Janaayo 16, 2004
Shafici, Aflagaadadu Waa Ceeb
Ilyas M Hussein
ilyas_mh@hotmail.com
Waxaa ayaandaro iyo wax laga naxo ah in webside-yada soomaaliyeed isku rogaan
sidii goobihii fara ku dirirka ahaa meel qof walba waxa qalbigiisa ku soo
dhaco iska dhaho . Bogaga internatka ee soomalidana ma laha xeer iyo nidaam
ay ku kala soocaan qoraalkii mudan in la daabaco iyo kan aan mudneen,sida
soomaali sharci iyo nidam uga jirin ayaa webside-yashooda u lahayn xeer iyo
nidaamka wax ku kala soocaan. qof walba wuxuu doono ku soo diraa misna loo
daabacaa iyada oo aan la eegin qoraalka waxa ku qoran ,sidaa darteed ayaa
waxaa caadi ka noqdey in leesku aflagaadeeyo ama shaqsi madax ama caan ah si
toos ah loogu aflagaadeeyo.Ninka siyaasiga ah waa la dhaliili karaa
siyaasadiida oo wax caadi ah oo dunida oo dhan ka jira lakiin in shaqsi ahaan
la caayo waa wax aan banaaneen.Qofka qoraaga ah ama wariyaha waxaa shardi ah
in uu ahaado ruux mar walba runta sheega oo mas`uul ah oo waxa uu qorayo
ahaadaan wax leh raad la raaci karo, lakiin noqon ruux cadifad sida oo wixii
laabtiisa ku soo dhaco iska qora asaga oo marnaba tixgelin siineen waxa uu
qorayo cirib danbeedka ee yeelan karto.Maqaal aad u fiican oo uu qorey Yasiin
Jamac Nuur oo uu ugu magac darey ”Qoraaaga iyo qaribaaga saxaafada
soomaaliyeeda”ayaa wuxuu leeyahay;
”Qofka qoraaga ama suxufiga ahi waa inuu ahaadaa qof mas’uul ah oo dhawraya
sharaftiisa iyo karaamadiisa, cisigiisa, dadnimadiisa, qoraanimadiisa iyo
firkadiisa, waana inuu yahay qof daacad ah oo aan dhacdhac lahayn, sidoo
kalena waa inuu leeyahay dareen xog-ogaalnimo iyo karti hal-abuurnimo. waana
inay intaasi u dheer tahay dulqaadasho iyo degenaansho. Qofka qoraaga ah
calaamadahaas ayuu leeyahay oo lagu qiimeeyaa. Hase ahaatee waxaad moodaa
beryahan danbe in ay arrintu tahay “yaa farta yaqaan, ee aanay ahayn yaa
aqoon u leh”,
Hadaba waxaa beryahan buuxiyey bogaga internetka soomaaliyeed maqaalo uu soo
diro nin layiraah Shafici Xasan Maxamed kuwaasoo runtii inta badan aan lahayn
asluubtii iyo aqlaaqdii qofka qoraaga lagu yaqiin, tayo xumo iyo maduuca
qormada oo marba dhinac loo boodo waxaa u sii dheer aflgaado uu u geesto
nimman madax iyo odayaal soomaaliyeed hadaan tusaale u soo qaato qoraal uu
ugu magac darey ”wadaadadu ma dad baa mise waa diin” wuxuu si aad ah ugu
gafayaa Sh Cumar Faruuq iyo madaxweyne Ismaciil Cumar Geele, isaga oo
Ismaaciil Cumar Geele ku tilmaamayo in uu yahay ”calan cas ” dhiigiisa ku
shaqeeyo khamriga, asaga oo shafici wax cadeen iyo markhaati midna keenin.In
ruux muslim ah sharaftiisa sidaa loo dhaawaco waa wax diinta islaamka ka
xaraam ah iyo dhaqan kasta oo dunida jirana ku fiicneen.Maqaal kale oo
shaafici qorey oo axadii dhaweed ku soo baxay boga Internetka (11-01-2004)
maqaalkaas oo magaciis ahaa ”Ma taqaan Cabdiqasim” oo uu shafici yiri waxaan
ka hadlayaa Cabdiqasim Salaad Xasan tariikhdiisa asaga oo shafici hadalka ku
bilaawey ; ”Soomaalidu tariikhda dadka ma qoraan oo waa in aynu tariikhda qof
leeyahay la soo bandhigaa” kadib shaafici tariikhda cabdiqasim ayuu hal bog
ku soo koobay oo inta badan wax ka sheegay Cabdiqaasim sida uu Khamriga u
cabi jirey markuu ruushka ardeyga ka ahaa iyo siduu dumarka ku ahaa.Shafici
wuxuu qoraarkaas ku yiri warka waxaan ka heley dad Cabdiqaasim
aqoon,saxiibtinimo iyo eheltinimo ka dhaxeeso lakiin shafici ma sheegin dadka
kuwa ay yihiin iyo meesha eay ku nool yihiin, si uu wuxuu sheegayo cadeemo
ugu yeelo oo qoraalkiisana u noqdo wax dhab ah oo la rumeesan karo,shafici
qofna ma carabaabin ileyn beenlow nin dhintey iyo nin foguu markhaati ka
dhigtaaye,ama aan dhahee beenloow beenta wuu soo alifaa.
Ugu danbeentii waxaan rabaa in qeybtan danbe aan ugu faaìdeeyo Shafici iyo
qof walba oo raba in uu wax ka qoro qof kale tariikhdiisa waxyaabaha looga
baahanyahay in uu la yimaado si qoraalkiis u noqdo mid wax la qaadan karo oo
dhaxdhaxaad ah,waxaa ka mid ah seddaxdaan sharuudood oo hoosku qoran mana aha
wax aniga la imid ee waa xeerarka jaamacadaha iyo saxaafada casriga ay
isticmaalaan.
1- Waa in ay cadahay qofka wax qorayo ullajeedadiis si uu qoraalkiisu u noqdo
qoraal macquul ah oo wax ku ool ah , tusaale hadii nin yahuudi ah uu qoro
maqaal dheer oo uu ku canbaareenayo falastiiniinta badanaa tixgelin weyn lama
siiyo ilayn waa dad isku cadow ah oo dagaal ka dhaxeeyo , sidaa darteed qofka
raba in uu qof kale tariikhdiisa wax ka qoro waa ineenan sidin cadifad nacayb
xanbaarsan oo ullajeedada wax u qorayo aysan ku saleesnayn mid uu rabo in uu
ku dhaawaco sharafata qofka uu wax ka qorayo ama aynan noqon mid laab la kac
ah.
2- Waxaa kaloo muhiim ah in meesha aad warka ka soo qaadaneeso ay yihiin ilo
lagu kalsoonaan karo,hadii arinta aad wax ka qoreesid adiga goob joog ka
ahayd waa in aad cadeemo keentaa dadka ku qanci karaan si arinta aad ka
hadleeso ugu ekaan nabsasho. Dadka aqoonta u leh sida wax loo qoro waxyay
sheegaan magaca qofka ay warka ka soo xigteen hadii iyaga meesha goob joog ka
ahayn si ay markhaati ugu yeelaan waxay qorayaan,waxayna weli isku deyaan
qofka warka laga soo qaadanayo in uu yahay qof la aamini karo ilayn ruux
walba hadalkiisa lalama soo shir tagee,hadii buug uu ka soo aqriyayna waxaa
la sheegaa buuga magacii,magaca qoraaga qorey, boga aad hadalka kasoo
qaadatey lambarkiisa iwm.Lakiin sida Shaafici hebel waa ”calan cas” khamri
cab ah oo aan la sheegeenin sida uu ku ogaadey wax cadeemo iyo markhaati aan
loo yeeleenin waxuu maqaalkiisa noqonayaa kuti-kuteen iyo aflagaado aan
tixraac aan laga dhigan karin.In qof weyn waxaasi iyo wax la mid ah qoro
misna shabaq internat oo kumanaan soomaali aqrisaneyso soo geliyo waa arin
aad u fool xun oo in laga xishooda mudan.
3- Qofka aad tariikhdiisa wax ka qoreeso asagaa si toos ah looga soo xigtaa,
adigoo qofkaa wareesi la yeelanayo ,tasoo weli faalo lagu sii kabaa adiga oo
wixii been kuu gula muuqda tilmaameesid ,beenta aad tilmaameesidna waa in aad
cadeemo uheli kartaa.
Gunaanadkii waxaan dhihi lahaa waxbaa la qoraa wax loo ma qoree waxaa haboon
in la dhowro asluubta qoraalka iyo sharafta ruux binu´aadanka leeyahay ,si ay
qoraaladeena u noqdaan kuwo faa´idooyin inoo xanbaarsan, waxaana haboon in
aflagaadada aan iska yareeno si waqtigeena qaaliga ah aanan ugu mashquulin oo
aanan ugu dhumin wax xun oo carada ilaah ku kasbaneeno.Walaalkee Shafici
adigana waxaan kuu gula talin lahaa in aad sharaftaada dhowratid isla
markaana ogaatid in aflagaadadu qof weyn ceeb ay ku tahay.
Fig:(Ma taqaan Cabdiqaasim maqaalkii ahaa, (....eeg lifaaqa hoose) bogeeda wey ka saareen
malintii isniinta oo tariikhdu ahayd 12-01-2004 markaan weydiiyey maamulka
websitekaas sababta ay ugu sareen waxay i dhaheen ”maqaalku wuxuu ahaa maqaal
qof shaqsi ah si gooni ah loogu aflagaadeenayo sidaa darteed bogeena uma
rabno in ay ku soo baxaan maqaalo noocan oo kale ah ” waa arin ku deyasho
mudan)
WABILAAHI TOFIIQ
Ilyas M Hussein
ilyas_mh@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk Jan 16, 2003
LIFAAQ: Maadaama uusan qoraalkaasi
”Ma taqaan Cabdiqasim”
kusoo bixin SomaliTalk ayaanaan u xusin meelihii kala ee uu kusoo baxay.
...QORAALADA
DADWEYNAHA EE MAANTA:
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
<><>....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|