SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Janaayo 30, 2004
KING'S COLLEGE LONDON IYO HARGEISA HOSPITAL OO MIDOOBAY

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)


Karachi, Pakistan.


diridhaba2001@hotmail.com

 

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


Cisbitaalka Kings College Hospital London ayaa la mataanoobay Cisbitaalada Hargeysa Hospital,Edna Aadan Maternity Hospital,Dugsiga Tababarka Caafimaadka ee Hargeisa Nursing School,iyo Kuliyada Caafimaadka ee Jaamacada Camuud oo dhamaantoodba ku yaala Somaliland.

Hadaba Mataanaynta Cisbitaaladaas ayaa shalay xaflad heer sare ah loogu dhigay Qolka Shirarka ee Cisbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa,taas oo ay ka soo qayb galeen Gudiga Caafimaadka,Dhakhaatiirta Caafimaadka iyo dhamaan
shaqaalaha Cisbitaalka Hargeysa, xubno ka socday Cisbitaalka edna Aadan iyo afar Dakhtar oo ka socday Cisbitaalka Kings College iyo waliba madax iyo masuuliyiin kala duwan oo ka socday Wasaaradaha Dawlada.Furitaankii xaflada lagu mataanaynayay Cisbitaalada Kings College iyo kuwa Somaliland waxaa ugu horayn ka hadlay Gudoomiyaha Gudiga maamusha Cisbitaalka Hargeysa Mr.Maxamed Xuseen caabi waxaanu soo dhaweeyay mataanayntan cusub oo uu ku sheegay inay tahay dariiqo isu soo dhawaynaysa
Cisbitaalada isla markaana wax weyn ka tari doonta baahida caafimaad ee ay cisbitaalada Somaliland iyo goobaha waxbarshada ee Caafimaadku  qabaan mar hadii ay saaxiibnimo la sameyeen Cisbitaalka weyn ee Kings College oo uu ku sheegay inuu yahay Cisbitaal Caalami ah oo ku yaala dalka Britain.

Gudoomiyaha Gudiga Cisbitaalka Hargeysa Mr.caabi waxaa uu intaas ku daray in Cisbitaalka ay la mataanoobeen ee Kings College uu sanadkiiba sadex jeer u soo diri doono lix dhakhtar oo noqon doona hadba noocyada dhakaatiir ee ay baahida u qabaan Cisbitaalada dalku,waxaanu xusay inay dhakhaatiirtaasi ku iman doonaan baahida aynu wax ku dalbano,isagoo intaas klu daray inuu aad
iyo aad ugu rajo weyn yahay in xidhiidhkaasi wax ka qaban doono baahi caafimaad oo badan.

Xubnaha Dhakhaatiirta ah ee ka socday Kings College Hospital ayaa iyaguna sheegay sida ay u jecel yihin xidhiidhkaas soo kordhay waxaanay hawlo caafimaad todobaadkan oo dhan ka wadeen Cisbitaalka Guud ee  Hargeysa iyo Cisbitaalka  Edna Adan iyagoo isugu jiray Xubno xirfadoodu kala duwan tahay wax weyna u qabtay dad badan oop bukaan ah.

Maamulka Cisbitaalka Kings College ayaa iyaguna sida ay sheegeen xafladan la mid ah dhawaan ku dhigay xarunta Cisbitaalka ee magaalada London.

 MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)


Karachi, Pakistan.
diridhaba2001@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 30, 2004

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD