SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Janaayo 29, 2004  

Waxgaradka Ogaadeen oo Lagu Been Abuurtay

Waxgaradka Ogaadeen ee London magacoodu ayaan daranaa mase joogaan London Waxgarad Ogaadeen oo ilaalin kara sharafta magacooda?

Ibrahim Sheekh Mohamed
muxsin75@hotmail.com


Afeef. Akhristoow ama Waxgaradoow hala yaabin hana-uqaadan waayin su,aashaydan ee waxaad isweydiisaa maxaa keenay Su,aashan.

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


Hadaan usoo daadago su,aashayda,waxaa Ummada soomaaliyeed meel kastoo ay ka joogto shanta soomaaliya dhaqan iyo caado uah ilaalinta,qadarinta iyo muunadaynta darajooyinka lagu sharfo salaadiinta,ugaasyada,Wax-garadka,cuqaasha iyo culima-awdiinka,taas oo aysan cid kale oo aan iyaga aheyn iska sheegan Karin,qofkii ku xadgudbaana laga qadi jiray talaabo sharci ah.

Sharafta darajooyinkaas aan kor kusoo sheegay ayaa waxay baryahan danbe noqdeen gabbaad uu kusoo gabado ama kusoo gabadaan qof /Koox kasta oo doonaysa inay si guracan oo ceeb iyo meel kadhac ku ah sharafta maqaamyadaas u adeegsadaan.

Qabaa,ilka soomaaliyeed ee kala duwan ayaan marna ogolayn,una dulqaadanin in magaca Suldaankooda,ugaaskooda ama Wax-garadkooda Uu isticmaalo
qof ama koox aan lahayn ama mutaysanin maqaamkaas,iyagoo hadayba dhacdo si cad u beeniya kuna beeniya qoraal iyo hadalba,weliba ciqaab lamariyo cida sheegatay darajadaas noocay doontaba hanoqoto ciqaabtaasiye,taasoo muujinaysa in qabaa,ilka soomalaiyeed ee aan ka ahayn Ogaadeen ka ay darajadaasi agtooda ku weyn tahay siday tahayna u ilalaiyaan illaa maalinta manta ah ee aan joogno.

Hadaba, Wax-garadka qabiilka Ogaadeen ee London,oo ah runtii midka gundhiga uah qoraalkaygan,miyeyna arkin ayaan darida magacooda,iyo sida waxkastoo la xumaynayo loogu nisbaynayo wax-garadka Ogaadeen ee London,mise qadarintii iyo sharaftii wax-garadnimo ayaa ka dhamaatay qabiilka Ogaadeen,taasoo macnaheedu yahay in aysan kajirin darajo hogaamineed ama kala danbayn reerkaas dhexdiisa.

Waxaan halkan idiinku soo lifaaqayaa qoraalo dhowr ah oo uu soo qoray qofkaas ama kooxdaas sida badheedhka ah ugu caytantay magaca Wax-garadka Ogaadeen ee London,iyadoo qoraaladoodu ka qaawan yihiin hab-maamuuskii qoraalada iyo tix-galinta arimaha hoose ee shakhsiyadeed,una qasdeen inay si cad ugu aflagaadeeyaan magaca Wax-garadka Ogaadeen ee London dad sharafleh iyo ururka ONLF ee majaraha uhaya xoriyad gaadhsiinta soomaalida Ogadenya.

Shakhsiyad xumahaas soo qoray qoraaladaas ayaa wuxuu ku sheegay qoraaladiisa inuu ururkii ONLF burburay isagoon u cuskanaynin rumaynta burburka urukaas wax la taaban karo ee ay ka tahay uun hadii adiga lagugu daba fayli waayo dacaayadaysto noqo,waxaanse anigu odhanayaa adaa arki doona inay ONLF burburtay iyo inay sii daradtaye car hadaad nin rag ah tahay Ogadenya cago-dhig adigoo waliba hoosta kagalaya Gumaysiga madoow ee Itoobiya,oo yaanan ONLF dhafoorka kaa tooganin,dibadaha dockayeedh lagama noqdee.

Waxaa qoraaladii wax-garad iskusheega Ogaadenka London ka mid ahaa

1- http://www.ogadennews.com/b2.html
2- http://www.ogadennews.com/oga.html
3- http://www.ogadennews.com/on.html
4- http://www.ogadennews.com/b1.html

Waxaa wax lalayaabo ah in wax-garad dhan oo reer hogaamiya ay noqdaan bilaa maga ama bilaa sumad,waayo qoraalada dhan waxay kusoo baxeen kaliya wax-garadka Ogaadeen ee London,taas oon odhan karro waa dacaayad ama hafaryo loola qasday Wax-garadka Ogaadeen ee dhabta ah ee London.

 
Ibrahim Sheekh Mohamed
muxsin75@hotmail.com


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com |Jan 29, 2004 

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD