Janaayo 27, 2004
Fursaddani Yaanay Ku Dhaaafin
Umad kastaba waxa ay leedahay maalmo ay xusuusato
islamrkaana ay wayneeyaan. Dadka Muslimiinta ahina waxa ay maalmahan ku gudda
jiraan bilowgii bisha Dhul Hijjah oo ka midda bilaha xurmada wayn ku leh
Muslimiinta agtooda. Tobanka cisho ee bishan ugu horeeyaa waa maalmaha ugu
qiimaha iyo fadliga badan Ilaahay agtiisa. Waxaa uu soo wariyay asxaabiga la
yidhaa Ibnu-cabaas (Ilaahay ha ka raali noqdee) in uu Nabigeenu (Calyhi
Salaatu Wa Salaame) uu sheegay in maalmahani ay yihiin maalmaha Ilaahay
agtiisa cibaadada loogu jeclyahay. Waxaa tobonkan cisho ee bishan ugu horeeya
ka midda maalinta Carafa oo ah maalinta ugu qiimaha badan Xajka. Waa maalinta
uu Ilaahay adoomihiisa gudanaya fariidada xajka danbigooda dhaafo. Sidaa
daraadeed waxa ay maalmahani inaga muddan yihiin ixtiraam iyo in aan ka
faa段daysano. Qormadan gaaban waxaan idinkula wadaagi sidii aynu uga
faa段daysan lahayn inta ka hadhay maalmahan barakaysan ee Dhul Hijja.
Ilaahay aan u soo soo noqono
Fursaddan khayrka leh inaga oo ka faa段daysanayana aan
Ilaahay u soo noqono. Macaasidu waxa ay soo dadajisaa burburka qofka iyo
umadaha ee si Ilaahay nolosheena u barakeeyo aynu u toobad keeno Ilaahay.
Qofkasta oo inaga middi walaalayaal wuu khaldamaa laakiin kuwa khaladma waxa
ugu khayr badan kuwa soo laabta, ee aan Alle u soo laabano. Xajka waa fursad
uu qofka xajinayaa danbiyadiisa ku soo maydho, laakiin kuweena aan Ilaahay u
qadarin in ay fursad u helaan in ay gutaan fariidadan xajka sanadkan aynu
inakuna inaka oo barakada maalmahan ka faa段daysano aynu toobada badsano si
uu Alle inoo cafiyo.
Ha la is Cafiyo
Waxaa soo aroortay in Nabigeenu (Calyhi Salaatu Wa Salaam)
uu sheegay in Ilaahay loo soo bandhigo cibaadada adoomahiisa maalmaha
Isniinta iyo Khamiista. Alle qof kasataba cibaadadiisa wuu eegaa waanu abaal
mariyaa adoomihiisa wanaaga sameeyay laakiin labada qof ee dhibi dhex taal
camalkooda ajar loogama qoro ilaa ay is cafiyaan. Hadii aynu Musliim nahay
waxaa la inagu ibtileeyay khilaaf iyo is nacayb. Soomaali hadaynu nahayna
khilaafka iyo is nacaybku waxa ay noqodeen sifooyinka la inagu aqoonsado.
Waxaa dhab ah in umad is khilaafsani aanay mutaysanayn naxariista Ilaahay.
Sidaa daraadeed walaalayaal inagoo fursadan qaaliga ah ka faa段daysanayna
aynu is cafino. Dadka dhibi waa ay kala gaadhaa laakiin waa ay ka socdaan
waana ay is cafiyaan. Nabi Yusuf walaalihiisii ceelka ku tuuray ee doonayay
in ay khaarajiyaan markii uu ka awood batay uu cafiyay markaas ayuu waliba
dawladii uu ka talinayay ku soo dhaweeyay. Wadadaaa nabi Yusuf ayuu
Nabigeenii Maxamed (Calyhi Salaatu Wa Salaam ) ayuu maray markii uu
Qabiilkiisii isku dayay in ay dilaaan, ee soo erayay uu a adkaaday ee uu
dabadeena wada cafiyay. Aynu tusaale ka dhigano Nabiyadaa Ilaahay. Qofkii
raba in camalkiisa la aqbaloow qof kale qalbiga wax ugu hayn.
Soomka Maalinta Carafa
Sunnada Nabigeena ayay ahayd in uu soomi jiray sagaalka
maalmood ee ugu horeeya bishan. Waxa kale oo nabigeena ka sugnaatay in uu
sheegay in Soomka maalinta carafa lagu dhaafo danbigii laba sano.Waxa kale oo
soo aroortay in soomka maalintani uu u dhigmo sanad soomkii. Ruwaayad kalena
waxaa ay sheegaysaa in uu u dhigmo soomka labo sanadood. Sidaa daraadeed aan
ku dadaalo soomka maalmahan. Ugu yaraan yaanay ina dhafin Soomka maalinta
carafa oo Sanadkan ku beegan maalinta Sabtida ee ay bishan aynu ku jirnaa ay
tahay kow iyo sodonka (31/01/2004)
Ducada Ha la Badsado
Ducadu waa cibaadooyinka uu Alle jecelyahay sidaa
daraadeed ha la badsado ducada maalmahan. Nafteena, ehelkeena iyo umadeenaba
aynu ugu ducayno in uu khayrka ina waafajiyo.
Masaakiinta Iyo Kuwa Dhiban Ha la Caawiyo
Sunada waxa ka midda in uu qofkii awood lihi uu wax
gawraco masaakiintana u qaybiyo. Sidaa daraadeed qoflkii awood u leh waa in
uu sunnadan soo Nooleeyo .
Gabagabdii waxaan akhristaha sharafta leh iyo naftaydaba u
rajaynayaa in uu Alle xaqa ina waafajiyo inaga dhigo kuwuu u soo laabta kuna
toosa dariiqiisa. Ha inaga dhigo kuwii ka faa段daysta maalmahan sharafta leh.
Ilaahay camalkiina iyo kaygaba ha aqbalo. Waxaanan idiinku hambalyaynayaa
munaasabadan Xajka iyo ciida Carafaba.
Halkan ka
eeg Buurta Carafa....
Mahadsanidin
Siciid Cali Axmed
Saidahmed67@aol.com
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 27, 2004
QORAALADII HORE EE SACIID CALI
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|