SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

Janaayo 22, 2004

SHAQAAQO KA ALOOSAN XUDDUUDDA SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA DHANKA DAGMADA FEER FEER EE XUDDUUDA LA LEH GOBOLKA HIIRAAN

 

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


Sida wararku sheegayaan maalintii siddeedaad ayaa waxaa uu dagaal culus kasocdaa deegaanka lagu magacaabo BUUR UKUR oo ka tirsan gobolka soomaalida dagto ee itoobiya xudduudana la leh gobolka hiiraan.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu dhacay kadib markii beesha dagan BARIGA magaalada BALADWEYNE ee caasimadda u ah gobolka hiiraan ey ku duushay deegaankaas khamiistii lasoo dhaafay dullaankaas hore oo sababay in uu ku dhinto nin ka tirsanaa dadkii daganaa deegaanka BUUR UKUR mid kalana lagu dhaawacy kadibna waxaa arintaasi ey sababtay in dad ka tirsanaa beesha bariga BALADWEYNE lagu xir xiro deegaankaas, waxaana aan lagu guuleysan ilaa hadda in laqaboojiyo xiisaddaas oo isa sii tareysay ayaa keentay in maantana ey dagaallo ka dhaceen digaanka BUUR UKUR kadib markii looga duullay dagmada BALADWEYNE saaka ilaa haddana lama haayo warar sugan oo tilmaamaya khasaaraha labada dhinac soo kala gaaray in kastoo la sheegayo iney jiraan dhaawac la keenay dagmada BALADWEYNE barigeeda.

Dhanka kale dowladda itoobiya ayaan iyada ilaa hadda waxba ka qaban dhibaatadaas soo if baxday.

ABUUKAR YAASIIN XAAJI

abuukarsom@hotmail.com

MUQDISHO

SOOMAALIYA

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 22, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD