MAXAAD KA TAQAAN BADDA
Waxaa kajawaabaya: Maxamed Shiikh Ismaaciil (Hirre)
C/O Galdogob, Somaliya.
mhashi48@hotmail.com
Waxaa waraystay Maxamed Axmed, Wuxuuna waraysigu dhacay
Ramadaankii hadda ina dhaafay, kana dhacay Gaalkacyo, Soomaaliya. Waana
waraysi ku saabsan Badda.
S: Maxamed Assalaamu calaykum?.
J: Wacalaykum assalaam w.w.
S: Waxaan rabaa inaan wax kaa weeydiiyo axwaasha badda iyo khayraadkeeda,
marka intaynaan taas ugelin sidaada goormaad biloowday kusafarka iyo
kashaqaysiga badda ?.
J: Walaal waxaan bilaabay abbaartii sannadku markuu ahaa 1994-tii, ilaa
haddana hawlaheeda waan kuguda jiraa.
S: Maxamed Sideeda xayawaanka badda kunool iyo kuwa berriga kunool kuwee
baa badan baad aamminsantahay?.
J: Waxaan aaminsanahy inay badan yihiin wax badan xayawaanka Alle ku
abuuray badda, kuwaasoo isla markaasna si ba'an utarma ama isu dhala, sidoo
kale badda iyo berriga waxaa weeyn badda.
S: Maadaama aad badda waxbadan kujirtay, sidoo kale aad aragtay dadka
kunool daafaha badda oo xeebta dega, xagga caafimaadka, yaa caafimaad badan
dadka cuna badda waxa kujira iyo dadka kunool berriga?.
J: Markii aan u kuurgalay lana shaqeeyey dadka badda ka cuna irsaaqaddooda,
waxaa ii soo baxday inay yihiin dad ka caafimaad badan dadka berriga kana
sheegasho yar xagga xanuunada, sidoo kale haddii aad ufiirsatid cudurrada
kubadan berriga sida wadna xanuunka, dhiig karka iyo sonkortuba aad ayay ugu
yaryihiin dadka badda xeebaheeda deggan, saad ogtahayba xayawaanka badda
kujira waxaa kubadan maaddooyinka laga helo feetamiinada iyo borotiinka,
kuwaasoo saacida jirka habsami ushaqayntiisa.
S: Wax manooga sheegi kartaa xiliyada bada manaafacaadkeeda ladalbo?
J: Haah waxaan orankarnaa dhamaan xiliyada kaladuwan waa ladalbikaraa
laakiin xiliyadu wayku kala haboonyihiin kaluumaysiga , 12ka bilood 3 ama 4
bilood ee xagaaga maahee intakale waxaa caadi ah helitaanka noocyada
kaladuwan ee kaluunka, inkastoo uu jiro xili asbuuceed aykacdo badu xiliga
xagaaga laftiisa waxaa jira noocyo kamida xayawaankeeda oo ladalbo, sida
libaaxbadeedka oo helitaankiisu xiligaas kawanaagsanyahay xiliyadakale,
S: Maxaakeenay in cilmiga bada iyo faa’iidadeeduba ay kuyartahay
soomaalida?.
J: Waxay ilatahay in su'aashaan jawaabteedu ubaahantahay daraasad iyo
cilmi baaris dheer iyo in daawo loohelo, hayeeshee waxaan oran karaa waxaa
sabab u ah iyadoo aan nahay dad asalkoodu ahaa reer guuraa, iyo shicibka oo
aan helin dawlad ka caawisa kuna dhiiri galisa fahamka khayraadka iyo
manaafacaadka badda, sidoo kale badaha soomaaliya waxaa lagu tilmaamaa inay
tahay badaha Africa kuwa ugu khayraadka badan, isla markaana waxaa Soomaaliya
kuyaal badda labaad ee ugu dheer Africa.
S: Waxaan in muddo ah maqalnaa QUBO & DII-DIIN, maxay kalayihiin maxaase
udhaxeeya labadaan xayawaan?.
J: farqiga udhexeeya waxaan oran karnaa midi wuxuu kunool yahay badda
midna berriga, inkastoo qubadu ay barriga kunoolaan karto muddo gaaban, midda
kale qubada oo ah tan kunool badda waxtarkeeda markaan ka hadalno, subaggeeda
iyo hilibkeeduba waxay daawo uyihiin cudurro badan oo lasoo darsa
bini'aadamka sida Neefta, dhabar xanuunka iyo lafo xanuunkaba.
S: Inta aad badda iyo axwaasheeda baaraysey, majiraan xayawaan aad
isleedahay waxay kuyaraadeen ama kanabaad guurayaan xeebaha Soomaaliya ama
aan sidii hore ugu badnayn?.
J: Runtii way jiraan, waxaana kamida aargoosatada oo ay qaldantahay qaabka
loo ugaarsado, dadku waxay qabtaan hooyada dhalaysa iyo midda dhallaanka ah,
waxaa kaloo dhib kuhaya dhamaanba xayawaanka bada soomaaliya maraakiibta sida
sharcidarada ah uga ugaarsada oo aan waxba u aabayeelayn.
S: Baddu maaddaama ay iyaduba tahay biyo, maka maarantaa roobka cirka?.
J: Maya kama maaranto ee aad bay ugu baahantahay, sida bariga iyo
xayawaanka kunooliba ay ugu baahanyihiin roobka ayey bada iyo xayawaanka ku
nooliba ugu baahanyihiin roobka la’aantiisana manoolaankaraan, markii roob ku
da'aba xayawaanka Baddu wuu tarmaa.
S: Sidee u aragtaa khasaaraha ay kuhayaan bada Soomaaliya Maraakiibta sida
tuugaysiga ah uga kalluumaysata?.
J: Waa arrin laga naxo runtii, khasaare aad ubadan bayna kuhayaan
baddeenna, iyagoo ku kalluumaysta shabaago mamnuuc ka ah bada adduun oo aad
ubaaxad weeyn ilaa meel fogna la gogli karo, sidoo kale waxay dhibaato iyo
riixid ku hayaan kalluumaysatada soomaaliyeed ee farkutiriska ah, oo rabey
inay noolaadaan, kuwaasoo aan lahayn awood ay isaga difaacaan iyo dawlad
kadhicisa midna, iyagoo qabqablayaasha waddanka kuhabsadayna qaarkood xiriiro
hoose la leeyihiin awageed.
S: Maxamed Su'aasha ugu dambaysa oo aan kuweeydiinayaa waxay tahay, nolol
ma kasuuroowda badda dusheeda iyo in ladago?.
J: Jawaabtu waa haa, sida barriga oo kale, maaddaama wixii la cuni lahaa
ay kudiyaar yihiin, sida aad ogtahayna dadyow fara badan ayaa kunoo badda
dusheeda oo intaasoo fac isku dhalay doon gudaheed, isla markaas iyagoo
kalasoo baxaya waxay cuni lahaayeen maalin kasta badda, dadkaas waxaa kamid
ah, Shiinaha, Vietnam-ka iyo quruumo kale oo ubadan kuwa kudhaqan Bariga fog.
DHAMMAAD.
Waxaa waraysiga qaaday:
Maxamed AXmed
alhudaa1@yahoo.ca
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 23, 2004
http://www.somalitalk.com/xigmad/