SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
 WARARK AMAANTA:
  • Dowladda Imaaraadka Carabta oo 72-saaacdood u qabatey qusulkii soomaliya u fadhiyey Emaaraadka.

  • C/llaahi Xaaji Dayib “Waxaa la damcay in sidii Cali Khaliif iyo Xasan Abshir la ii eryo….

  • Xus ballaaran oo loo sameeyay sannadguuradii dowladda Cabdi Nuur DARMAAN…

  • SIMINNAAR LOO FURAY DHALLINYARO MALEESHIYO AH………

  • Xarunta Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed oo ufurtey 40 haween ah tababar..

     

C/llaahi Xaaji Dayib “Waxaa la damcay in sidii Cali Khaliif iyo Xasan Abshir la ii eryo….

 

C/llaahi Xaaji Dayib oo ah guddoomiyaha Hay’adda isku xirka nabadda iyo xuquuqda Aadanaha ee INXA ayaa shalay shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, waxa uuna shirkaas jaraa’id ku faahfaahiyay arrimo fara badan oo la xiriira xaaladda Hay’adda INXA iyo mustaqbalka Hay’addaasi, wuxuuna sheegay in hay’adda INXA ay haatan billowday howlihii ay ugu adeegaysay bulshada, ha noqoto dhanka wacyi-gelinta iyo dib u dhiska dalka.   Mar waxa laga weydiiyay inuu khilaaf u dhexeeyo Madaxda Hay’addaasi, wuxuu wararkaas ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayd.          “Waxaa idiin caddeyn kara wareysiyadii ay dhawaan bixiyeen Faadumo Foorto iyo Avv. Cumar Dhegey oo ay ku sheegeen inaysan wax khilaaf ah u dhexeyn madaxda sare ee Hay’addaasi” ayuu yiri C/llaahi Xaaji Dayib oo intaa raaciyey “Waxaa la damcay oo dad ay ka shaqeeyeen iyagoo adeegsanaya wargeysyada in la ii eryo sidii loo eryay Cali Khaliif Galayr iyo Xasan Abshir, balse taasi ma aysan suurtogelin”, waxaana uu intaa sii raaciyey “Waxaan u soo jeedinayaa bulshada in dadka soo laabanaya la soo dhoweeyo oo aan lagu sameyn sidii Cali Khaliif Galeyr iyo Xasan Abshir.  

 

C/llaahi Xaaji Dayib waxa uu sheegay in dhowaan dar-dar la gelin doono howlaha Hay’adda isku xirka Nabadda iyo xuquuqda Aadanaha ee INXA, dhowaanna la qaban doono barnaamijyo is daba joog ah oo lagu wacyigelin doono qaybaha kala duwan ee Bulshada, mar uu C/llaahi ka hadlayay lacago ay lahayd hay’adda INXA oo la lunsaday waxa uu yiri “Warkaasi waa been aan sal iyo raad toona lahayn, waxaa la doonayay in sharafteeda wax loogu dhimo, mana jiraan lacago tiradeedu intaa la eg tahay oo mar qura soo gasha hay’adda INXA, ugu dambeyntiina waxa uu u soo jeediyey kuwa wararkaasi faafinaya in ay wax hubsadaan

 

Dowladda Imaaraadka Carabta oo 72-saaacdood u qabatey qusulkii soomaliya u fadhiyey Emaaraadka.

 

May 18: DKG, ayaa markii ugu horaysay sheegtay inay  Xakamaynayo Baasaboorka Soomaaliga oo meelo badan oo Caalamka ah laga mamnuucay. Guji

May 17: C/laahi Yuusuf oo saddex maalmood lagu xayiray Airoprka Dubai baasaboorka Soomaaliga awgiis, Guji...

May 15: C/qqasim oo ka ashtakoonaya mamnuucida baasaboorka Soomaaliga ee Kenya iyo UAE..Guji

May 13: Mar uu C/Qaasim Salaad Xasan ka hadlayay baasaboorka Soomaaliyeed ay joojisay dowladda Imaaraadka Carabta waxa uu sheegay in warkaasi uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn.. Guji

MAY 12: Xuseen Maxamed Bulaale oo ah Safiirka u fadhiya DKMG Waddanka Imaaraaadka ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin in Baasaboorka Soomaaliya laga mamnuucay Imaaraadka... Guji..

MAY 11: Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka DKMG  Xuseen Saalax  ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin Go’aanka ay Imaaraadka Carabtu ku mamnuucday Baasaboorka Soomaaliga... Guji..

MAY 10: Warar ayaa waxay sheegayaan in dowladda Imaraadka Carabta ay fulineyso qoraal ay dowladda KMG ah horey ugu dirtay ee ahaa in ay soo sameysanayso Baasaboor, kaasoo la sheegay in ay bixin doonaan safaaradaha Soomaaliya ku leedahay dalalka Jaamacadda Carabta. Guji..

DGPL: Maya Baasaboorka Kenya

Puntland oo Mamnuucday Baasaboorka Kenya

Kenya oo mamnuucday in dalkeeda lagu soo galo baasaboorka Soomaaliga

Iyadoo dhowaan Dowladda Imaaraadka Carabtu ay hakisay Visa ku dhufato Baasaboorka Soomaaliga ah ayaa warar shalay soo baxay waxa ay sheegayaan in dowladda Imaaraadka Carabta ay 72-saac u qabatay in uu dalka kaga baxo qunsulka guud ee Safaaradda Soomaalida u fadhiyey waddankaasi oo lagu magacaabo Maxamed C/qaadir (Maxamed Yarow). Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa lagu faah-faahiyey arrintani, illaa iyo haatanna lama caddeyn sababaha loo eryay qunsulka, balse warar ayaa waxay sheegayaan in lala xiriirinayo arrimo dhinaca maamulka ah iyo lacago la is daba mareeyey

 

Xus ballaaran oo loo sameeyay sannadguuradii dowladda Cabdi Nuur DARMAAN…

 

Waxaa maalitii shalay ahayd xarunta madaxtooyada dowladda uu hoggaamiyo C/nuur Darmaan lagu qabtay xaflad aad u ballaaran oo lagu xusayay sannadguuradii koowaad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay dowladdaasi, waxaana ka qaybgalay xoghayeyaasha Dowladda C/nuur Darmaan, Wakiillada Xisbiga Midnimada Jamhuuriga, Odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada, waxaana intii ay socotay xafladda heeso guubaabo ah halkaas ku soo bandhigtay kooxda Iftin, xafladdaan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ugu horreyntii ka hadlay C/llaahi Maxamed Jimcaale oo ah xoghayaha guud ee dowladda waxa uuna sheegay tan iyo intii ay dowladdu dhisnayd ay dib u soo noolaysay xiriirkii caalamiga ahaa, waxay kaloo dib u soo celisay xiiriirkii jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Dibadda  waxa kale oo uu sheegay inay dadaal u gashay sidii ay caalamka uga dhaadhicin lahayd dibin daabyada shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, waxa kale oo uu sheegay xeer ilaaliyuhu in Somaliland iyo dowladda uu dhex maray is faham dhinacyo badan leh, isagoo sheegay inay dowladdu soo dhaweynayso haddii ay goosasho damacdo Somaliland.

 

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay Suldaan Xayle Suldaan Cismaan oo isagu beesha caalamka ka dalbaday in loo soo qaado ergooyinka ku sugan shirka Nairobi si ay wax ula qaybsadaan shacabka Soomaaliyeed.

 

Ugu dambeyntii waxaa xafladda ka hadlay Geeddi Raage oo ah ku simaha Madaxweynaha Dowladda C/nuur Darmaan ahna xoghayaha Arrimaha gudaha, isagoo sheegay in intii ay dowladdu dhisnayd ay ku tallaabsatay horumar la taaban karo, wuxuu kaloo sheegay in dowladdu ay dhawaan billaabi doonto barnaamijyo dib loogu dhisayo dalka.

 

SIMINNAAR LOO FURAY DHALLINYARO MALEESHIYO AH…………

 

Waxaa maalintii shalay ahayd xarunta Baarista ee magaalada Muqdisho ka furmay siminnaar ay soo qaban qaabiyeen xoogagga shaqo ee Xuquuqda Aadanaha ee INXA waxaana tashiilaadka uu ku soconayo siminnaarkaasi bixiyay hay’adda NOVIB SOMALIA.

 

Siminnaarkaan oo loo furay 30-malleeshiyo ah ayaa waxa inta uu socdo ku baran doonaan casharro la xiriira dhanka xuquuqda Aadanaha waxaana furay Guddoomiyaha Hay’adda nabadda iyo xuquuqda aadanaha ee INXA C/llaahi Xaaji Dayib, wuxuuna yiri: “14-kii sano waxaad waydeen waxbarasho, caafimaad iyo dowlad intaba”, wuxuu intaas sii raaciyay: “Casharrada aad halkaa ka barataan waxaa loo baahan yahay in aad u gudbisaan dhallinyarada kale ee aan fursadda u helin”.

 

Waxaa ka hadlay guddoomiyaha Xoogagga shaqo ee Xuquuqda Aadanaha INXA Saynab Nuur Xaayoow, waxayna sheegtay inuusan ahayn siminnaarkaan midkii ugu horreeyay ee loo qabto maleeshiyo, waxayna sheegtay in ujeeddooyinka siminnaarkaan uu yahay sidii Malleeshiyooyinka ay ula qabsan lahaayeen bulshad inteeda kale.

Waxaa casharro ka bixinaya Nuuro C/llaahi Xaaji, waxaana xiriiriye ka ahaa Faa’iso C/xaafid, wuxuuna siminnaar-kaan ka mid yahay siminnaaro is daba joog ah oo lagu qaban doono xarunta.   

 

Xarunta Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed oo ufurtey 40 haween ah tababar..

 

Xarunta Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed, Somali Center For Women Empowerment (SOCWE) ayaa shalay u furtay 40-gabdhood tababar xoghayenimo oo lacag la’aan ah, kaasoo socon doona muddo toddobaad ah.

 

Furitaankii xafladdaan ayaa waxaa ka hadlay madaxa Hay’addaasi Axmed Cali Maxamed (Shariif) oo sheegay in Faa’iidada iyo muhimmadda uu u leeyahay tababarkaani gabadhaha Soomaaliyeed, gaar ahaan xilligan oo aysan dowlad dalka ka jirin, isagoo kula dardaarmay ardayda tababarkan u socdo inay ka faa’iidaystaan fursaddan qaaliga ah.

 

Tababarkaan oo bishiiba  hal isbuuc la qabto ayaa guud ahaan socon doona 4-bilood, kaasoo ay ku baranayaan kooris buuxa laguna bixin doono shahaado mustaqbalka waxtari doonta. Kooxdan uu shalay tababarku u furmay waa kooxdii 4-aad ee xaruna Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed tababar lacag la’aan ah u furtay.

 

Wuxuu sheegay ugu dambeyn agaasimaha xarunta in dhawaan la ballaarin doono maadooyinka ay siiyaan haween-ka Soomaaliyeed, waxaana lagu kordhin doonaan maadooyin ay ka mid yihiin Office Management and Administration, Bookkeeping and Accounting iyo kuwo kale oo mustaqbalka fursad u noqon doona inay shaqo ku helaan

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E- Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 6, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD