Tan iyo markii ay bur burtay dawladdi dhexe ee Somaliya 1991, waxa laga
hirgeliyey puntland waxbarasho xor ah taas ay gacanta ku hayaan dhalinyaro
aqoon yahanno ah oo isu xilqaamay iyagoo aan cidna ka sugayn taageero ilaah
mooyee, ragaas naftooda hurayaal ah waxay ku guuleysteen in ay furan iskuulo
hoose/dhexe iyo kuwo sareba.
Iskuuladda Al-nawawi,Shaafici, Xaaji Mire,Biyo Kulule oo dhamaantood
kawada furan Boosaso ayaa ku guuleystay inay wax baraan kumayaal ardada reer
Boosaso ah ee ay waxbarasho la'aantu haysay, sidaas si la mid Machadka Al-azhar,
Muntada Al islaami, Sheikh Osman, Al-mustaqbal al Nawawi faraca Qardhood ayaa
waxbarasho tayo leh ka haqab tiray ardayda reer Qardho, dhamaan degmooyinka
kale ee Puntland ayaa waxa ka furay iskoolo hoose/dhexe sare iyagoo ka haqab
tiray dhanka waxbarashadda.
Shacab waynaha reer puntland ayaa ku qanacsan sida hagar la'aanta ah ee
maamulayaasha iyo macalimiintu u dadaalayaan iyagoo mar walba u taagan sare u
qaadida iyo casriyeenta waxbarashadda Puntland.
Iskuulka Al-azhar ee Qardho ayaa ardayda ka baxdaayi si toos ah u aadaan
dalka Masar tacliinta Sare, waxaa ilaa hadda helay deeq waxbarasho tiro ka
mid ah ardaydii dhameysatay dugsiga sare.
Iskuuladda Nawawi iyo Shaafici ayey ardayda ka soo baxdaayi waxay
waxbarasho u aadan wadanka dibadiisa sida wadanka Sudan, Masar, Yemen,
Hindiya, Pakistan iyo meelo kale waxaa intaas dheer Machadyo tiro badan oo
lagu barto Computer-ada culuumtiisa kala duwan, iyo machadyo caafimaad iyo
kuwo farsamaba.
Sanadkii 1999 aqoonyahano reer puntland ah ayaa markii ugu horeysey ka as-aasay
magaalada Boosaso jaamacad loogu magac daray Jamacadda Bariga Africa, waxay
ku guuleysteen aqoon-yahanadaasi in ay u helaan jamacadda Macalimiin, Manhaj
iyo Dhisme, Jamacadda Bariga Africa oo ah iftiinka aqoonta Puntland iyo
Geeska Afrikaba oo dhan aya waxaa wax ku barta boqolaal arday, sanadkan aan
hada ku jirno ee 2003/2004 waxaa qalin jebinaya arday tiradoodu kor u
dhaafayso sideetan arday, waxaa dareemi kartaa horumarka wayne ay jamacaddu
samaysey sanadihii yaraa ee ay jirtay, waxay ka kooban tahay jaamacaddu sadex
kuliyadood kuwasoo kala ah Dhaqaalaha, Shareecadda Islamka iyo Computers
Science waxa la filayaa in lagu kordhiyo sanadkan kulliyada Macalimiinta iyo
Kuliyadda Caafimaadka, waxaan u rajaynayaa guul raga xilli walba u taagan
horumarinta waxbarashada Puntland iyo soomaali waynba, jamacaddu waxay xiriir
la leedahay jamacaddo kale oo ka jira somaliya sida Jamacada Muqdisho,
jamacada Hargeysa, iyo Jamacada Boorame, sidoo kale jamacaddu waxay xiriir
wanagsan la leedahay jamacadaha carabta iyo kuwa dunida islaamka.
Waxaa gacan ka siiiya dhanka manhajka iyo tababaradda macalimiinta jamacad
ku taal Dalka Australia, Jamacaddu waxay wafdi u dirtay shirarna ku qabatay
hoolka shirarka ee Jamacadda Minnesota ee dalka Maraykan, iyagoo halkaas kula
kulmay wafdigii Jamacadda Bariga Africa jaaliyadda soomaliyeed ee waqooyiga
ameerika kana wada hadlay sidii loo horumarin lahaa jamacadda loona caawini
lahaa.
Macalimiinta wax ka dhigta ayaa ka so shaqeeyey jamacaddii umadda ee
Soomaliya iyo wadamo kale, maamulka jamacadu markasa wuxuu u taagan yahay
horumarinta Jaamacadda iyo as-aasida kulliyaddo cusub, waxaan u rajaynaynaa
Guul dhamaan ciddii ku hawlan waxbarashada iyo horumarinta umadda soomaliyeed.
Sharma'arke Abdi Risaq Elmi
Gudoomiyaha Ururka Ardayda Puntland ee Qaahira, Masar
Cairo,Egypt
shsugulle@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 28, 2004