| w w w . s o m a l i t a l k . c o m
|
|
SOMALITALK
- SWEDEN
|
Janaayo 27, 2004
Shirweyne caalami ah oo loogaga hadlayo
tacadiyada iyo dilalka aadanaha oo Sweden ka furmay
Ikraam Cali-kaar
Ikraam@journalist.com
Maanta ayaa si rasmi ah waxaa magaalada Stockholm ee xarunta dalkan Sweden ka
furmay shirweyne caalami ah oo loogaga hadlayo xasuuqa iyo dilalka loo geysto
dadka rayidka ah. Shirkan oo muddo sadex maalmood ah si habsami ah uga socon
doona magaalada Stockholm ayaa xafladii furitaankii waxaa halkaasi ka hadlay
Ra'iisal wasaaraha dalkan Sweden Göran Persson oo sheegay iney tahay arrin
muhiim ah siddii ay adduunyada meel cad iskaga taagi laheyd dhibaatooyinka
loo geysto dadka rayidka ah.
Koofi Canaan oo isagana halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in adduunweynuhu
arintaasi dhaqaalo diyaar u yahay hase ahaatee aysan jirin ciddii fulin
laheyd ka hortaga xasuuqa loogeysto dadka rayidka ah.
Waxaa uu si gaar ah u xusay xasuuqii ba'naa ee ka dhacay dalalka Ruwaanda iyo
Bosniya horaantii sagaashameeyadii ay ahaayeen kuwii ugu xanuunka badnaa ee
qarnigii tagay lugu xasuusto, waxaana isagoo arintaasi ka hadlaya uu yiri "Waa
ayaan darro tii ugu weyneyd iney dalal xubno ka ah Qaramada Midoobey ay
geystaan falal ka dhan ah aadanaha, hase ahaatee go'aankii Golaha ee ka
hortaga arintaasi aysan noqon mid lugu guuleysto". Dhinaca kalena waxaa uu
Koofi Canaan weeraray dowladaha leh awooda sida aysan dhinacooda mas'uuliyad
iskaga saarin in dadka rayidka ah la xasuuqo.
Madaxda ilaa iyo hada shirkan ka soo qeybgashay ayey badidooda ka yimaadeen
dalalka Yurubta bari iyo dunida sadexaad taasoo durba dadka ka faalooda
arimaha diblomaasiyada ay ku tilmaameen shir aan miro dhaleyn marba haddii
dalalka awooda leh ee reer Galbeedka aysan shirkan ka soo qeybgelin. Kulankan
maanta sida habsamida leh furmay magaalda Stockholm ee dalkan Sweden
xubinihii halkaasi ka hadlay waxaa ugu muhiimsanaa Koofi Canaan oo ah
xoghayaha guud ee Qarama Midoobay, Hans Blix iyo xoghayaha arimaha dibada
ninka u qaabilsan Midowga Yurub Javier Saluna, oo dhamaantood isku raacay in
aduunyadu meel uga soo wada jeesato xasuuqa naxariis darrada ah ee dadyowga
dunida lugula dhaqmo loona geysto.
Shirkan oo ah midka ugu dambeeya ee loogu magac daray "Stockholm's
Internationella Forum" markiisi horena looga hadli jiray arimaha la xirriira
deegaanka iyo dhaqamada dunida ayaa qeybtiisii ugu dambeysay looga hadlayaa
arrimaha la xirriira bani'aadamnimada iyo tacdiyada aadanaha loo geysto.
Dhinaca kale mid kamid mas'uulinta uga qeybgalaya Israa'iil kulankan ayaa
durba si dadban u bilaabay iney weeraraan Muslimiinta gaar ahaan iyagoo ku
eedeynaya warfaafinta reer galbeedka sida ay ula safteen waxa ay ku sheegeen
"Barabagaandada carabta". Mas'uulkan oo aan la magacabin ayaa sheegay in
maanta dayax gacmeedka laga daawado tv-yada ee ay Qaarada Yurub suuragelisay
in wararka ku tiri ku teenka ah ee ay carabtu soo deyso laga daawado. Gaar
ahaan waxa uu aad u weeraray telefeyshinka Al- Manaar oo uu ku sheegay mid ay
maalgeliso ururka Xisbulah ee dagaalka ba'an kula jira dowladiisa. "hadalku
waa mid macno buuxda yeelan kara, mar waa wada hadal marna waa dagaal toos
ah, hase ahaatee sow ma ahan wax layaab leh in shirweynahan caalamiga ah ay
ahmiyad siiso kuwa isku soo xira bambada ee aan ku ekaan Yahuuda oo keliya ee
ugaarsada, Mareykanka, Ruushka, Turkiga iyo Australia, taasoo ah mid ku
dhiiragelisay in arimaha noocaas ah laga taageero dunida Muslinka" ayuu yiri
mas'uulkan shirkaasi ka qeybgalayey isagoo dhinacna ka muujinaya sida
adduunka maanta guud ahaan naceyb daran looga hayo siyaasada Israa'iil.
Qaban qaabiyeyaasha shirkan oo qaarkood ka tirsan yihiin xukuumada Sweden
ayaa sheegay in shirkan muhiimadii loogu talagalay aysan aheyn in looga hadlo
xaalada murugsan ee bariga dhaxe, sidaas daraadeed ay xukuumada Sweden ku da
daaleyso in shirkan uusan noqon mid ay isku cambaareeyaan ka qeybgalayaasha.
Waxaa diyaarisay;
Ikraam Cali-kaar
Ikraam@journalist.com
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 27, 2004
Sweden oo ka
furmaya shirweyne caalami ah
oo loogaga hadlayo tacadiyada iyo dilalka loo geysto dadka rayidka ah
warbixintii
Ikraam 25/1
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|
©
www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
|
|
>>
Usheeg Asxaabtaada
|
|
|