SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
WARARKA MAANTA::: JULY 17
  • Dowlada KMG ah oo markii ugu horeeysay ka hadashay eedeeyntii loo soo jeediyay ee ahayd inay ka danbeeyeen Afduubkii loo gaystay laba Nin oo ka mid ah Culumada Soomaaliyeed
  • Shirka Somali uga Socda Dalka Kenya oo ay soo gashay Rajo dhinaca Dhaqaalaha ah.
  • Shirkii 8-daad ee Wasiirada Arimaha Dibada IGAD oo lagu soo afmeeray Magaalada Nairobi.

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aaden (Garyare)
Garyare20@hotmail.com
Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com  

Shirka Somali uga Socda Dalka Kenya oo ay soo gashay Rajo dhinaca Dhaqaalaha ah.

Guddiga Fududeynta Shirka Somalida ee ka Socda Dalka Kenya ee IGAD ayaa markii ugu horeeysay Shaaca ka qaaday inay gacatooda soo gashay Dhaqaalo lagu socod siinayo Geedi Socodka Nabada Soomaalida ee Mudada Dheer ka Socda Dalka Kenya,waxaana sidoo kale uu sheegay Xafiiska Dhaqaalaha ee Guddiga Fududeynta IGAD in Dhaqaalaha soo garay uu yahay mid lagu sii wado karo shirka,laakiin waxay sheegeen inaysan taasi macnaheedu ahayn in dhaqaalaha iminka soo galay gacantooda uu kaafin karo Dhamaan tasiilaadka ku baxaya Shirka Somalida ee Kenya ka socda.

Jaamacada Carabta ayaa ugu deeqday Shirka Somalida aduun dhan 200,000 oo Doolar ka Maraykanka ah,Dowlada wadanka Ugadha iyo Dowlada Kenya ayaa lagu soo waramayaa inay iyaguna deeq ahaan u bixiyeen 250,000 oo Doolar,waxaa sidoo kale lagu soo waramayaa in Shirka Soomaalida ay markii uguu horeesay abid Dhaqaalo ugu deeqday Dowlada Wadanka Baaxada wayn ee Shiinaha dhaqaalahaas oo dhan 100,000 oo Doolarka Maraykanka,Dowladaha Ethiopia iyo Sudan ayaa ugu deeqday Shirkaasi Soomaalida waqtiga dheer uga socda Dalka Jaarka la ah Soomaalida lacag dhan 50 kun oo Doolar.

Bilihii ugu danbeeyay ayaa waxaa wararka ka imaanaya Shirka Soomaalida waxa ay tibaaxayeen inay Shirka soo wajeheen Dhaqaalo Xumi oo uba’an,taasoo xitaa sababtay in Hoteelada laga saaro qaar badan oo ka mid ah Ergooyinka ka qeyb qaadanaya Shirka Soomaalida,iyadoo ay taasi dood badan ka dhex abuurtay Ergooyinka Shirka ka qeyb qaadanaya iyo Guddiga IGAD u xilsaaran Socod siinta Shirka Soomaalida ee iminka galay Wajigiisii Sedexaad.

C/lahi Yuusuf oo u Ambabaxay Kenya

Muuse Suudi oo u Ambabaxay Kenya

Prof: Galeyr oo Qado Sharaf ku Qabtay Nairobi

Dowlada KMG ah oo markii ugu horeeysay ka hadashay eedeeyntii loo soo jeediyay ee ahayd inay ka danbeeyeen Afduubkii loo gaystay laba Nin oo ka mid ah Culumada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gudaha Magaalada Muqdisho.

Bayaan ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta Dowlada KMG ah ayaa waxaa lagu cadeeyay inysan Dowlada KMG ah wax xiriir ah la lahayn Qolyihii ka denbeeyay Afduubkii loo gaystay Lanadii Nin ee Culumada ahayd,waxayna Dowlada KMG ah inay arintaasi tahay wax la la yaabo maadaama aysan filayn in iyaga lagu tilmaami doono inay ka danbeeyaan Afduubkaasi Wuxuushnimada ah ee lagula kacay Dadka ay Somalidu ku tilmaanto Biri magaydo.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay Bayaankaasi in hadalkaasi ka soo yeeray Golaha SRRC-da inuu yahay mid wax u dhimaya Halka ay Jabuuti ka taagan tahay Soomaaliya oo ay sheegayn inay tahay dal had iyo jeer u taagan wax u qabashada Dadka walalahooda ah ee Soomaaliyeed,laakiin waxay wax laga argagaxo ku tilmaamaan hadalak kasoo yeeray Golaha SRRC-da ee sheegaya in Afduubkii loo gaystay Labadii Nin ee Culumada ahaa ay ka danbeeyeen Dowlada KMG ah Isla Markaana loo dhoofiyay Wadanka Jabuuti oo ay sheegeen in ilaa iyo iminka lagu hayo Mid ka Mid ah Labadaasi Nin,halka Midkii kale lagu aasay halkaasi kadib markii uu u geeriyooday Dhaawici ay horey ugu gaysteen Maleeshiyadii soo afduubeeysay.

Bayaankan ayaa waxaa lagu sheegay in Afduubka uu Soomaaliya ka bilowday Sanadkii 1991 oo aysan ahayn mid iminka ka bilaabatay Soomaaliya,laakiin waxay ayaandaro ku tilmaameen in Golaha SRRC- oo ay ku madalsanyihiin Hogaamiyayaasha ugu cad cad Soomaaliya ay ku tilmaamaan Afuduubka loo gaystay Rag Culuma Soomaaliyeed ah oo hadana Marti ku ahaa Magaalada Muqdisho inay lug ku lahaayeen Dowlada KMG ah iyo Dowlada Jabuuti.

Cabdi Barre Maxamed oo ah Afhayeenka Golaha SRRC waxa uu ku eedeeyay Afduubka Labadaasi Nin ee Culumada ah inay ka danbeeyaan Madaxwayanah Dowlada KMG ah ee Somaliya,Dr,C/qaasim Salaad Xasan iyo Gen,Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ah Saraakiisah Sar Sare ee Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed,waxaana uu sheegay inay tahay arintaasi mid ay cadeeyn u hayaan,Sida uu hadalka u dhigay Cabdi Barre Maxamed. 

Dr.C/qaasim  iyo Gen. Galaal oo lagu eedeeyay  Afduubkii Wadaado Soomaaliyeed

Shirkii 8-daad ee Wasiirada Arimaha Dibada IGAD oo lagu soo afmeeray Magaalada Nairobi.

Shirkan oo ay isagu yimaadeen Wasiirada Arimaha Dibada ee IGAD u Xilsaaran Shirka Soomaalida uga Socda Dalka Kenya Marka laga reebo Wasiirka Arimaha Dibada ee Wadanka Jabuuti oo kulankaasi ka maqnaa ayaa waxaa laga soo saaray markii uu u dhamaaday Warsaxaafadeed lagu qeexayo Sida uu Noqon doono Shirka Soomaalida Waqtiyada soo socda,iyadoo si Cad loogu qeexay in 30 Bishan aynu ku jirno ay tahay xilliga la soo afmeeri doono gabi ahaanba Shirka Soomaalida ay ku leeyihiin Meesha lagu Magacaabo Mbagathi.

Wasiirada Arimaha Dibada ee IGAD waxay markale ay amaan Dusha uga tuureen Labada Beelood ee kala ah Digil iyo Mirifle iyo Beesha Hawiye oo ah beel uu Muran ka taagan yahay Liiska ay IGAD u gudbisay,laakiin sidaa oo ay tahay ayaa waxaa muuqata in IGAD aysan dhag u dhigayn Dhaliilaha loo soo jeedinayo Liiska ay IGAD u soo gudbiyeen Qaarka mid ah Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka Hawiye.

Wasiiradu waxay ka Codsadeen Beelaha kale e Soomaaliyeed ee wali isku mari la hab qeybsiga Xubnaha Baarlamaanka uga Mid Noqonaya,iyadoo iminka laga dareemayo Madasha Shirka Soomaalida Khilaafaad Xoogan oo u dhexeeya Beelkasta sida ay u qeybsanayso Xubnaha Barlamaanka uga Mid Noqonayo,marka laga reebo Beelaha Hawiye iyo Digil iyo Mirifle inta kale ee soo hartay ee ka tirsan Beelah Soomaaliyeed ma soo gudbin wax liis ah oo ay isku Raacsan yihiin mana Muuqato wax ifafaalo ah oo muujinaya isusoo dhawaasho Dhexdooda ah.

Maraykanka oo ka naxay Go’aanka ay Filibiin uga Baxayso Wadanka Ciraaq.

Afhayeenka Aqalka Cad ee Wadanka Maraykanka laga Xukumo ayaa daboolka ka qaaday sida ay uga soo horjeedaan Tilaabbada ay ku dhawaaqday Dowlada Wadanka Filibiin oo ay sheegtay inay Ciidamadeeda kala baxeyso Guud ahaanba Wadanka Ciraaq,waxaana uu sheegay intaasi ay tahay mid wado hor leh u fureeysa Kooxaha Argagixisada ee ka Howl gala qeybo ka mid ah Dunida gaar ahaan Wadanka Ciraaq oo uu sheegay inay ku badan yihiin iminka.

Hadalka Afhayeenka Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa ka danbeeya Kadib markii ay Dowlada Wadanka Filibiin ku dhawaaqday in ay gabi ahaanba Ciidamadeeda Jooga Dalka Ciraaq halkaasi kala bixi doonto,waxana ay wararka qaar shegayaan in Ciidamadiii ugu horeeyay ay iminka gaysatay Wadanka Dariska la ah Wadanka Ciraaq ee Kuwait,waxaana qorshaha Dowlada Filibiin ee ku wajahan Ciidamadaasi ay iminka gaysay Kuwait uu yahay in ay uga sii talaabaan Wadanka ay u dhashen ee Filibiin.

Dowlada Filibiin waxay tahay Dowladii Shanaad ee ku dhawaaday inay Ciidamadeeda kala Baxayso Wadanka Ciraaq Kadib markii ay Muwaadin u dhashay Wadankeeda lagu xiray Nolashiisa iyadoo kala baxday Ciidamadeeda Wadanka Ciraaq,taasoo ugu danbeeyntii ay fulisay Filibiin,waxaana horay sidan oo kale ugu dhawaaqay inay Ciidamada ka jooga kala baxayso Dalalka ay ka mid ka yihiin Domenika,Honduras iyo Wadanka Spain

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aaden (Garyare)

Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com  


Faafin: SomaliTalk.com | July 17, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD