SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK -FARIIN

Janaayo 24, 2004

Asalaamu Calaykum wr wb.

 

Fariin ku Socota Labada Caruus

Sh.C/raxman binu cali

(KSA)

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


 

Illaahay (SW) ayaa mahadleh ilaahi yidhi “Aayada illaahay waxa ka mid ah in uu nafihiina ka abuuray dumar si aad  ugu degtaan iyaga waxa aan dhexdiina ka yeelay kalgacal iyo naxariis” [Ruun-21]

Nabad gelyo iyo naxariis ha ahaato Nabigii dhaqankiisu ahaa quraanka iyo asxaabtiisi.

Guurku waa isku xidhaha sharafta badan leh ee adkeenta adag leh waxana ku dheehan waxa uu illaahay dadka nafahooga ku abuuray, sidoo kale guurka waxa laga helaa naxariis kalgacal iyo degitaan waxa kaloo uu soo dhoweeya qalbiga waxana lagu gaadha halka ugu saraysa waxyaabah fadliga badan leh, guurku noocyadiisu wey badan yihiin barakooyinkiisuna way kala duwan yihiin.

Walaalkayga muslimka ahow walaashayda muslimada ahay:- Guurku waa beerta taranka waana, ta nafuhu ku degaan, waana raaxada nolosha, waana dejiyahay qalbiga, waana wanaaga xubnaha sidoo kale waa nimco iyo raaxo waana sune illaahi ah waana asturaad sidoo kale waxa lagu helaa wanaagiisa ta ugu saraysa taas oo qofku inta uu nool yahay anfacaya iyo marka uu dhinto ka dib, guurku waa lagama maarmaan qofka bila’aadamkuna kama kaaftoomi karo sababtoo ah waa qayb ka mid ah diinta.

Nabigu (CSW) waxa uu yidhi:-Hadii uu adoonku guursado waxa uu dhamaystiray badh ka mid ah diinta, inta kale ee hadhayna illaahay kaga baqo. Waxa weriyey Axmed

Islaamku waxa uu dhiira geliyay guurka waxana uu dadka ku jeclaysiyey mawduucyo faro badan oo ku jirta kitaabka iyo sunaha taasina waa halka uu guurku kaga jiro islaamka, waxa kaloo uu guurku leeyahay faa’iidooyin faro badan qofka iyo bilshadaba waana ka walaalkayow faa’iidooyinkiisa badh ka mid ah aniga oo soo koobay.

  1. Guurku waxa uu deganaan u yahay qofka muuminka ah “Aayada illaahay waxa ka mid ah in uu nafihiina ka abuuray dumar si aad ugu degtaan dhexdiina ka yeelay kalgacal iyo naxariis” [Ruun-21] Ayadani waxa ina tusaysaa macnaha deganaasha iyo xasiloonida taasina ahaanmayso ilaa guur la helo mooyane, xidhiidhka ka dhexaynaya ninka iyo gabadha hadafkiisuna yahay guur waxa laga helayaa deganaan iyo xasiloonid nafeed, kalgacalka iyo naxariiskuna waa nimco illaahi ah oo nimco kale oo lala simi karaa ayna jirin.
  1. Guurku waa raaxo nololeed Nabigu (CSW) waxa uu yidhi:-Aduunyadu waa raaxo waxa lagu raaxaystana waxa ugu wanaagsan gabadh saalixad ah. Waxa weriyey Muslim.
  1. Guurku waa iyado laga badbaado xumaanta iyo fidnada Rasuulkii illaahay (CSW) waxa uu yidhi:-Hadii uu idiin soo geed fadhiisto qof aad raali ka tihiin diintiisa iyo dhaqankiisa u guuriya hadii aad sidaa aad samayn weydaan waxa jiri doonta fidno iyo xumaan. Waxa weriyey Tarmiidi
  1. Guurku waa waxyaabaha ugu mihiimsan ee guusha Nabigu (CSW) waxa uu yidhi:-Guusha qofku waa afar waa gabadh wanaagsan, guri balaadhan, jaar wanaagsan iyo wax aad fuushid oo wanaagsan. Waxa weriyey Ibnu Xabaan 1232,
  1. Guurku waa keydka ugu wanaagsan ee aduunyada Rasuulkii illaahay (CSW) waxa uu yidhi:-Waxa ugu wanaagsan ee ninku keydsado waa gabadha wanaagsan, marka uu eego wey farxad gelinaysaa, marka uu wax amro wey adeecaysaa, marka uu ka maqan yahayna wey u ilaalinaysaa. Waxa weriyey Axmed
  1. Guurku waa waxa ugu khayr ka badan aduunyo iyo aakhiroba Rasuulkii illaahay (CSW) waxa uu yidhi:-Afar waa khayrka aduunyada iyo aakhiro, Waa carab illaahay xusaya, Qalbi illaahay u mahadnaqaya iyo Jidh ay dhibaatadu ka xoog badatay laakiin u samraya, gabadh wanaagsan oo ku xadgudbeen nafteeda iyo maalkeeda.....Waxa weriyey Dabaraani
  1. Guurku waa asaaska raali noqoshada nolosha wanaagsan waxa uu yidhi nin ka mid ah Salafkii:-Waxa helay guusha aduunyada dadka indhahooguna ay ku xasileyn noloshooduna ay wanaagsanaatay kuna nagaaday farxad iyo raali ahaansho kaasi waa nin dhalinyara ah oo illaahay ku arsaaqay gabadh muslimad ah oo aamin ah oo dhowrsan wanaagsan  oo dhibirsan nadiif ah waxna adeecaysa hadii uu waxna ku aamino u ilaalinaysa hadii uu wax waayona ahaanaysa mid ku qanacsan hadii uu ka maqnaadana u sii ilaalineysa ey ku wanaajinayso caqligeeda diinta jaarkeedana nabad gelisa.
  1. Guurku waxa uu leeyahay faa’iidooyin faro badan geerida ka dib Rasuulkii illaahay (CSW) waxa uu yidhi:-Hadii uu dhinto ibnu aadamku camalkiisu waa uu go’aa sadex mooye, Waa sadaqo jireysa, Cilmi uu dadka ku anfacey iyo ilma saalix ah oo illaahay u soo barya. Waxa weriyey Muslim iyo bukhaari

Walaalkayga muslimka ahow, walaashayda muslimada ahay waxa korkeena ahaaday in aan illaahay (SW) aanu ugu mahad noqno nimcooyinkiisa fiican ee guurku ka mid yahay, waa in aanan wado ka dhiga wixii illaahay inaga xaaran yeelay taasi waxa ay ka soo horjeeda mahadnaqii la inaga doonayey taasina waxay xumaan iyo murugo ku tahay qalbigeena waxana ey xumeenaysaa damiirka bila-aadanka waxayna ku keenaysaa dhibaato weyn taas oo ka saareysa farxadii una celinaysa murugo, anigu waxa aan idinka waramayaa arimo ay qaataan dadka qaarkood habeenka guurka kaas oo khilaafsan sharciga illaahay kana soo horjeeda in illaahay lagu mahad noqo.

  1. Waxyaabaha la diido waxa ka mid ah ee dhaca habeenkaa farxada iyadoo ey is garab fadhiistaan ninka iyo gabadha meel dadka ka horeysa waxa uu yidhi Sh, C/casiis Binu Baas illaahay ha u naxariistee arimaha la diido ee dhaca waxa ka mid ah wakhtigeena waa iyadoo laga yeelo caruuska kuwa hor fadhiya dumar ajaanib ah oo wax is marmariyey maryona aan xidhneyn sidoo kale waxa soo xaadira inan ehelkiisa iyo gabadha ehelkooga oo rag leh, kamana qarsoona qofka caqliga saliimka ah leh una damqanaya diintiisa waxa ku jira xumaanta weyn waxana suura gal u noqonaya raga halkaa jooga in ay arkaan haweenka fidnooyinka ah ee cawradoodu muuqato halkaana waxa ka dhalanaya ciqaab xun waxana waajib ah in la diido wixii dhaqankan oo kale ahna laga takhaluuso iyadoo laga hor tagaya fidno bulshada ku dhex dhacda sidoo kalena waxa uu khilaafsan yahay sharciga illaahay, anigu waxa aan kula talinayaa walaalahayga musliminta ah oo dhan in ay illaahay ka cabsadaan in ay sharciga islaamka dhinaca kasta oo nolosha ka mid ah ay ka qaatan kana digtoonadan wax kasta oo illaahay iniga xaaratimeyey kana dheeradaan wax kasta oo keenaya sharka iyo xumaanta habeenka caruuska iyado illaahay la raali gelinayo lagana dheeranayo cadha illaahay iyo ciqaabtiisa. Mawduucana waxa laga soo qorey kitaabka dacwada ee fatawadka sheekha.
  1. Wax yaaba xumaanta ah waxa ka mid ah ee dhaca habeenka farxada leh in ay tagto gabadhu meel lagu qurxiyo sida koofeerka si ay jidhkooga ey u jilciyaan, meelahaa dumarka lagu qurxiyo oo ka dhiga gabadha kuwa eega meela aan banaaneyn ninkeeda mooyane.
  1. Waxa dhaca hebeenka xumaano kale sida iyadoo la tumo muusig iyadoo la keeno niman kaban garaacayaal ah iyo rag iyo dumar heesa, heesahaas oo ey maqlayaan rag ajaanib ahi heesahaas oo ay ku jiraan kalmado xumaani ka buuxdo sidoo kale heesahaasi waxa ay wataan qoob ka ciyaar ee dumarku lulayaan dabada iyagoo u jaasaya sida reer galbaadka ama reer bariga dhaqankaasina waxa uu noqonayaa mid waydaarsan sharciga illaahay, guurka illaahay baneeyey sidaa maaha ama sida ay dadka qaarkood ey sawirtaan waxa weeye asturnaan iyo dhowrsanaan oo meeshana ay ka maqnaadaan kalmadaha xumaanta keena iyo musiga, laakiin waxa la tumi karaa durbaanka meel ey haweenka oo kaliya ay joogaan laakiin aneyn ragu maqleyn, Jaaska ama qobka ciyaarka miyaa.. lagu hor ciyaaro dumarka hortiisa culumadu waxa ay ka yidhaadeen kalmado faro badan waxana aan ka soo qaadan doona Maxamed Saalax Cusaymiin Illaahay ha u naxariistee waxa uu yidhi:- Asal ahaan jaasku waa wax la diidey laakiin hadii uu yahay mid ku socda wadada reer galbeedka anba uu yahay dhaqanka gaalo waxa uu noqonayaa xaaran inagoo daliilsanayna hadalkii Nabiga (CSW) :-Qofka qom isku eekeysiiya waxa uu ka mid yahay iyaga, mararka qaarkood waxa laga helaa dhibaato hadii ey gabadh si aad u qurux badan qoob ka ciyaar ku samayso waxa ay raadeen ku samaynaysa haweenka kale ee ag fadhiya masaladanina waa tu furan.
  1. Waxa kaloo ka mid ah habeenka farxada xumaanta dhacda iyado la is sawiro, Ala badanaa masiibooyinka socda habeenkaa ee uu keenayo sawirku, waxa la sawirayaa habeenkaa gabadha aad isku qurxisay taas oo ey daawanayaan dad ajaanib ah, qofkii ajaanib ah ee rag ah ee daawadana taasi waa ku xaaran.
  1. Waxa kaloo oo dhaca habeenkaa in uu aroosku wakhtigiisu noqdo wakhti danbe oo habeenkii ah arinka halkaa ka dhalanayaana uu noqdo in ay dadku ku dhaafto salaada subaxa sababtoo ah dib u dhac uu habeenkii dib u dhacay, dadka salaadoodu dib uga dhacdana illaahay waxa uu siiyey balan adag iyo ciqaab illaahayna (SW) isagoo la hadlaya kuwa caqliga leh wax  uu yidhi “Waxa hoogey dadka tukanaya (4) waa kuwa salaadooda dib uga dhaca” [Suuratul-maacun-4-5] Waxa uu yidhi Masxuuq Ilaahay ha u naxariistee:- Masameeyaan salaadooda wakhtiyadii loogu tala gelay, salaada oo dib loo dhigaa waa gaf xun qofkana ma anfaceyso in uu murugooda marka uu illaahay hor istaago.
  1. Xumaanta habeenka farxada waxa dhaca waxa ka mid ah dumarka oo soo baxa iyagoo gacmahooga ka soo buuxiyeen dahab IWM, waxana ay soo xidhaan dhar khafiif ah iyagoo soo marsaday cadar raguna arkayaan eegayaana marka ay arooska dhex joogan, hadaba walaalahayga guursadow waxa aan ku sheegayaa habeenka ugu horeysa ee ku soo gaadho awridaadu in aad gacantaada madaxeeda aad saartid oo aad akhridid ducadan:-Illaahay waxa aan ku weydiisanayaa wanaageeda iyo khayrka ku dhex qarsoon illaahayow waxa aan kaa magan gelayaa sharka ku dhex qarsoon.

Ugu denbeyntii illaahay waxa inoo weydiinayaa in uu noqdo guurkeenu mid islaami ah oo guul iyo barako leh noqdana kuwa illaahay kala siiyo ubad muuminiin ah sidoo kalena uu noqdo dhisid guri muslimiin laguna dhisay daacada illaahay iyo kalgacalka Rasuulka.

Hadalkeenana waxa ugu denbeyn doona Illaahay ayaa mahadleh illaahi koonkan isla ka lahaa

Waxa si wada jir ah u diyaariyey

C/fataax Xasan Aadan
Siciid Cumar Yuusuf
Axmed Ismacil Xasan

Email: cabdifataax_96@hotmail.com

Hargeysa

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 24, 2004 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD