SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CIID

Janaayo 31, 2004    

osmanbilad@hotmail.com

A/C dhamaan walaalaha. Kanni Waa Walaalkiin Aad Ku Walaalowdeen Islaamka, oo idin leh: "Ciid Mubarak, Taqabala-laahu Minaa Wa-iyaakum."

WAXYAABAHA SUNNADA AH MAALINTA "IIDA"

Maalinta iidda waxaa sunno ah in lala yimaado waxyaabahan soo socdo:

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



(Sawirka AFP Jan 29, 2004, Nairobi)


XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

1. in dhar wanaagsan la soo xirto marka salaadda iidda laga soo qayb galayo, Rasuulkuna SCW maalmaha iidaha wuxuu soo xiran jiray dharkiisa kuwa ugu qurxoon, in maalintaas la is qurxiyaana waxay ahayd caado wanaagsan. Waxaa sidoo kale sunno ah in la isi soo carfiyo, oo la soo marsado waxyaabaha udgoon.

2. In iidda loo soo qubaysto, arrintaani Rasuulka SCW kama aysan sugnaan, laakiin asaxaabta ayey ka sugnaatay.

3. In marka laga soo noqonayo salaadda iidda lugu soo noqdo waddo aan ahayn middii marki hore la soo qaaday, sidii uu Rasuulkuba SCW samayn jiray maalmaha iidaha.

4. Salaadda loo baxayaa haddii ay tahay midda Iidul-Fitriga waxaa sunno ah in wax la soo cuno  inta aan la soo aadin, gaar ahaan timir tiro is-dheer (kisi) ah. Haddii ay Iidul-Adxaa tahayna waxaa sunno ah in la soo aado iyadoo aan waxba la soo cunin.

5. In marka maalinta iidda la kulmaba la isku tahinyadeeyo, iyadoo la leeyahay: "Annaga iyo adinkaba Allaha naga aqbalo", sidaasina waa sida asaxaabtii Rasuulku SCW ay isugu tahniyadayn jireen  markii ay kulmaan maalin iida ah. Laakiin waayahaan dambe waxaa lagu bedeshay wixii sugnaaday oo la soo wariyey arrimo aan kuwaa xiriir la lahayn, sida iyadoo dadku isku yiraahdiin: "Kullu caam, wa antum bikhayr", sidaasi iwm, waa ku bedelasho wixii wanaagsanaa lagu bedeshay wax liita oo aan qiimo lahayn.

6. In la takbiirsado (Allaahu akbar la yiraaho) marka guriga laga baxo ilaa salaadda laga tukado, iyadoo dadku aysan isla qaadayn, ee qof waliba goonidiisa u takbiirsanayo, laakiin in la isla takbiirsado oo la isla qaado sida dadkuba sameeyaan sunnada kuma sugna, ee sidaas ha loo ogaado. Haddii Iidul-adxaa ay tahay iiddaasi intaa waxaa u dheer in saddexda maalmood oo iidda ka dambaysa ay sunno tahay in la takbiirsado, waxaana takbiirta la joojinayaa saddexdaa maalinta ugu dambaysa Casarkeeda, waxaana la takbiirsanayaa iyadoo takbiirtu aysan ku xirnayn waqti gooni ah.

Kutubta qaarkood ayaa waxaa yiraahdeen oo ku gooni yeeleen takbiirta marka salaadaha waajibka ah la tukado dabadeed, laakiin wax daliil ah oo sidaas sugaya (awood siinaya) ma cuskana, sidaa awgeed kuma xirna takbiirtaas ilaa saddexdaas beri soconaysaa salaadaha gadaashood , ee waqti kasta ayaa la takbiirsanayaa, sidaas waxaa la mid ah oo aan iyaguna daliil haysan culummada qaar oo yiraahdeen habeenka iiddu soo gasho ayaa takbiirtu soo billaabanaysaa, ee marka salaadda iidda la aado billaaban mayso. Sida Rasuulka SCW ka sugnaatayna waa sidii aan horay u soo xusnay, ee si-fiican ha loo indha-indheeyo.

Asalamu Aleikum, OSMANBILAD

http://www.somalitalk.com/hajj/

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 31, 2004

Maxkamadda Sare Ee Kanada oo Xukuntay
in Edbinta Caruurta Loo isticmali Karo Xoog Macquul ah Guji..

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]