SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GAALKACYO
WARARKA PL
  • C/Laahi Yusuuf oo u ambabaxay Kenya
  • Qaar Kamida Jaaliyadda Dibada Puntland Oo Shir La yeeshay Gudoomiyaha Dagmada Galkacyo.

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Puntland Oo Saaka Ka Amba baxay Magaalada Galkacyo Asagoo U Kicitimay Madasha Shirka Wadaxaajoodka Nabadda Soomaalida Uga Socdo Dalka Kenya.

Jimce 16 July,2004
Galkacyo(somalitalk)

Cabdulaahi Yusuf Axmed iyo wafti sare oo uu hogaaminayo ayaa xalay soo gaaray magaalada Galkacyo; madaxwaynaha DGPL oo socdaalkiisa ku wahliyay Jeneral Cade Muse ayaa saaka aroornimadii waxa ay kormeereen goob loogu talagalay in laga dhiso ama laga hirgaliyo jaamacad ay wax ku bartaan ardayda iyo dadkii aan nasiibka u yeelan in ay dhamays-tirtaan heerkii jaamacadeed oo ay sababtay bur burkii ka dhacay dalka Soomaaliay.

Madaxwaynaha DGPL oo ay wehliyeen PF, Maxamed Jamac Salaad iyo enjineeradii hirgalin lahaa dhismaha goobtan loogu talagalay in laga dhiso jaamacadaha kala ah Jaamacadda culuunta, farsamada, caafimaadka iyo kuwo kale hadii ay suurto gal noqoto.

Madaxwaynaha DGPL ayaa saaka goobtan soo dhagax dhigay asaga oo sheegay in uu ku faraxsanyahay sida ay isu xil saarayaan aqoonyahanada iyo dhaqaatiirta reer PL, gaar ahaanna kuwa reer Galkacyo, waxa uuna sheegay in maamulkuna uu gacan kagaysan doono sidii ay u suurtoobi lahayd in ay helaan shacabka PL iyo kuwa soomaaliyeed oo u baahan waxbarashada baahiyeed ee illaa heerka jaamacadeed gaarsiisan.

Intaa ka dib waxa uu C/laahi Yusuf Axmed shir saxaafadeed ku qabtay gagida dayuuradah ee Magaalada Galkacyo inta uu san ka duulin garoonka ayuu sheegay in mudadii uu joogay PL uu qabtay howlo kala duwan oo ay ugu muhiimsanaayeen soo magacaabida Golaha wasiirada cusub iyo kala diridda Golahii wasiiradii hore; waxa uuna sheegay in ay suurto gashay in la hirgaliyay ama lameel mariyay mudadii lixda bilood ahayd ee jiritaanka Golaha xukuumadda PL, sidoo kale waxa uu kawar-bixiyay in uu haatan safarkiisii dib ugu laabanayo maadaama uu soo afjarmay khilaafkii kajiray gudaha PL, uuna haatan dib ugu laabayanayo madasha wadatashig shirka soomaalida uga socda ee dalka Kenya sidoo kale waxa uu mahad balaaran u soo jeediyay dhamaanba shacabka reer galkacyo iyo waliba Isimada, waxgaradka Culumaa,udiinka asaga oo sheeagy in ay yihiin kuwo jecel in ay la qaybsadaan walaalahoodda soomaaliyeed nabadda iyo wada noolaanshaha ayna doonayaan sidii lagu helihaa Qaran soomaaliyeed oo loo dhanyahay.

Waxa uuna sheegay C/laahi Yusuf in la soo gaaray xiligii uu ka qayb gali lahaa shirka haatanna uu dib u noqonayo. Waxa uuna sheegay in mudada lixda bilood ah uu rajayanayo in lagu soo dhisi karo wax walba oo haatan qabyo ka ah wax qabadka Maamul Goboleedka PL.

Qaar Kamida Jaaliyadda Dibada Puntland Oo Shir La yeeshay Gudoomiyaha Dagmada Galkacyo.

 

Jimce July 16, 2004

Galkacyo(Somalitalk)

 

Waxaa saaka lagu qabtay Xarunta D/hoose ee magaalada Galkacyo shir balaaran oo ay ka soo qayb galeen Maamulka Degmada, Ganacsatada Gobolka, iyo Jaaliyadda Dibada ee u dhalatay Gobolka Mudug oo illaa dhowr casho ku sugnaynd magaalada Galkacyo.

 

Shirkan oo looga hadlayay heerka dhaqaale ee D/hoose iyo sara u qaadida kobcinta dhaqaale ee Goblka heerka ay marayso iyo waliba kalinta muhiimka ah ee jaaliyad ahaan ay ka qaadan-karto dhamaan howlaha Gobolka iyo ka dowlad hoose ahaan.

 

Kooxdan ka socotay jaaliyadda dibada ayaa ku socday sidii ay wax uga ogaan lahaayeen xaaladda dhaqaale ee Gobolka waxa ayna waydiisteen Gudoomiyaha Degmada, MD. Xuseen Jamac Yabaq, in uu warbixin ka siiyo guud ahaanba waxyaabaha ay la kulantay iyo wixii u qabsoomay iyo waxa haatan hortaagan.

 

Yabaq waxa uu kawarbixiyay mudadii uu maamulka hayay marxaladihii ay soo martay D/hoose iyo kuwa haatan hortaagan haday tahay xag dhaqaale iyo xag bulshaba iyo amaanka. Waxa uu ka war bixiyay xarunta D/hoose in ay horay u ahayd intii aysan ayagu maamulka qaban, goob ay daganaayeen dad shacaba oo barakacii iyo bur burkii dagaalada sokeeye ay u gaysteen dalka soomaaliya, kadibna aan ku guulaysanay in ay noqoto xarunto mid haatan ay ka howl gasho dhamaanba howlaha D/hoose ee Magaalada Galkacyo.

 

Mar uu ka hadlayay duqa dhinaca dhaqaalaha ayuu sheegay in uu yahay mid liita waxa uuna sabab uga dhigay dhaqaalaha ku soo xarooda D/hoose oo ah mid aad u liita, iyo Canshuurta oo si waafiya aan loo bixin, ayna keentay in hoos u dhac uu ku yimaado D/hoose dhamaanba wixii ay qaban lahayd ee ku saabsanaa adeega bulshada iyo kan dagmadaba haday ahaan lahayd xag horumarineed ama xaga bilicda magaalada.

 

Waxa uuna Yabaq u soo jeediyay dhamaanba ganacsatada iyo maamulada degmadaba in ay gacan kagaystaan sidii loo horumarin-lahaa degmada asaga oo sheegay in ay wali ku howlanyihiin daboolida dhamaanba baahiyada jira wallow aan mar qura la dabooli Karin dhamaanba daldaloolada baahiyeed ee latabayo.

 

Yabaq oo ka hadlaya dhinaca ammaanka ayaa tilmaamay in maalmihii tagay magaalada Galkacyo ay ka dheceen shilal kala duwan oo dhibaato gaystay iyo waliba dilal keeni kara dib u dhac ku yimaada degmada, waxa uuna sheegay in ay ku howlan yihiin sidii ay uga hortagi lahaayeen falalka noocan ah loona yarayn lahaa, waxa uuna sheegay in ay jiraan mashaariic loo qoondeeyay magaalada galkacyo ayna qaar-kood hatan qabsoomeen waxa uuna timaamay in ay yihiin kuwa qabsoomay Mashruuga biyagalinta oo ah laf dhabrta bulshadu ay ku noolaankarto iyo sumadaynta ama lambarinta guryaha, haatanna lagu guda jiro sidii loo fulinlahaa dhismo loogu talo galay boosteejoyinka ay ka bixi doonaan gawaarida gobolada iyo kuwa xaafadaha loona samay-doono ishaarooyin ama calaamad kala hagi doonta gawaarida ayna noqon doonto tan yarayn-doonta shilalka gawaarida.

 

sahrasiglan siglan <sahrosiglan@hotmail.com>


Faafin: SomaliTalk.com | July 16, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD