabdillahi@hotmail.com

Uk

 

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



Ugu horaynba waxaan salaan tahniyad iyo boogaadin wadata hawada sare u soo marinayaa akhristayaasha soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan, inta jecel xoriyyatul qawlka iyo dhiibashada dareenka xalaasha ah ee muwaadinka inta neceb ku noolaanshaha hoyga cabudhinta iyo cadaadiska.Warqadan furan waxay si toos ah ugu socotaa golaha wakiilada Jamhuuriyada Somaliland oo uu baryahanba horyaalay xeer looga doodayey xakamaynta, cabudhinta iyo cadaadinta saxaafada xorta ah ee ka bilaabantay Jamhuuriyada Somaliland wixii ka dambeeyey ilaa intii hawada sare loola kacay taliskii faashiga ahaa ee uu hormuudka ka ahaa kaladii taliye Maxamed Siyaad Barre, xeerkaas oo uu golaha wakiilada soo hordhigay afhayeenka aqalka baarlamaanku Mudane Ahmed Maxamed Qaybe.

Xeerkan isaga ah oo uu mudane qaybe uga faaíidaysanayey inuu soo nooleeyo xeeladihii iyo tabihii uu adeegsan jiray gumaystaha iyo gumaysta raacu oo ay ka dhaxleen si weyna u adeegsadeen kalidood taliyayaashii soo maray qaarada Africa Qarnigan aynu ku jirno kuwaasoo si weyn dagaal adag iyo dadaal badanba ugu galay sidii uu afku juuqda u gabi lahaa aragtida saliimka ah ee muwaadiniintuna ay hal bacaad lagu lisay u noqon lahayd, Mudane Qaybe oo isaga laftiisu ka mid ahaa ardaydii ay tababarka wanaagsan siiyeen gacan ku dhiiglayaasha isku dayey inay saxaafada xorta ah curyaamiyaan ayey wali maskaxdiisa ka sii dhex guuxaysaa qaaciidadii geeriyootay ee ahayd US OO HA HADLIN!, hadana markii aan daba galay sababta uu Mudane qaybe in mudo ah iskugu mashquulinayey in uu xeerkan goluhu ansixiyo oo uu meel maro ayaan ogaaday inuu jiray colaad adag oo dhex martay isaga iyo saxaafada Jamhuuriyada Somaliland qaarkood gaar ahaana wargeysyada oo daba galay noloshiisa siyaasadeed oo soo bandhigay siyaasadiisa laba wajiilayda ah oo uu mudane Qaybe caan ku yahay.

Si kastaba arrintu ha ahaatee xeerkan waxa si weyn uga qaylyay dhamaan inta danaysa horumarka iyo hanaqaadka saxaafada curdinka ah ee Geeska Africa ka holacday ilaa intii uu meesha ka baxay taliskii faashiga ahaa ee Maxamed Siyaad.

Waxaan si gaara u xasuusinayaa mudanayaasha golaha wakiilada ee Jamhuuriyada Somaliland iyo guud ahaanba dadka reer Somaliland in haddii uu sharcigani meel maro uu dhaawac weyn oo halis ah u gaysan doono qadiyada aqoonsiga Somaliland iyadoo ay mamnuuc ka tahay xeerarka caalimaga ah u cagajuglaynta, cabudhinta iyo cadaadiska rayiga dadweynaha.

Saxaafada Jamhuuriyada Somaliland oo ooda jabsatay badhtamihii sanadkii 1991-kii markii ay xoroobeen wixii loo yaqaanay gobolada waqooyi laguna dhawaaqay gooni isu taaga Maandeeq waxay ku bilaabmeen wargeysyo sadex baal leh oo lagu garaaco teeb soona gudbiya arimaha siyaasada, dhaqaalaha iyo kuwa bulshada ee xiligaa ku gadaanaa guud ahaanba gayiga geeska Africa, wax uu waaba waa u soo dhiibo saxafiyiinta dalku waxay la kulmeen xiliyo adag oo watay waayohooda gaar ahaaneed, tusaale ahaan xiligii Maamulkii Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Saxaafada qaranku waxay kala kulantay hantaaqooyin iyo hanjabaado u eg kuwii ay fulin jireen mooryaantii ka hawl gali jirtay xaruntii loo ababiyey dabargoynta cod kasta oo ku hadlayey xaqa ee loo yaqaanay NSS(National Security Service).

Wariye Xasan Saciid oo ka tirsanaa wargeyska Jamhuuriya ee madaxa banaan oo maalin walba ka soo baxa magaalada caasimada ah ee Hargeisa waxa uu xabsiga dhexe ee hargeisa galay tiroba dhawr jeer iyada oo uu maamulkii cigaal ku eedeeyey in uu qoray faalooyin ka dhan ah siyaasadihii ay ku socotay xukuumadiisu.

Sanadahan dambe Somaliland waxay la jaanqaadaysaa naacawda xorriyatul qawlka ee saamaysay dunida oo dhan iyadoo ka faaíidaysanaysa Tiknoolajiyada casriga ah waxa wadanka lagu soo wadaa mashaariic isugu jira idaacado maqal iyo muuqaalba leh oo si wanaagsan socodka meel ugala wadi doonaa horumarka xawliga ku socda ee isugu jira ganacsiga iyo dhaqaalaha ee wadanka ka socda iyo waliba is badalka siyaasadeed iyadoo uu wadanku u gudbay hanaanka dimuqraadiyadeed ee nidaamka xisbiyada badan.

Golaha wakiilada Somaliland ha ansixiyeen Somaliland xor ah oo la is dhaafsanayo aaraa kul kulul oo sida waranka oo kale ah mucaarid iyo muxaafid ba ee yaanu ansixin Somaliland laga dhigay shimbir qoolay ah oo lagu riday xayndaab bir ka samaysan lagana xanibay jawigii ay ku gudbin lahayd si dadweynuhu u maqlaan codkeeda macaan.

Ugu dambayntii waxaan dhiiri galinayaa dhamaanba shaqsiyaadka firfircoon ee ku hawlan arimaha warbaahinta iyo saxaafada oo laf dhabar iyo muraayad u ah horumarka dalka waxaanan xasuusinayaa inaan marnaba la waayi doonin ashkhaas bulshada ka mid ah oo wata dano siyaasadeed oo mar kasta ka naxa qalinka suxufiga.

Waa Walaalkii

Hassan Salahuddin
Global Media Group
Uk
hassanabdillahi@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 20, 2004

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD