| w w w . s o m a l i t a l k . c o m
|
|
SOMALITALK
- BAAQ
|
Janaayo 28, 2004
SOFIHA SWEDISH NGO – BOSASO – SOMALIA
Date:27/01/2004
Ujeeddo: Baaq Codsi sii deyn Boqor Cismaan Maxamuud Buur Madow
Hay’adda SOFIHA ee Swedhishka ah ee ka shaqaysa Nabadda , waxay Baaq Codsi ah
u diraysa Maamulka Somaliland ka dib markii Ciidamadda Booliska ee Somaliland
Xabsiga u taxaabeen Boqor Cismaan Maxamud Buur Madow.
Anagoo qirayna kaalinta Nabaddoonnimo ee Boqorka oo ah Nin ka mid ah
Hogaamiye Dhaqameedka iyo Duubabka Ummada Soomaliyeed , ahna Boqor ku
caanbaxay Nabad raadinta iyo xallinta khilaafaadka Ummadda Soomaaliyeed.
Waxaan shaki ku jirin kaalintii uu Boqorku ka qaatay heshiisiintii iyo
dhexdhexaadintii Puntland , isagoo ku guulaystay in SOFIHA shahaado sharaf
Gudoonsiisay ka dib markii uu Nabaddii taariikhiga ahayd ee Puntland wax
kasoo hooyey.
Anagoo tixgelinayna Xoriyaadka iyo Madaxbannaanida gaarahaaneed ee Qofkasta
oo Bini aadam ah leeyahay .
Anagoo eegayna dhawrista iyo ku xadgudub la’aanta Isimmadda ,diidaynana
meelkaga dhaca sharafta Isimmada iyo Duubabka Soomaliyeed .
Anagoo Ogsoon hawsha Boqorku ka waday Hargaysa waqtiga la xiray oo uu ku
hawshaysnaa Nabadayn ,xiisad demin , iyo dhexdhexaadin Labada Maamul ee
Puntland iyo Somaliland .
Hadaba waxaan ka Codsanaynaa Maamulka Somaliland Anagoo ku hadlayna Magaca
Samo falayaasha iyo Hay’adaha Nabadda ee ku hawlan Nabadda Ummadda
Soomaliyeed in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah lagu sii daayo Boqorka
Nabadoonka ah Boqor Cismaan Maxamuud Buur Madow ee aan Mutaysan in nabad
raadintiisa xarig loogu bedelo .
Gudoomiyaha SOFIHA
C/raxmaan Yuusuf Budul
Cawaale Jaamac
Garoowe-Soomaaliya
jamnaf87@hotmail.com
Qoraaladii Hore ee Cawaale Jaamac
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 28, 2004
QORAALADII HORE EE SHARMARKE
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|
©
www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
|
|
>>
Usheeg Asxaabtaada
|
|
|