SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Seminaaraka wacyigalinta wiilasha ardayda ah ee jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee muqdisho

Waxaa lagu qabtay xarunta Al-Imaam Al-bukhaari ee wacyigalinta iyo horumarinta bulshada ee magaalada Muqdisho maanta oo ah 17/06/2004 xafladdii furitaanka Seminaar socon doona laba toddobaad oo lagu wacyigalinayo wiilasha jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee wax ka barta Muqdisho iyo agagaarkeeda. Xafaladdaan waxaa ka soo qayb galay marti sharaf ka socota dalladda culimada, xariirka ardayda Soomaaliyeed ee caalamiga ah, jaamacadda islaamiga ah,maraakizta dacwada   maamulka xarunta A-Imaam Al-Bukhaari, macallimiinta Seminaarka wax ka dhigi doonta, waalidiinta, ardayda, warbaahinta Muqdisho iyo marti sharaf kale. Waxaa halkaa hadallo ka soo jeediyay qaar ka mid ah mas'uuliyiintii ka soo qayb gashay xafladda waxayna u mahadceliyeen una duceeyeen dadkii suuragaliyay Rabbi ka dib qabashada Seminaarradaan iyagoo sheegay in ay bixiyeen kharashaka dawradaan dadweynaha deggan Xamar, waxay kale oo la xusay in la qaban doono Seminaarro kale oo ay ku wada tabarruceen dadwaynaha Soomaaliyeed rag iyo dumarba. 

Ujeeddooyinka Seminaarradaan waxaa ka mid ah:

  • 1.     In dhallinyarada wax laga baro diintooda, lana siiyo tarbiyo islaami ah.

  • 2.     In firaaqadooda lagu buuxiyo wax anfacaya adduunkooda iyo aakhiradooda.

  • 3.     In laga hortago afkaarta iyo dhaqamada xun xun ee lagu faafinayo dhallinyarada Soomaaliyeed.

  • 4.     In la dareensiiyo xilka ka saaran hagaajinta iyo horumarinta bulshada, laguna wacyigaliyo qaddiyadaha umadda islamka, lana baro cadawgooda iyo sokeeyohooda.

  • 5.     In sare loo qaado hankooda, isku kalsoonidooda, hal abuurkooda, kala dambayntooda iyo ka dhabaynta waxqabadka wanagsan.

  • 6.     In ay isbartaan, isuna kaashadaan khayrka iyo ka hortagga xumaanta. 

Duruusta lagu qaadan doono Seminaarkaas waxaa ka mid ah: Ahmiyadda Tawxiidka, Tilmaamaha Ahlusunnaha, dhalinyarada iyo diinta, Tilmaamaha Jannada iyo Naarta, Humuumta wiilka muslimka ah, Raacista nabiga, Xirfadaha wax akhriska, fakarka toosan iyo hal abuurka, zinada iyo wadooyinka la isaga dhowri karo, Dahaarada, Salaadda, dagaalka dhaqanka ee gaaladu kuwadaan muslimiinta, ilaalinta sharafta, cadawga iyo sokeeyaha, walaalnimada islaamka, Kaalinta warbaahintu ku leedahay samaynta afkaarta, cilmi barashada iyo Aadaabta maashaakilaadka dhalinyarada iyo xalkooda,dhibaatooyinka lagu haayo muslimiinta qaar sida falastiin ciraaq iyo kuwo kale.

Waxaa ka qayb qaadanaya bixinta duruustaan 15 macallin oo ka mid ah culimada iyo ducaadda Soomaaliyeed, waxaa kale oo hawsha fulinteeda u taagan xirirka ardayda Soomaaliyeed.  

Waxaa dhinac socon doona duruusta nashaadyo kala duwan oo ay ardaydu qaban doonaan muddada Seminaarku socdo, sida: Cilmi baaris, Qoris maqaallo, Gabayo, Booqashooyin lagu tago goobaha adeegyada bulshada iwm. 

Waxaa xusid mudan in magaalada Muqdisho lagu qaban doono Seminaarro fara badan oo dhallinyarada looga badbaadinayo duullaamada lagu soo qaaday diintooda, akhlaaqdooda iyo sharaftoodaba, waxaa ayana lagu qaban doonaa dawrooyin noocaan oo kale ah magalooyinka waawayn ee dalkeenna, sida Hargeysa, Burco, Boosaaso, Galkacyo iyo meelo kale. Waxaa wax aad loogu farxo ah sida dadwaynaha Soomaliyeed u fahmeen khatarta ku wajahan ubadkeenna taasoo keentay in ay u huraan badbaadintooda naf iyo maalba, waxaana rajaynaynaa in waxqabadka isku tashiga ku dhisani  sii kordho mustaqbalka. 

Ugu dambayntii waxaa usbuucaan iyo kan ku xiga la furi doonaa seddex siminaar oo wiilasha un ah, haddii Rabbi idmo.

W.D.Abuukar Yaasiin Xaaji Daahir

Muqdisho soomaaliya

<abuukarsom@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com June 17, 2004

Daraasad Gaaban: Dhibaatooyinka Soomaaliya Iyo Xallintooda
Daraasad kooban oo ay soo saareen aqoon yahanno Soomaaliyed ayaa kubilowday in... Guji...  June 14

Culimada iyo waxgaradka Burco oo Horseeday iskaashi ku Dayasho mudan
» Mashruuca dhismaha biriij cusub oo laga hir gelinaya Burco
» Dadaal lagu doonayo in jaamacadii ugu horaysay laga furo Burco
Ka akhri warbixintii C/Laahi Baashe June 12

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD