SOMALI REPUBLIC
GOLAHA Wadatashiga Soomaaliyeed | SOMALI Consultative Council
G/W/S/002/04 London, 26/01/2004
Ujeedo:- Shirka Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Nairobi, Kenya.
Ku:- Madaxda ka qeyb galeysa Shirka dib-u-heshiinta Soomaalida.
Og: Urur gobaleedka IGAD
Og:- Beesha Caalamka
Ma dooneyno in aan dib ugu noqono taariikhda madow ee aad horseedka ugu
noqoteen dadka iyo dalka Soomaaliyeed, haddii aad tihiin madaxda iyo
hogaamiyayaasha siyaasadda Soomaaliya.
Nasiibdarro weli waxay maanta shacabka Soomaaliyeed ku sugan yihiin wixii
ay ka dhaxleen dagaaladii qaraaraa ee dhiiga faraha badani ku daateen welina
sii soconaya, Abaarihii ba'naa ee waxyeelada ba'ani u geystay wax soo saarkii
dalaga beeraha, Nidaamka iyo kala dambeeyntii oo samada lagu laalay, Fowdo,
Dil Dhac, Afduub lala beegsaday xubno aan waxba galabsan, Boob lagu hayo
wixii ka haray hantidii Qaranku lahaa Qeyraadkii badda, Xoolihii Dhedigga
ahaa iyo Duurjoogtii, Geed miroodkii beeraha sida Cambaha oo inta la
dhuxuleeyo loo dhoofiyo wadamada Khaliijka, wixii ka haray wax soo saarka
sunta warshadaha oo lagu aaso Soomaaliya.
Hadaba waxay noola muuqatay in aan idiin soo gudbino qoraalkan haddii aad
tihiin madaxda iyo hogaamiyayaasha siyaasadda saldhig la'aanta noqotay ee
Soomaaliya, Aabayaashii halaaga heysta Soomaaliya, Horseedayaashii sharaf
la'aanta iyo dhaga xumida shacbigeenu la dhex wareegayaan shucuubta dunida.
Waxaan fileynaa in guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed maanta ka dheregsan
yihiin waxa idiin diiday in aad gaartaan heshiis, taas oo aan fileyno in ay
tahay cabsida aad ka qabtaan dhalasho qaran Soomaaliyeed ka dib in la idinku
soo oogo godobtii iyo dhagarihii aad ka gasheen dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Intaas ka dib waxaan idiin soo direynaa salaan diiran, salaan ka dib
waxaan idiinkugu baaqeynaa:-
Madaxda iyo Hogaamiyayaasha Soomaalida
1- In aad si kama dambeys ah u soo af jartaan khilaafka na dhaxalsiiyay
qarannimo la'aanta daba dheeraatay ee aad weli dooneysaan in aad horseed ugu
sii ahaataan dalka.
2- In aad ka garaadsateen, isla markaana la soo gaaray waqtigii aad uga
garaabi laheydeen shacbigiina dhibaatada aad horseedka ugu noqoteen.
3- In aad garwaaqsateen sidii xal kama dambeys ah loogu heli lahaa dalka
iyo dadka, loona dhameyn lahaa naceybka aad ku kala qoqobteen Soomaalida
dhexdeeda.
4- In heshiisyada la gaaro noqdaan kuwo sidii loo galay loo fuliyo, haddii
ay daacad idiinka tahay in Soomaaliya nabadoowdo.
5- In aad Ilaahay dartiis aad dadkiina aad horseed ugu noqotaan Caddaalad
iyo sinaan taas oo aan fileyno in kama dambeystii dadku wada deeqi doonto.
Guud ahaan Shacbiga Soomaaliyeed
Waxaan hubnaa ka dib dhowr iyo tobon sanadood oo dagaalo idiin
dhexmarayeen in aad garateen in kama dambeystii dagaalladu aaney xal u aheyn
dhibaatooyinkii idiin dhexyiil sidaas darteed waxaan idiin kula talineynaa:-
1- In si wadajir ah looga hortago dagaallada aan wax macno ah sameyneyn
marka laga reebo in lagu waayo wixii aad markii hore heysateen sida dadka iyo
deeqaha idiinka kaga haray dagaallada sokeeye.
2- In khilaafaadyada sababa gacan ka hadalka la joojiyo, wixii dhibaato ah
ee jirana lagu xalliyo walaalnimo iyo qaab nabadeed.
3- In guud ahaan la taageero nabadda laguna dadaalo is faham dhex mara
qeybaha uu khilaafku ka dhaxeeyo taas oo aan rajeyneyno in ay wax ka badali
doonto dhaqamadii foosha xumaa ee laga dhaxlay dagaalada sokeeye.
4- In si buuxda loo taageero dadaalada nabadda ee guud ahaan ka soconaya
dalka Soomaaliya, sida dadaalka nabadeed ee qeybo ka tirsan bulshada ay
horseedka ka yihiin, waxaa xusid mudan Abwaan Max'ed
Ibrahim Warsame "Hadraawi" sida ay dhab uga tahay in nabad loo
helo dalkiisa iyo dadkiisa Soomaaliyeed.
5- In shacbi ahaan aad banaanka ugu soo baxdaan idinka oo taageeraya nabad
kama dambeys ah oo ka dhacda dalka isla markaana ka hirgasha guud ahaan
dunida aynu ku nool nahay.
Beesha Caalamka
Intii ay socotay dhibaatada Soomaaliya waxaan ogsoon nahay in aan bulshada
caalamka aysan shacbiga Sooamaaliyeed ka helin gacan wax ku ool ah oo la
taaban karo, marka laga reebo is eedeed na gaarsiiyay halka aan maanta taagan
nahay, sidaas darteed waxaan International Community-ga ugu baaqeynaa:-
1- In ay si buuxda u taageeraan shacbiga Soomaaliyeed.
2- In ay si buuxda uga qeyb qaataan dib u dhiska qarankii Soomaaliyeed ee
burburay.
3- In ay gacan ka geystaan sidii loo soo celin lahaa sharcigii iyo kala
dambeyntii la waayay, hubkana looga dhigi lahaa maxeysatada uu gacanta u
galay.
4- In kooxdii is hortaagta dib u heshiisiinta la doonayo in la gaaro laga
qaado talaabo dhab ah, tusaalana u noqota kooxaha kale ee ka jira dalka.
5- In aad dhexdhexaad ka noqotaan dhamaan khilaafyada u dhexeeya
Soomaalida, isla markaana si wadajir u baadi goobtaan sidii xal kama dambeys
ah loogu heli lahaa.
Wabillaahi Towfiiq
Nabad, Caddaalad iyo Midnimo.
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibedda ahna
Wakiilka Golaha wadatashiga Soomaaliyeed
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
xildhiban@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 27, 2004
QORAALADII HORE EE SACIID CALI
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com