SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Janaayo 31, 2004  

Sidee haweenka Soomaaliyeed Loogu Abaal Gudi karaa?

wardheere Maxamuud Nuur Wardheere 

 mnwardere@yahoo.com 

Minneapolis, Minnesota, USA

 

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



 (Sawirka AFP Jan 29, 2004, Nairobi)


XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

 

Waxba waxbaa ka horeeya horta intii aanan loo abaal gudin haweenka soomaaliyeed maxay sameeyeen oo ay ku mutaysteen in loo abaal gudo sideese loogu abaal gudi karaa?.

Haddii aan.wax ka sheegno haweenka soomaaliyeed waxa ay umadda u tareen marka laga reebo inay ayagu yihiin kuwa dhalay soomaalida oo dhan oo koriyay haddana waxay noqdeen kuwa uu culayska carruurta soomaaliyeed badankeed uu dusha ka fuulay oo aanan helin cidkale oo ay ku haleeyaan- waa sida loo badan yahay.

Marka qurbaha la fiiryo goobaha waxbarashada ubadka Soomaaliyeed waxaa lagu arkaa haween badan iyo xoogaa rag ah. Marka la tago meelaha xawilaadaha oo ay Soomaalida dibadaha joogaa wax uga diraan si ay u caawiyaan qoysaska Soomaaliyeed oo ay jabhadaha ka hor istaageen fursadaha nabadda iyo waxqabsiga iyo shaqadaba ha joogaan dalka gudahiisa ama ha joogaan xeryo qaxooti dal shisheeye waxaa u badan haween Soomaaliyeed.

Dadaalka loogu jiro nabad raadinta iyo soo celinta dawladdii iyo qaranimadii iyo sharaftii Soomaaliyeed ee luntay safka hore ayay uga jiraan waayo haddaanan nabad la helin ayaga ayuu culayska badankii ku dhacayaa iyo dulmiga badankii sida kufsiga (Diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalidaba waa wax ay diideen) dilka caruurtood, walaakood, ninkooda,dumaashigood, soddogood,qaraabadooda ama naftoodaba.

Waxaa ayadana muhiim ah in caruurta Soomaaliyeed la baro doorkii ay haweenka soomaaliyeed ka soo qaateen xornimo u dirirkii iyo curintii qaranimada Soomaaliyeed ee lagu qamaaray. Haweenka Soomaaliyeed waxay haysteen oo dahab iyo macdan iyo dheeman iyo luul iyo dhaqaaleba waxay ahaayeen kuwii maalgashaday halgankii xornimada oo iska lahaa oo hadaanay hantidooda hurin gobanimo doonadii wax ma wadi kari lahayn. Dhaqaale keliya ma aha nee waa kuwii naf iyo maalba huray inkastoo Xaawo Taako ugu caansan tahay waxaa jira kuwa badan oo Qatar u galay Maandeeq.

Dhibta lagu hayo dumarka soomaaliyeed iyo caruurtooda iyo ehelkoodaba oo ay ku hayaan rag hubaysan oo soomaali ah iyo barafka qurbaha iyo isla hadalka qurbaha iyo ehel la’aanta ma ahan wax ay filayeen haweenkii xornimada noo dhaliyay sida ugu haboon ee loogu abaal gudi karo waa in ayaga iyo caruurtooda iyo raga ay u dhaxaan oo loo amaangeliyo oo ay helaan nabad iyo fursadda ay xaqqa u leeyihiin.

Maxamuud Nuur Wardheere
mnwardere@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 31, 2004

Maxaa Looga Xusaa Soomaaliya Maalinta Nabadda Adduunka?
Qof kasta oo ku nool dalka Maraykanka ama soo booqday ama asagoon iman waxbadan ka..
Faaladii Wardheere  29/1

QORAALADII HORE EE WARDHEERE

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD