SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Janaayo 29, 2004  

Nimanka wax ka Saxiix ama Xabsi Seexi, Musyoka

C/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

  cabdulwaxid@hotmail.com 

 

 

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



Bidix ka bilow: Mauulid Man, Abdullahi Yussuf, Abdukassim Salat Hassan, Hussein Aided
(Sawirka AFP)

Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Siyaasi Soomaali baa ba’ay. Qolyaha saxiixa diidan waa in lagu dayo sidii Wiilwaal ku deyey kitaab-gaablayaal markuu weydiiyey in cid aan Ilaah ahayn laga baqo. Wiilwaal wuxuu ka hadlayey baqdinta dabiiciga ah ee noolaha Ilaah ku abuuray ee kamuu wadin baqdinta cibaadada ah ee la rabo in loo garto in Ilaah kaliya wax dilo waxna nooleeyo. Kitaabgaablayaashii waa fahmi waayeen xujadii Wiilwaal ilaa Wiilwaal inta oodo aad u dhaadheer oo qurac iyo geed-qodxeed ka kooban uu wareejiyey oo aqal ka dhigay uu u yeeray kitaabgaablayaashii oo mar kale su’aashii weydiiyey iyaguna jawaabtoodii bay ku adkaysteen. Wiilwaal wuxuu gurigii hor dhigay waardiyayaal seefo haysta. Wuxuu soo diray labo askari oo inta meeshii soo galeen bay labo wadaad la boodeen oo u qaadeen guri kale dabadeedna inta laba wan seefihii ku soo qaleen bay labadii seefood oo dhiig ka da’ayo la soo galeen meeshii wadaadadu ku jireen dabadeedna labo kale ku dhegeen. Markii intaas dhacday ayaa wadaadii qaarkood waxay ka boodeen oodo aan wax binu-Aadam ahi ka boodi karin, qaarna waxay ka dhexbaxeen meel xittaa uusan masku ka bixin karin laakiin waxaa si xun u jeexjeexay qodxihii oodaha. Ka dib Wiilwaal wuxuu ku qanciyey in Ilaah iyo ciddii kaa xoog badan laga baqo. Waxay ku fiicnayd in wadaadadu dhahaan Ilaah kaliyaa waxna dila waxna nooleeya laakiin waxaa jira baqdin Ilaah nagu uumay.

Nin Yuhuud ah baa mar muslimiin dacaayadeeyey oo yiri geesinimaad ka hadlaysaan markaasaad dagaalkii Xunayn cararteen isagoo Nabi Muxamed (SCW) iyo asxaabtii haysta (RC). Nin meesha fadhiyey oo muslim ahaa baa xanaaqay oo yiri Nabi Muuse (CS) baa ka darnaa. Yuhuudkii wuxuu yiri maxaad ka waddaa? Ninkii muslimka ahaa wuxuu yiri: saxaabadii waa soo noqdeen Xunayn laakiin Ilaah wuxuu Qur’aanka ku yiri “ Wallaa mudbiran walam yucaqqib” micnaha Nabi Muuse (CS) markuu arkay ushii oo abeeso noqotay wuu jeestay/cararay oo ma soo noqon. Waxaan la yaabay waxa ninka muslimka ahi uu Yuhuud mar dambe jooga uu Muuse (CS) u xijinayo ilayn isagaaba ka xigee. Akhristaal horta Nabi Muxamed (CSW) ma cararin oo Isaga iyo saxaabo yar baa goobtii ku haray markii muslimiintu carareen. Marka sidoo kale Nabi Muuse (CS) iyo saxaabadii (RC) fulayiin maahayn ee waxaa jira wax nafta ku abuuran. Iska daa wax kalee haddii adoo dariiq maraya kubbad/banooni lagu soo tuuro waad gabban ama xittaa waxaa kaa nixin kara shimbir hadday kaa horboodo. Wixii Nabi Muuse (CS) qabsaday ma fulaynimaa? Maahan waxay tusaysaa inuu yahay qof binu Aadam ah. Waxaan sheekadan ku keenay in la ogaado baqdinta dabiiciga ah. Ka warran haddii idinkoo meel fadhiya baabuur bareeg soo goosto oo idin soo aado? Waa kee qofka fadhiyayaa?

Anigu Musyoka waxaan kula talin lahaa in inta saxiixa diiddan uu saldiga booliiska ee Pangani ku xiro iyagoon muddo afar iyo labaatan saac ah cunto la siin ka dibna laga soo saaro oo la yiraahdo saxiixa. Waxaan shaki iiga jirin inay qalinka ku duugayaan. Ha ogaado Musyoka in qof walba qaab loola hadlo. Haddii talada wax la iga weydiin lahaa waxaan toban beri ku hayn lahaa xabsi ee Safari Park Hotel ma geeyeen.

Waan iska fahmaynaa cidda afka usoo gelisay SRRC-da inay saas yeelaan waa ninka Itoobiya meesha u jooga. Laakiin annagu dad waaweyn baan nahay waana fahmaynaa sheekada SRRC. Waa sidii gabyaagii u lahaa:

  • · hal maqaarka diiddani hadday nigirta daabayso

  • · inkastoo daddaab loo dhigoo caano lagu daadsho

  • · daldalool ma weydiyo waxay kaga dareertaaye.

  • Marka cid dambe oo SRRC u dan la’aanaysa ma jirto. Dadka wax saxiixaya waa inay ahaadeen intaas IGAD qorshaysay ee ah 42. Ninkii diiddan waa inuu xabsiga aadaa. Doqonnimada SRRC waa iyagoo leh haddii taayada la diido, qof kasta haloo ogolaado inuu wax ka saxiixo! Maxay tahay sheekada noocaas ah. Marka IGAD iyo Musyoka waxaan dhihi lahaa ninkii diida saxiixa xabsi dhiga, dadweynaha Soomaaliyeed oo dhan waa ku farxayaa mid kasta oo xabsi la dhigo. Dagaal-oogayaashu waa qodxo/masaamiir nagu taagan, mid kastoo nala ka qabto wuxuu la mid yahay musmaar ama qodax nala ka siibay oo waxaan dareemaynaa nafis. Marka Musaveni, Kibaki, Ismaaciil Cumar Geele, Musyoka, Kiplagat iyo beesha caalamkaay sidiinaas ku socda oo dagaal-oogayaashu naftooda bay matalaan.

    Marka dadka Kenya jooga waxaan jeclaan lahaa inaad fariintaas Musyoka gaarsiisaan. Waxba ha isku deyina inaad u turjuntaan gabayga ku saabsan geela ilayn ninku geel ma yaqaane, ninkii isku dayana yuusan xabad xabad say tahay u turjumin si aysan u dhicin tii laga sheegay ninkii maahmaahdii ahayd: ma anaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa sideedii u turjumay oo yiri: am I mad or is someone singing in Eden?

    Mahadsanidin.


    Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

    C/Waaxid C/hi Khaliif
    London, UK
    cabdulwaxid@hotmail.com 

    AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

     Faafin: SomaliTalk.com |Jan 29, 2004 

     QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID

    . XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

    Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

    © www.SomaliTalk.com
    All About Somalia and More..
    .
    >> Usheeg Asxaabtaada
    Allah Is Great
    kaah

    BILICDA SOMALIYA
    Luuq Ganaane, 1987

    wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
    Akhri



    XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


    Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

    HTML CD