SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK

Janaayo 31, 2004    

Wareysi: Eng. Abdirahman Omar Osman (Yarisow).

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



(Sawirka AFP Jan 29, 2004, Nairobi)


XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO


Mudane Eng. Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) oo ah xubin aad u firfircoon ee aqoonyahannada Soomaaliyeed ee degan UK, islamarkaana ah mas置ul sare (Team Leader) ee waaxda Guryaha, dowladda Hoose ee galbeedka London (Ealing), ayaan u helnay fursad aan ku wareysanno, wareysigiina wuxuu u dhacay sidan:

S)   Mudane Eng. Yarisow bal wax nooga sheeg aragtidaada ku aadan heshiiskii maanta 29/01/04 ey mas置uliyiinta Somalida ku gaareen Nairobi.

J)      Mahadsanid, sidaan la socono, heshiiskan waxaa ka horeeyey heshiisyo fara badan, marka aniga macno weyn uma arko aan ka aheyn in rajo la soo dhoweysto. Waa hubaal in heshiiska si deg-deg ah oo laab lakac ah lagu gaaray, isla markaana aan qoto dheer oo cad cad ama la ogyahay aan jirin iyo iyadoo tanaasulaad la gaaray aan jirin. Aad iyo aad bey u wanaagsanaan laheyd in heshiisku uu ahaado mid la isla lafa guray sida loo qeybsanayo dowladda la filaayo,  ee ma aha in la saxiixo heshiis, ka dibna qeybsiga baarlamaanka lagu doodo taasoo dhalin karta fashil.

S)   Sideed u aragtaa xal marka aad fiiriso arrimaha sida ey u socdaan?

J) Runtii markaad fiiriso falalka siyaasiyiinta ama mas置uliyiinta shirka u fadhiya Nairobi, aad baad uga xummaaneysaa inaad aragto iyagoon ogeyn sababta ey meesha u joogaan oo aan ka aheyn iney qeyb ka noqdaan dowladda la dhisi doono. Waxaan aad u jeclaan lahaa in mas置uliyiinta joogta madasha shirka iney aragti guud oo dheer ey soo bandhigaan taasoo u daneyneysa mustaqbalka Somalida oo dhan meel walba oo ey joogaan, iyagoo cabiraaya aragtida guud ee ummadda. Ha yeeshee waxaa muuqata in mas置ul walba uu koox gaar ah ku maaweeliyo inuu u soo qaadi doono cad aad u weyn, tanoo micnaheedu tahay kala fogeyn iyo is kala qeybin, keeneysana kalsooni darro. Aniga xal waxaan u arkaa in mas置ul walba oo fursad u helay inuu shirka jooga uu is xisaabiyo inuu matali karo shacabka soomaaliyeed, kana fikiro inuu wax wanaag ah oo la taaban karo u soo hoyey shacabka iyo in shaqsi walba uu ogolaado in uu doorto shaqsiga uga habboon talada guud ee shacabka.

Dadka qaar baa aaminsan in dowlado shisheeye oo kaliya lagu heli karo dowlad iyo nabad, ha yeeshee aniga fikirkeyga aad buu uga duwan yahay oo marna ma qabo inaan sugno dowladdo shisheeye iney wax noo qabtaan. Haa kaalmo waa laga rabaa caalamka, laakin iney noo sheegaan sidaan ku heshiin laheyn ma qabo. Dadaalku wuxuu ku wanaagsanaa in marka hore lagu soo heshiiyo sida loo rabo in nabad iyo dowlad lagu helo. Tusaale ahaan hadii la isku raaco in beel loo qeybsado baarlamaanka iyo talada guud (walow aan aniga aad uga soo horjeedo) waxey ku fiicneyd in beel walba soo shirto oo ey keensato mas置uliyiin oo hoos laga soo bilaabo, si ey u fududaato in wadahadalku uu yeesho qorshe cad oo loo wada jeedo natiijada. Rajo ku nool ma lagu dhisi karo qaran soomaaliyeed.

S)   Waxaan la soconaa inaad Muse Sudi wakiil u ahaan jirtay, ka dibna aad Faarah Sindiko ololihiisa aad wax ka wadday, xageed hadda ku tiirsan tahay?

J)     Waa run in waqti hore aan Muse Sudi wakiil u ahaa, taasoo ujeedadu aheyd inaan xirriirka caalamiga ah ee waddanka aan xoojiyo, oo markaan la xirriiray wadamada iyo hay誕daha caalamka ey noqotay inaan lahaado xirriir gudaha ah siiba hoggaamiyeyaasha. Taas oo aan illaa heer aad u sarreysa aan ka sameeyey xirriir wanaagsan iyo iyadoo ey ujeedadeydu aheyd in hoggaamiyeyaasha la furfuro oo la wada hadalsiiyo, eyna ka gudbaan carqaladaha xirriir la誕anta ah. Runtii aad iyo aad baa loogu guuleystay qorshahaas, ka dibna uu dhamaaday qorshihii aan degsanay

Tan kale waa jirtay inaan noqday madaxa xogheynta ee olalihii doorashada Faarax Sindiko, taasoo aan ku aheyn aqoonyahanno Soomaaliyeed oo is biirsaday, runtii qorshahan isaga ahna wuxuu nuugu hirgalay si aad iyo aad u wanaagsan oo ummaddu ey la wada socotay. Ha yeeshee qorshahan waxaan soo afjarnay oo aan xirnay barnaamijkan, markii uu Farah Sindiko ku biiray golaha samatabixinta Soomaaliyeed, si qurux badanna aan iskula afgaranay.

Mudadii aan joogey Nairobi, waxaa dhacday in shirka uusan u socon qorshihii loogu tala galay ee aan u baxnay, taasoo kaliftay inaan doorka nooga furan sidii mas置uliyiinta soomaaliyeed la isagu soo dhoweyn lahaa aan galno. Arrintan ayaa keentay inaan xoojino Somali Concern Group oo aad la wada socotaan dadaalkii dheeraa ee aan u galnay inaan hay誕daha caalamka iyo dowladaha shisheeyeba la sameyney xirriir aad u wanaagsan, runtiina habsami u socodka shirka iyo dhaqanka siyaasiyiinta soomaaliyeedba wax ka bedeshay. Ma dhihi karo guulaha hadda la joogo baan u sabab aheyn, ha yeeshee qeyb weyn baan ku laheyn.

Aniga shaqsi ahaan mar walbo waxaan ka fikiraa danta guud ee Somaliya, dadaalkeygana waan sii wadi doonaa, illaa iyo intii aan awoodo. Sidoo kale shaqsi walba oo Soomaaliyeed waxaan ku baraarujinayaa in uu ku dadaalo sidii uu ugu dadaali lahaa in waddanka mushkiladihiisa ey dhamaadaan, waana waajib saaran shaqsi walba ee fadlan aan wada xisaabtanno. Aad iyo aad baan u aaminsanahay haddii la wada dadaallo in guul ey u soo hoyaneyso ummadda oo dhan, ee fadlan yaan laga fakirin shaqsi jecleysi iyo dano gaar ah.

S)   Ma laga yaabaa inaad dhowaan gaarto shirka ama waddanka gudihiisa?

J)     Aniga shaqsiyan, hadda wax qorsho ah oo ku aadan bixitaan ma ii qorsheysna, ha yeeshee Somali Concern Group shaqsiyaad ka mid ah ayaan rajeynayaa iney dhowaan bixi doonaan, iyagoo naga wada wakiil ah, anagana halkan (UK) baaan ka caawini doonaa waxii karaankeena ah.

Waraysigan waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey
webmaster@mudulood.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 31, 2004

Maxkamadda Sare Ee Kanada oo Xukuntay
in Edbinta Caruurta Loo isticmali Karo Xoog Macquul ah Guji..

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD