SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

Janaayo 31, 2004    

Saadaal Nabadeed iyo Saxansaxo Dowladeed oo ka soo ifaysa Shirka Kenya.

FAALLO: canab mumtaz nairobi
canabmumtaz@hotmail.com
 

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



(Sawirka AFP Jan 29, 2004, Nairobi)


XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

kadib muddo aad u fog oo lays hor dhafiyay laguna muransanaa khilaafyo ka dhashay u gudbida wajiga 3aad iyo ansaxinta axdi qarameedka dowlada ayaa haadan waxaa laga dareemayaa madasha iyo muuqaalka siyaasiyiinta mid ka duwan sidii ay ahayd saacado ka hor intii aan la saxiixin qodobadii axdi qarameedka ee muranka iyo ismaandhaafka dhaliyay iyagoo muujiyayay sida ay uga faraxsan yihiin shirka iyo u gudbida wajiga 3aad ee shirka oo ah dhisida baarlamaanka iyo doorasha madaxweynaha.

Ka sokow khilaafaadka hogaamiyayaasha waxaa shirka hareeyay mid u dhaxeeyay IGAD dhexdeeda oo isaguna dhibkiisa lahaa dibna u dhigtay waxyaabo badan oo la qaban lahaa. iyadoo ay arrimahaasi oo dhan jireen ayay shacabku si wayn uga niyad jabeen iyagoo ku tilmaamay mid aanay waxba ka soo bixi doonin.

inta badan shacabka soomaaliyeed oo ka soo daaalay shirar ay hogaamiyayaashu iskugu yimaadeen hadana fashil ku dhamaanayay iyagoo inta badan ay maskaxdooda ka guuxayso shirkii carta oo si wayn ay ugu hungoobeen soo dhawayntiisi waxqabad la,aan beesha caalamka iyo hagardaamooyin kaga yimid hogaamiyayasha oo aan ka qayb galin shirkaasna u socon waayay.

haddaba kan ka soconaya kenya waa mid ka badalan kuwii hore ee ay shacabku sidaas uga niyad jabeen maadaama ay ku kulansan yihiin hogaamiyayaasha siyaasada ee ka jira guud ahaan dalka kuna qanacsan yihiin in dowlad ay dhistaan iyagoo gacmaha is haystana ay shacabka iyo naftoodaba u muujiyeen in laga gudbay xiligii is jiid jiidka siyaasadeed ee macna darada ahaa loona gudbay xilli nabadeed iyo saadaal rajo oo ay hormuud u yihiin si ay usoo celiyaan nabad kuwada noolaansho u dhaxaysa ummadda soomaaliyed.

saadaashan nabadeed ee ka soo ifbaxaysa shirka kenya waa mid ay si wayn uga dhur sugayaan dad badani iyagoo haatan uu marayo meel aad uga wanaagsan sidii uu ahaa maadaama loo gudbay soo xulida baarlamanka,balse waxay doodi ka joogtaa hogaamiyaasha sida ay rabaan miyaa wax loo xulayaa mise oday dhaqameedka.waayo waxaa soo xulaya siyaasiyiinta kadibna waxaa ansaxinaya oday dhaqameedka xildhibaanka nasiibak u yeelan doona ma yahay mid ay daacad ka tahay in uu xilkaas u qabto sida ugu saxsan mana yahay mid waaya aragnimo ku qaatay dagaaladii dalka soo maray si aysan markale u dhicin waxyaabihii buirburiyay dalka.

beesh caalamka laf ahaantooda waa kuwo tusaalooyin ku soo qaatay dhowr shir oo soomaalida loo qabtay kuna dhamaaday fashil waxaad moodaa in ay kan si wayn indhaha ugu hayaan iyagoo hogaamiyaaashana uga digay in aysan caqabad ku noqonin shirkan cidii la timaadana maxkamad caalami ah lala tiigsn doono si ay u ogaadaan halka ay dhibaatadu ka socoto dhinacoodana iska ilaalinaya in aan mar kale soomaaliya la dayicin balanna ku qaaday in ay taageerayaan waxa ka soo baxa shirka kenya.

guud ahaan marka la eego jawiga shirka ayaa u muuqda mid leh saadaal nabdeed iyo rajjo dowladeed oo soomaaliya ka dhalata taasna ay tusaale u noqon karto heshiisyada ay gaareen hogaamiyasha, u dhamaanshohooda shirka iyo taageerada beesha caalamka oo xiligan u muuqda kuwo siinaya muhimad gaar ah.

canab mumtaz nairobi
canabmumtaz@hotmail.com

 QORAALADII HORE EE CANAB MUMTAAZ

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 31, 2004

Maxkamadda Sare Ee Kanada oo Xukuntay
in Edbinta Caruurta Loo isticmali Karo Xoog Macquul ah Guji..

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD