SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN

Janaayo 25, 2004  

Sweden oo ka furmaya shirweyne caalami ah oo loogaga hadlayo tacadiyada iyo dilalka loo geysto dadka rayidka ah

Ikraam Cali-kaar
Ikraam@journalist.com

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


Maalinta berito ah haddii Alla idmo ayaa waxaa lugu wadaa in magaalada Stockholm ee dalkan Sweden uu ka furmo shirweyne caalami ah oo socon doono muddo sadex maalmood ah.
Shirkan ayaa looga hadlayaa sida ugu haboon ee ay ku suuragaleyso in la joojiyo dilalka iyo tacadiyada loo geysto bani'aadamka islamarkaasina la duudsiiyo xaquuqdooda.

Xoghaya guud ee Qaramada Midoobey Koofi Canaan oo maanta oo axad ah soo gaaray magaalada Stockholm ayaa shirkan xaflada furitaanka hadli doono. Koofi Canaan ayaa markii uu ka soo degay gegeda diyaaradaha magaalada Stockholm la kulmay ra'iisal wasaaraha dalkan Sweden Göran Persson oo si rasmi ah maalinta berito ah furi doonaa shirkaasi. Göran Persson iyo Koofi Canaan ayaa nasasho yar kadib waxey u dhaqaaqeen xaruntii ay shirka jaraa'id ku qabanayeen waxaana ay halkaasi warfidiyeenada u sheegeen in shirkani yahay mid muhiimad u leh dalalka dunida ee ka qebygalaya shirkan si mowqif mideysan looga qaadato dhibaatooyinka loo geysto dadka rayidka ah.


"Haddii aad i weydiisay iney jirto xoogaa hormar ay dunida ka sameysay si looga hortago dilalka iyo tacadiyada aadanaha islamarkaasina aan wax uga qabanay iyo natiijada kasoo baxdayba waxaan qabaa inaan ku siin jarin jawaab sax ah, hase ahaatee taasi macnaheeda maahan inaan raali ka nahay in bani'aadamka la waxyeeleeyo" ayuu yiri Koofi Canaan oo ka jawaabayey su'aal aheyd mustaqbalka malugu camal jiraa in la joojiyo dilalka loo geysto aadanaha. Shirkan lugu wado inuu berito si habsi ugu furmo magaalada Stockholm ayaa durba waxaa soo xaadiray qaar kamid ah madaxdii iyo wasiiradii lugu casuumay shirkaasi oo kamid yihiin wasiirka Arimaha dibada Ghana, madaxweyneihii hore ee Filand erygeygii Qaramada Midoobey ee hubkii Ciraaq Hans Blix iyo ergeygii iyadana u qaabilsaneyd gobolka Kosovo ee Albeeniya. Sidoo kale waxaa lugu wadaa inuu isna halkaasi ka hadlo xoghayaha arimaha dibada Javier Solana.

Guud ahaan amaanka magaalada Stockholm ayaa aad loo adkeeyey, uga yaraan 1500 oo askari ayaa la howl galiyey si haddii ay rabshado dhacaan uga hortagaan iyadoo la ogsoon yahay in shir noocan oo kale ah la filayo iney hareeyaan rabshado.

Dhinaca kale danjiraha Israa'iil u fadhiya dalkan Sweden Zvi Mazel, ayaa isagu ka muujin wax cudur daar ah sawir ay ku sawirneyd gabar Falastiiniyad ah oo la sheegay iney miino ay korkeeda ku xirtay ku dishay dad yahuud ah Magaalada Qasa ee dhulka Falastiin ay Yahuudu heysato. Sawirkaasoo uu danjiraha inta ku arkay madxaf ku yaala magaalada Stockholm uu si ula kac ah u bur buriyey. Si kastaba arintu ahaatee danjiraha ayaa ku tilmaamay talaabada uu qaaday mid uu ku qanacsan yahay islamarkaasina ay ku habooneyd inuu bur buriyo wax uu ku tilmaamay "astaan lid ku ah Yahuuda" Aaad baan uga xumahay in reer galbeedka waxa Israa'iil ay sheegto laga runsan warfaafinta galbeedkana ay aad u buun buuniso wararka falastiiniyiinta" ayuu yiri Zvi Mazel oo u waramayey mid kamid ah wargeysyada ugu afka dheer ee dalkan, dhinacna ka muujinaya sida maanta adduunka ugu soo kordheyso naceybka loo hayo dadka yahuuda ah laga soo bilaamo markii Hitler-kii naasiga ahaa uu gumaadka daran u geystay ilaa waqtigan xaadirka ah ay adduunyadu hareeyeen dagaal la sheegay in lugula jirro waxa loogu yeeray argagaxisada.

Isku soo wada duuboo maalinta isniinta ah waa beritee haddii Alla idmi ayaa magaalada Stockholm ee caasimada Sweden ka furmayaa shirweyne caalami ah oo loogaga hadlayo sidii ay dunida ula diriri lahey tacdiyada iyo dilalka loo geysto dadka rayidka ah, taasoo durba shirkan Israa'iil u aragto mid si toos ah loogu cambaareyn doono xasuuqa aan geed ku gabashada laheyn ee ay kawado goobaha falastiiniyiinta ee ay heysato.

Waxaa diyaarisay;
Ikraam Cali-kaar
Ikraam@journalist.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 26, 2004
<><><>

XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD