Janaayo 29, 2004
Faallo: Shirweynaha Caalamiga ee Xasuuqa
Dadka rayadka ah
( Maxay
tahay sababta looga casuumin wadamada muslimka ah?)
Ilyas Mohamud Hussein
Ilyas_mh@hotmail.com
Waxa magaalada stockholm ee dalka Sweden ka
furmey isniintii la soo dhaafey shir weyne caalami ah oo looga hadlayey
xasuuqa loo geysto bulsho rayid ah sida ay inooga warbixisey Ikraam
cali,aniga waxaan rabaa in qoraalkan kaga faaloodo arimo dhowr ah oo shirkan
qusaysa ayna haboon tahay in uu fahmo qof walba oo Soomaali ah si uu ulla
socdo marxalada siyaasadeed oo dunida maanta ay ku sugan tahay.Qoraalkan
waxaan rabaa in aan isku deyo in aan ka jawaabo su´aalahan soo socda
- 1- Yaa ka
danbeeyay ama ka timid fikirka ah in shirkan la qabto?
- 2- Hadafka
laga lahaa muxuu ahaa?
- 3- Maxaase ka
soo baxay ?
Inta aan su´aalahan aan ka jawaabin ayaan
waxaan rabi lahaa in aan akhristayaasha la socodsiiyo cida shirka lagu
casuumey iyo cida aan laga casuumin.Waxaa shirka lagu casuumey wafdi ka
socdey ku dhawaad 50 dal iyo tobaneeyo madaxweynayaal iyo ra`isalwasaarayaal
oo intooda badan ka socdeen wadamada yurubta bari ,isra`il , iyo afrika oo
laga casuumey madaxweynaha Rwanda waxaa kaloo martiqaad loo fidiyey
madaxweynaha Eastimor, waxaa ka loo laga casumey dad kale oo1000 qofood ku
dhawaa , isuguna jirey siyaasiyiin , diblomasiyiin , aqoonyahano iyo hey,ado
ama ururo madaxbanaan oo u dooda xaquuqda bani`aadanka .Waxaase shirka aan
laga casuumin maamulka Falastiin, madaxda ama dad matalaya shacabka Sheshaan
oo sida aad la socotaan Ruushka si aad ah u gumaado iyo Kurdida oo
xaquuqdooda lagu tunto wadamo badan oo Bariga dhaxe ka tirsan sidaTurkiya.
Waxaase la casuumey wadamadii gumaadka iyo tacadiga u geysta dadka rayidka ah
sida Israìil ,Ruushka iyo Turkiya,waxaa kaloo meesha laga casuumin oo ka
maqnaa wadamada carabta iyo dunida muslimka inteeda kale. Hadaba maxay
arintaas ku dhacdey madaamaa shirku uu ahaa shir caalami ah sida magaca
shirka ku xusnaa (International Forum 2004-Preveting Genocide)?. Sababta ay
arintan ku dhacdey waxaad ka fahmi doontaan jawaabta aan ka bixiyo sedexda
su`aalood oo aan kor ku soo xusay.
Yaa ka danbeeyey ama ay katimid fikrada ah in shirkan noocan ah la
qabto?
Sida ay qortey wargeyska maalinlaha ah ee ka
soo baxa wadanka Sweden (dagens Nyheter) ,fikrada in shir noocan ah la qabto
waxaa ka danbeeyey nin Yahuudi ah oo professor ah oo si aad ah ugu takhasusey
dhibaatooyinkii iyo xasuuqii loo geestey yahuuda dagaalkii labaad ee aduunka
ninkaas oo magaciisa la yiraahaahdo professor Yahuda Bauer. Ninkan oo ku
dooda in halista ugu weyn ee dadka yahuuda soo food saartey qarnigan uu yahay
muslimiinta khaas ahaan kuwa asal raaca ah. Dowlada Sweden markey ogolaatey
fikradan iyo in wadankeeda lagu qabto shirkan ayaa waxaa dhacdey in ay
casuunto dowlado badan oo ay ka mid tahay dowlada Isra,il.
Dowlada Israìl sharuud ayey ku xirtey ka soo
qayb galkeeda sharuudaas oo ah in shirka aan looga doodin arimo quseeya
Bariga dhaxe.Waxa ay u diideen in arimahaas laga hadlo wey iska cadahay oo
hadii arintaa laga doodo iyaga ayaa ku soo bixi lahaa eedeysanayaal. Marka ma
ogolaan karaan, sababtoo ah yahuuda waa in iyaga ay noqdaan mar walba dadka
la dulmiyo oo dhibaateysan ,caalamkana khaas ahaan kan reer galbeedkana waa
in ay ka dhaadhiciyaan qadiyadaas .
waxaa nasiib xumo noqotey in dowlada Sweden
ay ka ogolaatey dowladada Isra`il codsigii uga yimid.Sidaa darteed shirka
laguma casuumin wafdi ka socda Falastiiniyiinta,waxayna dowlada Sweden
garatey in Sheeshaan iyo Kurdida arimahoodana laga hadlin laguna casuumin
wafdi dadkaa ka socda si loo qanciyo wadamada Ruushka iyo Turkida oo dowlada
Sweden xiriir dhow la leh.Arimahan ayaa waxey shirka ka dhigeen mid
qiimihiisa hoos u dhigta, madaama loo ogolaadey in shirka ka hadlaan
wadamadii xasuuqa geysanayey isla markaana loo diido in ay ka soo qayb galaan
shirka ummadaha dhibaatada iyo xasuuqa lagu hayo.
Hadafka laga lahaa muxuu ahaa?
Ujeedadada shirka laga lahaa sida dowlada
Sweden sheegeen wuxuu ahaa in dunida la xasuusiyo xasuuqyadii dunida ka
dhacey si looga hortago in kuwo kale aaney u dhicin mustaqbalka islamarkaana
ay ka soo baxan xeerar iyo sharciyo cusub kuwaasoo lagu kordhinayo xeerarkii
iyo sharciyadii qaramada midoowey ee soo baxay 9 disember 1948 ku waaso la
dhaqan geliyey 1951 oo ay saxiixeen 130 wadan inkastoo sharciyadaas aan noqon
kuwo wax ku ool madaama 1951 kadib ummado badan lagu xasuuqay dunida oo
welina ay sii socoto xasuuqii.Hase ahaate shirkan dad kale ayaa ka lahaa
ujeedo kale, gaar ahaan aqoon yahano iyo siyaasiyiin yuhuud ah oo rabey in
caalamka qaas ahaan kuwa reer galbeedka u soo bandhigaan muuqaal ah in
yahuuda tahay ummad hore loo dulmey islamarkaana hada ku soo food leh naceyb
iyo dulmi hor leh oo kaga imaanaya dhinaca muslimiinta ,waxaa tas u daliil ah
arimihii shirka dhexdiisa ka dhacey. Ragii ka socdey maamulka dowlada sweden
waxay suxufiyiinta u sheegeen in shirkan looga doodi doonin arimaha bariga
dhaxe waxaase la yaab noqotey markuu shirka ka hadlayey sarkaalkii ka socdey
dowlada isra ´il ka Nimrod Barken wuxuu qudbadiisa si aad ugu dacaayadeeyey
muslimiinta aduunka asagoo ku eedeeyey in faafiyaan naceyb ka dhan ah ummada
yahuuda ah islamarkaana ay rabaan in dunida ka tittiraan ummadda yahuuda ah.
Sidoo kale markuu hadlayey professor Yahuda Bauer oo ka mid ahaa
qabanqaabiyaha shirka wuxuu mislimiinta ku tilmaamey in ay yihiin Khatarta
cusub oo caalamka soo food saartey qaas ahaan ummada yahuuda iyo dunida
ilbaxa ah (saan filayo asaga oo ulla jeedey ummada reer galbeedka) khatartaas
uu yiri waa mid mudan in aad looga foojignaado islamarkaana laga
hortago.Madaama leysku ogaa in bariga dhaxe laga hadlin hadana labadii nin ee
yahuuda markii ay fursad u heleen in ay hadlaan hadalkooda inta badan wuxuu
quseyey islaamka iyo wadamada carabta kuwaasoo dad matala aan laga casuumin
shirka . Qaar kamid ah suxufiyiinta Swedhishka ayaa waxay weediiyeen wasiirka
isku dubaridka dowlada sweden Pär Nuder sababta ay ku dhacdey in labadaa
qofood ay ka hadlaan arimo quseya bariga dhaxe, madaama la yiri shirkan
bariga dhaxe lagama hadli karo Pär Nuder wuxuu ku jawaabey ”qof shaqsi ah
wuxuu ku hadlayo nama quseyso ee anaga waxaa diidaneyn in meesha ka dhacdo
dood furan oo arimaha bariga dhaxe ku saabsan”. Sidey doonto ha ahaatee
nimankii yahuuda ahaa fakarkooda wey soo gudbiyeen waana arin yahuuda ku caan
ah oo markasta oo shir caalami ah leysku gu yimaado waa in si uun qadiyadooda
u muujiyaan. Sidaan aniga qabana sababta ugu weyn ee shirkaan loo qabtey
ayaaba ahayd in qolo lagu muujiyaa kuwo kalana ceebo loogu yeelaa .
Maxaa ka soo baxey shirka?
Shirka oo
maanta oo arbaca ah bishuna ay tahay (28-01-2004) la soo gabagabeeyey waxaa
laga soo saarey bayaan ka kooban 7 xeer waxaana ugu muhiimsan sida aniga ila
tahay xeerka 1aad iyo kan 3aad .Xeerka 1aad wuxuu sheegayaa hadaan soo
gaabiyo “in la sameeyo qaab ama hab lagu garan karo meelaha khatar xasuuq ka
iman karta si looga hortago “ xeerka 3aadna wuxuu qorayaas “ in qof ama koox
ku kacda ama geysata xusuuq (genocide) in la horkeeno maxkamad iyo in la
daryeelo ,hoyna loo dhiso dadka ka badbaada xasuuqa” ,inkastoo la magacaabin
maxkamada la saari doono mida ay tahay, sababta arintaa keenteyna waa iyada
oo maxkamada caalamiga (International criminal court,icc) aynaan ka mid ahayn
dowlada badan oo kamid ah mareekanka (usa) ,isra ìl ,shiinaha iyo ruushka .
Wadamada saxiixey tiradooda waa 58 wadan ,qofkii rabaa in uu aqriso bayaanka
oo idil iyo wadamada saxiixey wuxuu ka heli karaa
www.preventgenocide.org . Waxaa kaloo
shirkan ra,yi soo jeediyey xoghayaha guud ee qaramada midoowey Kofi Annan oo
yiri waxaan isku dayi doonaa in qaramada midoobey ay dhisto gudi joogta ah oo
indha indheeya waxa dunida ka socda si looga hor tago meelaha la moodayo in
ay khatar gumaad ah ka iman karto. Waxaa shirkan lagu tilmaamey in hada
dunida ay jiraan 13 wadan oo qarka u saaran in uu ka dhaco xasuuq loo geysto
dadka rayadka ah wadamadaas oo dhibco la kala siiyey sida khatarta u kala
badan tahay , 6 dhibcood ayaa la siiyey wadamada kala ah (Suudaan,Burma,Burundi,Rwanda
iyo Kongo-kinshasha) Wadamadaana 4 dhibcood ayaa la siiyey (Shiinaha, Aljeria
,Ugandha iyo Soomaaliya) .wadamadana 3 dhibcood la siiyeyna (Afganistan,Irak,Pakistan
iyo Ethiopia).
Waxaase shirka lagu soo carabaabin wadamo
badan oo dunida ka tirsan oo xasuuq joogta ah ka jiraan sida shacabka
Falastiin, isla maanta oo aan faalladan qorayo ayaa lagu diley Gaza 13 qof oo
falastiiniin ah,sidoo kale lagama hadlin ummada sida aadka ah u dhibaateysan
oo xasuuqa joogtada ah loo geysto iyaga oo qabow iyo gaajo u sii dheertahay
waa shacabka muslimka ah ee reer Sheshaan. Waxaa iska cad in wadamada Ruushka
iyo Isra `il si loo maqsuudiyo aanan looga hadlin shirkan arimaha shacab reer
Falastiin iyo reer Sheshaan.Waxaase wax lala yaaba ah shir loogu magacdarey
shir caalami ah in sidaas ummadihii dunida ku noolaa loo kala sooco oo
xaqiiqda iyo dhibaatada caalamka maanta ka jira looga hadlin. Waxaa isweediin
mudan ma awoodaan wadamo carab ama muslimiin ah in ay abaabulaan shir noocan
oo kala ah iyaga oo ku casuuma Kofi Anaan , madax muslimiin iyo afrikaan ah
oo aynaan casuumin dowlado yurub ka socda, shirkaasna ugu yeeraan shir
caalami ah oo xeerarka shirkaa ka soo baxa la horgeeyo qaramada midoowey?.
Aniga ahaan ilama aha in ay sameyn karaan maxaa yeelay kalsoonidii ayaanba
jirin,waana arin laga naxo lagana xumaado.
Dunida dad tiro yar ayaa maamulkeeda wada
maxaa yeelay waa dad soo jeeda ,kuwo kalena iyagoo tiro badan ayey hurdaan
ama aan dhaho suuxtin ayey ku jiraan oo aan la socon waxa dunida ka dhacayo.
Wadamada carabta gedigood waxaa maanta ka taliya niman keligood taliyaal ah
oo ummadii ayeey caburiyaan islamarkaana u diideen dadka aqoonta leh in
aqoontooda qoraal iyo hadalba ku soo bandhigaan, ummadna marka aqoonta laga
dilo loona diido in fakarkooda soo bandhigaan, waxaa qasab ah in dunida
inteeda kale ay ka harayaan.UNDP qoraal ay soo saartey ayey waxey ku sheegtey
in wadamada carabta bugaagta laga daabaco ay aad u yaryihiin, hey,ada waxay
sheegtey in sanadkii tagey ay isugeyn wadamada carabta ay daabaceen ama
turjumeen (1,1 boqolkiiba ) bugaagta dunida ka soo baxdey,halka hal wadan oo
yurub sida Gariiga uu daabacey (5,3 boqolkii) buugta dunida ka soo baxdey.
Carabta tiro ahaan waxay ku dhaw yihiin (300 malyan ) halka Wadanka Gariiga
dadka ku nool lagu qiyaaso (11 malyan).Macna waxa weeye Gariig bugagta laga
daabaco wuxuu 5 mar ka badan yahay gedi ahaan wadamada carabta bugaagta ay
daabacaan.Hadaba ummad aan wax qorin waxna aqrin ummad kale oo aqoonta ku
tartanta magaari karaan?.
Gunaanadkii waxaa dhihi lahaa dowladaha
muslimka sababta shirka sweden ka dhacey looga casuumin waxay tahay malaha
weli ma gaarin biseel siyaasadeed iyo mid dadnimo oo ay ku muteestaan in
shirar noocaan oo kale lagu casuumo ileyn Lax walba walba halkee is dhigtaa
lagu gooracaa.
Ilyas Mohamud Hussein
Ilyas_mh@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 29, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Maqaal hore:
Shafici, Aflagaadadu Waa Ceeb
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|