SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAANSO

Janaayo 30, 2004  

tusmo. isbedelka haweenka soomaalida kuwii hore iyo kuwa maanta

abu-dabi
tusmadani waxay tilmaamaysaa isbedelka wayn ee ku dhacay
haweenka soomaaliyeed guud ahaan waxa soo saaray abwaan abdulrasak jamac botan walanwal.

tusmo. barigii hore haweenka soomaaliyeed lix bay ahaayeen loona kala yaqaanay, waxay kala ahaayeen lana kala odhan jiray
magacyadooda sidatan.

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...




mhh01--- qaryad
02-- dhabeel
03---gaari
04---baali
05--basari
06--bagagi oo ah ta liidatay haweenkii hore.

------maantana waxay ukala baxeen sidatan
waxaanay kala yeesheen magacyadan hoos ku qoran,

mdm01--saygeed naca.

saygeed naca waa
sawjadaa ku nool yurub ama ameerika
sabiyada ku hela
sarkaal iyadii laga dhigay ee seetadii ka furay gaal xor,
sadexdii ragii furay
soo tuuray boorsadi
suuq gala ragii yidhi.
sinji nimaanay ku lahayn mr jumaykaan
soo hoystay saaxiib.
seegeed waxay tahay
sodahaa xishood gabay iyagoo
sawaahiday yacnii gaboobay.
surwaal xidhay saciid
si cad dhaqanki uga tegay.
taa saygeed naca dheh.

thm02----sahlan mother.

sahlan mother waa tee.
sahlan mother cowkow ama cabdi salaan waa
safkan maanta kacayee
sahal yeelay guurkii ee
saaka tii ad kulantaan
saadanbana is raacdaan
soo mehersho qaadigu
suaal waalid lagu bixin
sodog geela laga siin
seedi lagu xurmaynayn
sax ilayn kumuu hoyn
sadex wiigna lagu furo
sawtkeedu uu yahay. maxaa ka macnaa
saadanbana mid kale heli
sahlan mother waa taa,

thm03-- -suuradeed roga mss buufis

saatir siduu u uumiyo
suraday bedelayaan
suuqay quruxdii taalaa
soo gatana haweenkii
sawkoodu wuxuu yahay
sangubow yiraahdeen doqon iyo habeen baa madow.
waa dharaar hay wadin
waan dhalaalaa
habeenkii eeg waa hilaacaa
kijin kuu gali mayso
karis raashin is daaye
kulaykaa u daranoo
korneedaan xamilayn ilay kor dhacdee
caadi taan udhalin
camaliyadii qaadanba mayso
caloosheedaana tolmaynin
cadkeedaana bislaaday
caruurtay ka baqdaa
cididaa cadowgeeda.
caasi bay noqotay
cadaan bayska jeclaatay
caadil aanu u uumin.
casiis eebe karbaash
caynka gaadhi gaboobay
ciladeedi badnaatay
caafimaadkeed wax yeeshay.

lasocda weli kuwa hadhay.
by, abwaan abdulrasak jamac botan walanwal
abu-dabi

abdulrasak3@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 30, 2004

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD